SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guusha Uu Maxamed Abdirahman Maxamuud U Soo Hooyey Gobolka Awdal Waa Mid Tilmaamteedu Tahay Tayada Waxbarashada Wanaagsan Ee Taala Madarasada AL-Aqsa.

    Posted by Sawnews.tk on September 24, 2009

    Maxamed cabdiraxmanMadarasada AL-Aqsa ee ku taala magaalada Borama waa madarasad weyn oo magaca ay huwan tahay loogu wanqaley masaajidka barakeysan ee ku yaala Baytul Qudus, Madarasadan waxaa la aasaasey horaantii sagaashameeyadii wakhtigaas oo dalku la baaxaa dagayey ka soo kabashada burburkii dalka soomaaliya ku habsadey, Nabad galyada iyo Amnigu ma ahyed kuwo kalsooni buuxda lagu qabey, Nolosha aasaasiguna waxey aheyd mid lug kaliya ku taagan. 

    Dabcan wakhtigaasi waxa uu ahaa mid adag oo la duugey dhamaanba waxbarashadii Gobolka Awdal, waxaa la bililiqeystey Agabkiyo Manhajkii loogu talo galey waxbarshada ee yaaley wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta dhalaanka ee Degmada Borama, waxaana bahala galeen noqdey xarumihii wax lagu baran jirey sida dugsigii sare ee Sheekh cali Jawhar iyo Dugsiyadii dhexe iyo kuwii hoose.

    Madarasada AL-Aqsa waxey aheyd faynuus dhamaadkii sideetameeyadii ka dhex siraadmey makhsin kaliya oo karaamadiisu sareysey maantana waa malaayiin faynuus oo ka dhex siraadan dhamaan-ba qaaradaha aduunka oo dhan, sidoo kale madarasada Al-aqsa waa shinidii (Seed) sagaashameeyadii dib loogu beerey waxbarashada Gobolka Awdal ee ay maanta ugu sareyso Jaamacada Camuud, Fikradii ka dambeysey hindisihii lagu furey madarasada iyo majarahaa wanaagsan ee ay maanta ku socoto waxaa kow ka ahaa Sheekha Weyn ee lagu magacaabo Sheekh Xasan Daheeye Axamed oo isagu ka mid ah culumada waa weyn ee reer Awdal.

    Barashada culuunta Maadiga iyo Tarbiyada Diinta Islamka ee taala madarasada Al-aqsa ka sakow waxaa ardeyda Al-aqsa dhigta laga dhisaa halka uu ka fiican yahay ee ay macalimiintiisu is leeyihiin mustaqbalka iyo barito ka maalin ayuu booskaa banaan bulshadiisa u buuxin doonaa, taasi waa mida ay madarasada Al-aqsa kaga duwan tahay dugsiyada kale ee ka dhisan guud ahaan-ba Somaliland gaar ahaa-na kuwa Gobolka Awdal ka dhisan.

    Kala duwanaashiyuhu kaliya kuma koobna tani oo kaliya balse waxa kale oo ay kaga duwan yihiin dugsiyada kale ee dalka kala dhigashada wiilasha iyo hablaha, dad badan baa is-weydiinaya su,aasha ah talow maxey ka cabsi qabeen maamulka madarasada Al-aqsa markey kala fogeynayeen martabada wada dhigashada waxbarashada wiilasha iyo hablaha, kuwaasi meel xun oo sheydaan caasi garoobey magool cagaaran ka dhigey bey ka fikireen ee jawaabta oo gaaban waxaa inagaga filan, waxey ka cabsi qabeen cadhada ilaahey S.W.T iney ku dhacdo.

    Bal u fiirso maanta ardeyda ugu firfircoon dhinaca Jaamacadaha dalka waa kuwii wax ka soo bartey Al-aqsa, ardeydaa waxaan ka xusi karnaa kooxdii ugu horeysey ee ka qalin jabisey kuliyada caafimaadka ee Jaamacada Camuud, badankoodu waxey ahaayeen kuwo waxbarashadoodii aasaasiga aheyd ka bilaabey madarasada Al-aqsa ilaa ay ka gaadheen heer Jaamacadeed, dhalinyaradaasi waxey maanta si buuxda uuga mid yihiin dhakhaatiirta ka hawl gasha Gobolka Awdal iyo Somaliland-ba, marka aan is-weydiineyno qiimeynta madarasada Al-aqsa waxaan ka dhex qiimeyn karnaa marka aynu kafada miisaanka saarno magacyada soo socda iyo mansabyadan hor dhacey

    Dr. Abdirasaaq Farah Hassan

    Dr. Abdirahman Nur Hussein

    Dr. Farhan Omar Muse

    Prof. Omar Ali Abdillaahi

    Prof. Abdikarim sh. Elmi Tallan

    Ardeydan oo kaliya kuma koobna kuwa muujiyey in uu midho dhaley geedkii waxrashada ee uu beerey Sheekh Xasan Daheeye laakiin fara badnaasho awgood ayaan tusaalahan gaaban ugu hal qabsadey ragan aan magacyadooda kow ku xusey, kuwa kale ee kaalinta muuqada ka ciyaarey doorka muujinta midho dhalka waxbarashada madarasada Al-aqsa aad ayey u mahadsan yihiin, Guul kasta oo ardeyga wanaagsan kaga kor maro ardeyda kale ee qeyrkiis ah waa mid dadaal shidkeedu ka dhasho hadba sida uu yahay xidhiidhka joogtada ah ee ka dhexeeya waalidka, malinka iyo ardeyga.

    Bishan aan ku jirno gudeheegii ayaa madaxa imtixaanaadka JSL shaaca ka qaadey imtixaanaadkii sanad dugsiyeedka 2008-2009, waxana ay qabteen xaflad balaadhan oo ay ku soo bandhigeen natiijada imtixaanaadka taas oo lagu qabtey xafiiska imtixaanaadka ee ku yaala magaalada Hargeysa, xafladaasi wax ka soo qeyb galey wasiirka waxbarashada JSL Mudane Xasan X. Maxamuud Gadhweyne iyo dhamaanba maamulada dugasiyada kala duwan ee dalka.

    Tirada guud ee ardeyda u fadhiisatey imtixaanka fasalka afaraad (GCSC) waxa ay dhanaayeen 3174, wasiirka waxbarshada JSL ayaa ugu dameyntii ku dhawaaqey dugsigii ku guuleystey kaalinta koowaad kaas oo noqdey madarasada Al-aqsa, guushan taariikhiga ah ayaa waxaa Al-aqsa u soo hooyey ardeyga lagu magacaabo Maxamed Abdirahman Maxamuud oo uu dhaley aqoonyahan ka mid ah aqoonyahanada cimligooda u hurey horumarinta arrimaha bulshada Gobolka Awdal sida Biyaha iyo Wadooyinka, isaga oo madax sare iyo maamul hoose-ba ka noqdey shirkada biyaha ee SHABA iyo Ururka sameynta wadooyinka ee marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano ARNA.

    Wanaaga ardey kaste oo aduunka ku kor nooli kaga kaga duwan yahay ardeyda kale ee jaalkiisa ah waa mid aasaaskiisu ka dhisan yahay aqalka uu ka soo tooso, waalidkii soo tabiyeeyey iyo macalinkii tacliintaa quruxda leh ku quudinayey nafta ardeygaas ku jirta, waxaa aan Maxamad yare leenahay farxad ugu filan kaalinta koowaad ee uu galey laakiin hadana si ay ugu dhiiradaan ardeyda ka dambeysaa waxa uu istaahilaa in loo sameeyo xaflad gaara oo lagu gudoonsiinayo hadyado qaaliga ah yo jaa,isado u dhigma tan uu u soo hooyey Gobolka Awdal.

    Si kastaba ha ahaatee Guusha uu Maxamed Abdirahman Maxamuud u soo hooyey Gobolka Awdal waa mid tilmaamteedu tahay tayada waxbarashada wanaagsan ee taala Madarasada Al-aqsa, waxaa kale oo ay guushani daaha ka rogtey magac ladhka taariikhiga ah ee tumsadiisa laga heli karo midhaha heesta macaan ee ay ku luuqeyso fanaanada caanka ah ee Ruun Xadi Saban, heestaas oo tidhaahda Hoygii Aqoontiyo Garashada Iftiinka Asalka u Laheyd Sow Awdal Maaha.

    Abdirasaaq Hammaal  –  Wariye Madax Banaan

    E-mail:rasiiqi07@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: