SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Ayaa Soo Dhaweeyay Go’aankii Guurtida

    Posted by Sawnews.tk on September 25, 2009

    rayaalesilaanyoHargaysa,(Sawnews)- Go’aankii maanta ay soo saareen golaha guurtida ayaa waxa si kala gaar gaar ah u soo dhaweeyay xisbiyada mucaaridka iyo xukumada Somaliland.

    Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa si farxadleh u soo dhaweeyay go’aankaasi, madaxweyne Rayaale ayaa sheegay oo daboolka ka qaaday in uu dhamaaday is jiid jiidadkii iyo is fahmlaantii u dhaxaysay xisbiyada iyo xukumada, waxa aanu amaanay golaha guurtida  go’aanka ay qaateen, waxa aanu soo dhaweeyay in wada tashi iyo wada shaqayn ay xukumadiisu diyaa u tahay, isga oo sheegay in loo diyaar garoobo oo laga wada shaqeeyo sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd.

    Waxa isna si farxadleh go’aanka guurtida u soo dhaweeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, gudoomiyahu waxa uu aad u amaanay golaha guurtida iyo sida ay u bad baadiyeen dalka iyo dadka waxa aanu sheegay in halkaasi laga sii amba qaado, gudoomiyahu waxa uu sheegay in hadii ayna sidaasi samyn lahayn ay maanta xaaadu sidaasi ka duwanaan lahayd.

    Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa isna si aad u diiran u soo dhaweeyay go’aanka golaha guurtidu ay maanta gaadheen waxa aanu duco iyo bogaadin u gudbiyay golaha guurtida, sidoo kale waxa uu aad u amaanay xukumada Somaliland.

    Dadweynaha gobolada dalka iyo kuwa ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa iyana aad u soo dhaweeyay heshiiskani lagu wada qancay taasi oo hada laga wada shaqyn doono sidii loo raadin lahaa xiliga ay qabsoomi doonto doorasho lagu wada qancsanyahay.

     

    Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: