SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Mucaaradka oo aqbalay Muddo Kordhin loo Sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa

    Posted by Sawnews.tk on September 24, 2009

    kulmiye ucidXisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inay ogol yihiin Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

    Labada Gudoomiye Mucaaradka oo ka hadlay Golaha Guurtida Hortiisa maanta ayaa sheegay inay diyaar u yihin in la fuliyo talada Deeqbixiyayaashu soo jeediyeen taas oo seddexda Xisbiba Ogolaadaan.

    Labada Gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe Waxay sheegayn inay diyaar u yihiin Muddo kordhin la isla wada ogol yahay Seddexda Xisbi Qaran oo ah mid ku salaysan Xaalada Taagan iyo Xiliga ugu horeysay ee Doorasho la qaban karo.

    Gudoomiyaha KULMIYE Md Siilaanyo ayaa sheegay inay dhankooda soo jeedinayaan in la joojiyo labada Mooshin ee Kordhinta ee Guurtida horyaal iyo Xilka Xayuubinta ee Golaha Wakiilada horyaala, isagoo sheegay inaanay cidna ku guulaysanayn waxay doonayso ee la iskugu imaado wada hadal loo dhan yahay go’aan loo midaysan yahayna la gadho.

    Gudoomiyayaashu waxay Xildhibaanada Golaha Guurtida u sheegayn inay joojiyaan Muddo kordhinta oo ay ansixiyaan Muddo kordhin seddexda Xisbi isku waafaqsan yihin oo ugu badnan noqota Seddex Bilood ama xiliga ugu horeysa ee Khuburada Serverka hagaajinaysa u qabato in lagu dhamayn karo hawsha.

    Mucaaradku waxay isku raacayn in la badalo Koomishanka Doorashooyinka sida Beesha Caalamku ku talisay, si loo helo Koomishanka qaban kara Doorasho Xor ah oo Xalaala.

    Borama News Desk
    Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: