SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dawladda Ingiriiska oo Markii u Horreysey Tababar Caalami ah u Fidisay Ciidammadda Ilaalada Xeebaha Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on September 26, 2009

    Navy_ForcesHargaysa(Sawnews)- Dawladda Ingiriiska ayaa markii u horreysey tobabar dhinaca badda ah oo caalamiya u furtay cutubyo ka tirsan ciidammada Ilaaladda Xeebaha Somaliland ee saldhigoodu yahay magaalada xeebta ah ee Berbera Munaasibad loo sammeeyey furitaanka tobabarkan oo shalay si rasmiya looga furay Xerada Ciidammadu ku leeyihiin Berbera, ayaa waxa ka qabygalay saraakiil sarsare oo ka socda dawladda Ingiriiska, masuulliyiin ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdillaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Cismaan Jibriil Xaggar.

    Tobabarkan oo noqonaya kii u horreeyey ee noociisa ah ee la siiyo ciidammada badda Somaliland oo ay maalgelinayso dawladda Ingiriiska, socona doona muddo saddex bilood ah, ayaa inta uu socdo waxa la bari doonaa adeegsiga haamaha iyo qallabka dhabarka lagu xidho ee ay ku jirto hawada neefta laga qaato ee loo adeegsado badaha hoostooda ee loo yaqaan “Oxygen” iyo sidoo kale xirfadaha quusitaanka.

    Talliyaha ciidammada Ilallada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar oo tababarka furay, ayaa sheegay in ciidammadu si wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan xirfadda ay baranayaan casharrada iyo qalabka la siinayo, isagoo xusay inay tahay markii u horreysey ee la siiyo tobabar iyo qalab noocan oo kale ah.

    Mid ka mid ah saraakiisha tobabarkan bixinaya ee ka socda dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii tobabar caalamiya loo siin lahaa ciidammada Badda Somaliland, isagoo intaa raaciyey inay sii wadi doonaan taageerada iyo tobabarka ay bixinayaan.

    Ciidammada Ilaallada Xeebaha Somaliland, ayaa lagu sifeeyaa qaar aan haysan tobabar iyo qalab ay u adeegsadaan badda, isla markaana aan lahayn gaadiid badan oo ay kaga hawlgalaan xeebaha Somaliland oo dherer ahaan lagu qiyaaso 800km, ahna biriij ganacsi oo isku xidha Afrika iyo Asia oo muhiim u ah isu-socodka ganacsi ee dalalkaas.

    Kooxaha budhcad-badeeda Soomaalida oo iyagu khatar weyn qafaalasho ku haya maraakiibta iskaga gooshta biyaha xeebaha dalkii laysku odhan jirey Soomaaliya, ayaa haddana ciidammada Somaliland ee awoodooda dhaqaale, xirfadeed iyo qallaba iyadoo liidato haddana waxa ay dhawr jeer ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan kooxo isku dayay inay ka qawlaystaan Xeebaha Somaliland.

     

     Jamhuuriya Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: