SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB

    Posted by Sawnews.tk on September 24, 2009

    udubXisbiga Talada haya ee UDUB oo maanta cadeeyay in aan lagu marti qaadin fadhigii Golaha Guurtida, inkasta oo labada xisbi Mucaarid Gudoomiyayaashoodu ay goob joog ka ahaayeen doodii golaha Guurtida.

    Warsaxaafadeed ay soo saareen Xisbiga talada haya ee UDUB oo ku saabsanfadhigii golaha guurtida ee maanta oo Khamiisa, bishuna tahay 24/09/09 , kaasi oo lagaga doodayay muranka siyaasadeed iyo xaaladaha dalka ka taagan, waxa ay si toos ah u cadeeyeen in aan marna lagu marti qaadin fadhigaasi golaha guurtida, iyadoo gudoomiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay joog joog ka ahaayeen laguna marti qaaday.

    Waxa kale oo xisbigu cadaynayaa in arrintaasi ay tahay dacaayad looga faa’iidaysanayo in dadka laga dhaadhiciyo in xisbiga UDUB iyo xukuumadiisuba ay ka noqdeen aqbalaadii qodobadii ay soo jeediyeen dalalka saaxiibada Somaliland.

    Waxa aanu u sheegaynaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland guddo iyo dibadba iyo inta danaynaysa qaranimada Somaliland, siiba dalalka aynu saaxiibka nahay in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay aqbaleen qodobadii tallo bixinta ahaa ee ay u soo jeediyeen in lagu maareeyo muranka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, taasna waxa kuu cadaynaya shirkii aan caadiga ahayn ee golaha wasiiradu ku ansixiyeen lixdii qodob ee xambaarsanaa arrimaha tallo bixinta ee ay dalalkaasi soo jeediyeen.

    Shacbiga Somaliland waxaanu u sheegayaa in xukuumada iyo xisbiga talada hayaba ay hormood ka yihiin arrimaha garnaqsiga ee lagu dhamays tirayo sidii heshiis kama dambays ah looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasadeed, taasi oo mowqifkeedana ay hore u cadeeyeen.

    Alla Mahad leh

    Cismaan Cabdillaahi Cigaal

    Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: