SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Abaal Marin La Gudoonsiiyay Shaqaalaha Caafimaadka Gobolka Awdal Kuwii Ugu Shaqada Wanaagsanaa Sanadka

    Posted by Sawnews.tk on September 27, 2009

    News-and-EventsBorama-(Sawnews)-Xaflad lagu abaalmarinayay qaybaha Shaqaalaha Isbitaalka Borama iyo MICH-yada ayaa lagu qabtay Xarunta caafimaadka ee Gobolka Awdal,
     munaasibadaasi abaalmarinta lagu siinayay qaybaha waadhadhka Isbitaalka Borama, shaqaalaha ugu waxqabadka wanaagsanaa iyo MCH-yada gobolka kii ugu adeega firfircoonaa dhinaca dawaynta dadka ayaa gudoonsiintii abaalmarintaasi waxa ka qayb galay Isuduwaha Caafimaadka gobolka Awdal, Madaxda Hayada Copy, shaqaalaha Isbitaalka iyo mch-yada iyo dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka Borama.

    Waxana qiimayn ka dib abaalmarinta ku mutaystay xaga waxqabadka iyo caafimaadka goobta ay ka shaqeeyaanba iyo u adeegida dadka bukaanka ah waxa abaalmarinta mutaystay waadhka dhalmada ee Isbitaalka Borama oo la gudoonsiiyay oo abaalmarin loo siiyay $500 oo loogu talo galay inay qaybsadaan shaqaalaha ka howlgala waadhkaasi dhalmada halka Mch-yadana dhinaca adeega iyo u shaqaynta dadka bukaanada ah ee imanaya mch-yada uu mutaystay Mch-ka Sheekh Cali Jawhar oo iyagana la gudoonsiiyay $500 waxaana qaybsan doonaa shaqaalaha Mch-kaasi waxana ay taasi noqonaysaa dhiiri galin iyo dadaal inay shaqaaluhu sameeyaan kuna tartamaan howsha waxqabad.

    Waxana qiimayntani ay soo bilaabantay sanadkan horaantiisii iyadoo hada ka dibna sidaasi loo qiimayn doono cidii mutaysatana abaalmarin la gudoonsiin doono.

    Isuduwaha Caafimaadka gobolka Awdal Dr.Cabdi Daa’uud Muuse oo ka hadlayay munaasibadaasi ayaa shaqaalaha isbitaalka iyo kuwa mchyadaba kula dardaarmay inay dadaal xoog ah iyo u adeega bulshada si fiican looga qayb qaato, waxuuna cadeeyey in cidii shaqaysata ay mutaysan doonaan abaalgud.

    Ugu dambayntii waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha Isbitaalka Borama Dr.Ismaaciil Muxumed Aye waxuuna uga mahadceliyay waadhka dhalmada iyo Mch-ka Sheekh Cali inay howshoodu tahay mid ka dayasho mudan balse hadii doorka dambe dhinaca shaqada iyo waxqabadkaba lagaga dheereeyo cidii u qalanta la siin doono, waxuuna sheegay in hayada Copy oo labo sano la shaqaynaysay caafimaadka gobolka uu dhamaaday balse lixbilood oo kale oo heshiis ah ay galeen caafimaadka iyo hayada Copy laguna rajo wayn yahay in shaqadu ay si fiican u socon doonto.

    Balse waxa ay iswaydiinayaan shaqaalaha caafimaadka iyo bulshaduba howshan qiimaynta iyo abaalmarinta lacageed ee la siinayo l shaqaalahaasi kala duwan ma waxay noqon doontaa mid markaasi koowaad ku dhamaata mise way sii socon doontaa oo maamulku wuu kaga dhabayn doonaa arrintan meelmarinteeda.

     

    Wariye:-
    Abokor Hassan Affi

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: