SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Magaalada Borama oo aad looga soo dhaweeyey wakhtikordhinta Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on September 25, 2009

    6688_121362371619_121220576619_3476122_2675102_nBorama(Sawnews)- Masuuliyiinta sadexda xisbi qaran ee somaliland u kala fadhiya magaalada Borama oo kala ah Axmed muumin seed Gudoomiyah Ucid ,Ibrahim adan Qalib kulmiye
    C/casiis Cismaan rage Udub iyo waliba Saladiinta gobolka Awdal ayaa Sheegay  tageerada ay u hayaan wakhti kordhinta golaha guurtidu ay maanta gaadhay.

    Masuuliyiinta axsaabta qaranka somaliland ee gobolka Awdal ayaa sheegey in mudo kordhinta la sameeyey ay soo afjari doonto khilaaf baryahanba ka dhex aloosnaa xisbiga talada haya iyo axsaabta mucaaradka somaliland. Dhinaca kale aqoonyahano iyo waxgarad kale oo aanu waxka weydiinay aragtidooda ku wajahan mudo kordhinta guurtidu maanta u samaysay Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland mudane Dahir Rayale kahin, ayaa dhamaantood dadweynuhu waxay shegeen in ay ahayd talaabo horumar weyn u keeni karta Jamuuriyada Somaliland isla markaana aduunka iyo wadamada dariska aanu nahayba tusi karta xeer dhaqameedka soo jireenka ah ee somaliland oo marwalba wadahadal lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.
    Guud ahaan gobolka Awdal ayaa maanta dadku waxay hadal hayaan mudo kordhinta loo sameeyey Mudane Dahir Rayale Kahin iyo soo afjarida khilaafkii mudaba soo taxnaa ee soo kala dhex galay axsaabka qaranka somaliland

    Source Saylac.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: