SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • REER BA’AYOW IYAA KU LEH

    Posted by Sawnews.tk on September 25, 2009

    hand writingWaxa la yaab ah sidda ay labada Gole u gutaan shaqadooda. Habka ay wax u wadaani waa hab ku cusub aduunwaynaha iyo Somalidaba. Ujeedada aduunwaynuhu u samaystay Golayaashaas oo kale waa in ay ilaaliyaan distoorka ummada iyo wixii sharciya ee ku lifaaqan. Waa in ay ka caaganadaan musuq, laaloosh, iyo faragelin ka timaada mucaaridka iyo muxaafidkaba.

    Golaayaasho waxay noqdeen goob dagaal, goob qabyaaladeed, iyo goob lagu iibsado codadka Guurtida iyo Wakiilada. Turxaanta iyo fergelinta ay ku hayaan madaxda mucaaridku waxa u sabab ah Gudoomiyaasha Golayaasha iyo. Waayo waxay kariwaayeen in marka arimaha xasaaiga ah la qorshaynayu in ay albaabada u xidhaan oo ay masuuliyad isa saaraan. Marka Siilaanyo iyo Waraabe oo aad muudo libaaxyo ay soo fadhiistaan Golayaasha oo kuwa ka mid ah golaayashu ay noqdaan siddii Ay libaax arkay oo dabada muska geliyay ( inayn waa dad xalay laaloosh cunay e ama qabiil ahaan ku soo tashaday e  ay niiqda guraan) kuwa kalana ay difaac galaan, waxa dhacaysa in dagaal bilaabmo oo kabaha la is la dhaco.

    Waxan arkay sawiro laga soo qaaday golayaasha doodohoogii u dambeeyey. Waxan is waydiiyey maxaa dhexdhigay mucaaridka madaxdooda doodahan oo kale. Marka laga hadlaayo dhexdhexaadin iyo moron dhexyaala laba qof miyayna haboonayn in iyaga geed lagu soo xidho oo xal laga gaadho arinta u dhexaysa.  Golayaasha waxan u argaa meel  loosoo laaluush doonto. Mudanayaasha golayaasho waa ciidamo calooshooda u shaqaysta oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland.

    Somaliland waxay maanta ku jirtaa tii laga mamaahay ee ahayd REER BA’AYOW AYAA KU LEH. Guurtida iyo Golaha Wakiiladuba waa musuqa iyo kala qaybinta aabohood.  Waxa indhaha, caqliga, iyo geesinimadaba ka qaadey laaluush iyo qabyaalad. Haddii danta wadanka iyo ummada ay danaynayaan intay albbabada xidhaan ayey go’aan kama dambeyna soo gaadhi lahaayeen oo ummada ugu baaqi lahaayeen. Labada gole waa meel geesinimo, raganimo, iyo danta guud ee ummado ku dhimatay ee waa in dadweynuhu ka tashaada iga oo wada jira oo iska dhaafa qabiilka.

    Mucaaridkan iyo golayaashan ay hogaaminayaan dad aan daba ka walwal lahayn oo maanta xaasaskoodu ay nabad iyo barwaaqo ugu nool yihiin wadana shisheeye oo haddi arin qadhaadhaato dayaarada hor ka raacaaya waxba inomma soo wadaan, meelna inoo jiidi maayaan, arinna inoo xalili maayaan. Waa dad meela kale looga heesaayo, amarna ka qaata dowlada shisheeye. Taas waxa weheliya Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada ee laga soo buuxiyey kaabo qabiilo, salaadiin, iyo dad ka hadla hunguriga.

    Haddii ilaahay inaga saaro marxaladan qadhaadh ee aan maanta ku jiro, waxaan u baahanahay in Golaha Guurtida iyo Wakiiladaba loo degiyo nidaam lagu qeexo dadka ka loo soo dooranayo. Waa in ay noqdaan dad ugu yaraan siyaasad dejin kara oo leh tacliin ay ku kala garan karaan sharciyada u yaala Golayaasha oo cilmi u leh xalilaada iyo kala dhexgalka dadka iyo waliba dejinta xeerarka wadanka, aamisanna masiirka Somalailand iyo ka ummadaba.

     

    Mohamed Mousa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: