SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • ”Al-Shabaab waxay ka faa’iidaysanaysaa khilaafka Somaliland. Sidaa darteed waa in..”Yusuf Indho-cade

    Posted by Sawnews.tk on September 24, 2009

    indha cadeMuqdisho (sawnews)- Wasiir ka tirsan Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, ayaa Somaliland uga digay in Kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay inay weerar ku hayso Somaliland ay ka faa’iidaysato khilaafka ka taagan dalka.

    Waxaanu Wasiirkani baaq u jeediyay dhinacyada Siyaasadda.

    Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaan-dhigga Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaasad (Indho-cadde), ayaa Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ugu baaqay in ay wada-hadal wax kasta ku dhammeeyaan, isla markaana aanay ku kicin waxyaabo horseedi kara burburka nabadda dalka. “Waxaan leeyahay Walaalaheena Somaliland soo xusuuta sida ay Koofurta Soomaaliya tahay, kana feejignaada wixii nabaddiina wiiqaya” ayuu yidhi Yuusuf-Indha-cadde oo habeen hore la hadlayay Idaacadaha Muqdisho qaarkood.

    Yuusuf-indho-cadde wuxuu ka digay in Kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay inay weerar ku hayso Somaliland ay ka faa’idaystaan khilaafaadka dalka ka taagan. “Waxaan sii buuxda uga war qabnaa in ay Somaliland joogaan qolyahan ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Isla markaana ay qorshaynayaan in ay Somaliland ka dhigaan meel ka qalalaase badan Koonfurta oo ay faa’iidaystaan khilaafaadka Siyaasadeed. Sidaas darteed, waxaan leeyahay dhinacyada isku haya Somaliland khilaafkiina wada hadal ku dhameysta.” ayuu mar kale yidhi Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

    Hore, waxa baaq kan la mid ah dhinacyada Siyaasadda ee Somaliland ugu diray Guddoomiyaha Guddida ay ku bahoobeen dadweynaha ka soo qaxay Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan Somaliland iyo sidoo kale Afhayeenka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Diiriye Cali. Kuwaas oo sheegay in nabadda ka jirta Somaliland ay ku soo hirtaan dadweyne Soomaaliyeed oo aad u tiro badan.

    Wargeyska Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: