SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waraysi Aan La Yeeshay Xidig Ka Mid Ahaan Jiray Ciyaatoydii Gobalka Awdal,

    Posted by Sawnews.tk on September 22, 2009

    WaraabsalaamTaariikhdu waxey xustaa mar waliba in dalkeena Gobalka AWDAL uu magac iyo maamuusba ku lahaa noocyada kala duwan ee ciyaaraha sida kubadda cagta, kubadda kolayga, Kubada Gacanta(hand ball) iyo waliba ciyaaraha fudud.

    Ciyaarta kubbadda cagta oo iyadu ka mid ahayd ciyaarihii sida aadka ah looga jeclaa dalkeena ayaa waxay ahayd ciyaaraha ugu faca waynaa laga ciyaari jiray dalkeena. Sanadihii sideetameeyadii iyo wixii ka dambeeyay, ayaan odhan karnaa waxay ku tallaabsadeen horumar aad u ballaadhan iyada oo ay soo baxeen ciyaaryahano farsamadeedu aad u sarreysay oo caan ku noqday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, magac iyo sharafna u soo jiiday Gobalka Awdal,yariis

    Hadaba iyadoo ey cayaarahaasi jiraan ayaa hadana waxaa jiri jiray dad si aad ah uga dhex muuqan jiray kulamadaas kala duwan oo magac iyo maamuusba ku yeeshay bulshada dhexdooda aadna caan uga ahaa.

    Waxaa ii suura gashay in aan wareysi la yeesho Ciyaayahan naadigii Waraabasalaan iyo weliba xulka Qaranka kubadda cagta ee Gobalka Awdal, u

    Waraabsalaam

    Waraabasalaan

    ciyaari jiray hadii uu xasuustiina ka tirmay aan dib u jaleecano midka uu yahay, laacibkaas magaciisa oo buuxa waa Maxamad Muuse Sheekh C/laahi , oo ku magac dheeraa (Yariisow )

     

    Yariisow wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo mara Gobalkena Awdal dhinaca kubbadda cagta, intii u dhaxaysay sannadihii 1992-kii ilaa 2000-kun, waxaana uu ku caan baxay naadigii la odhan jiray Waraabasalaan, Yariisow wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii magaca fiican u soo hooyay Gobalka Awdal ee ka qayb galay ciyaarihii Gobalada ee uu wacdaraha ka dhigay. Hadal haan ma buuxshee wareesigii aan la yeeshay Ciyaaryahanka Maxmad Muuse sheekh c/laahi ( Yariisow ) in aan ka warysto Taarikh nololeedkiisii isboorti waraysigiina wuxuu u dhacay sida tan,:

     

    Marka hore, Yariisow, ku soo dhawaaw Waraysikan waana kaaga mahad celinaynaa ogolaanshaha aad i siisay, Waqtigaada iyo in aan wax ka qoro Taariikh nololeedkaadii Ciyaaraha .

     

    Yariisow: Dhib ma lahan Misan, aad ayaadna u mahadsan tahay, anigaba waxay ii tahay fursad qaali ah.

     waabari groub

    waaberi groug

    Hadaan ku biloowdo su’aashayda horta. Ma noo sheegi kartaa sanadkii kuugu horeeyay ee aad ciyaaraha ku soo biirtay hadaad xasuusato?

    Yariisow: Haa si fiican, waxaan ciyaaraha ku soo biiray sanadii 1992-dii anoo u ciyaaray jiray kooxdii la odhan jiray Warabasalaan, oo xiligaasi aheed heerka 2-aad ee { serie B } kana dhisnayd Gobalka Awdal,

    Intaad u ciyaraysay Kooxda waraabasalaan ee Serie {B} wax Guul ah ma ka soo hoysen ?

     

    Yariisow : Haa waan ka soo hoynay oo waxaan qadnay Koobka serie B , waxanan ka qaadnay Koox la odhan jiray (Alla Amin 447) , ciyaartaasi oon aad iyo aad ugu farxay madaama aan qaaday Koob kii igu horeyay ee aan la qaaday Naadiga waraabsalaan , ma ah oo kaliya mid mar labaad waxaan ka qaadnay Kooxda Israac ,

    Wax Ma noga sheegi kartaa xiligii aad u gudubteen heerka 1 Serie {A} ?

    Yariisow : Haa xiligaas aan u gudbay Serie { A } waxaay ahady 1994,

    Wax Koobab ah ama Guul la taaban karayo ma ka soo hoyseen intii aad u soo gudubtay Serie { A } adigoo u ciyaaraya Kooxda Waraabasalaan ?

    Yariisow: Haa way jirtaa koobab badan on qaadnay anaga oo ku ciyaarayna Magaca {Alen Airlines} waxanan ka qadnay Koobkaasi Koxdii la odhan jiray { puntavia } oon iskugu soo baxnay Final Ciyaartaasi oo ahayd ciyaar aad u xisa badan onan ilaawi karin iyada oo ciyartaasi daqiiqadihii u dambeyay uu dhaliyay Maxamuud Aw-Bash Bash , waxayna ii ahayd Faraxd lama ilawaan aha oon qaadnay Koobkii igu horaysay ee Serie{A},waxana nalo Doortay Horyaalka Gobalka Awdal

     sosaas team

    Sosas Team

    waxaa lama huraan ah in aan u jaleecno dhanka Ciyaar yahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga ka ciyaraan oo aad markey kula jiraan aad ku qanacsanaan jirtay Kooxda waraabsalaan ama xulka Gobalka Awdal ?

    Yariisow: Horta kolay xaqiiqada qof kasta oo Naadi ama Qaran u ciyaaraya, wuu ku qasban yahay in uu la ciyaaro qofkii loo keeno. Matalan kooxda waraabsalaan waxay ahaayeen ciyaartooy aad isku fahmay isna ciyaar bartay, hadii aan ka soo qaado Mizan laacibiintaas waxaan ka xusi karaa, C/laahi Sicid Nuur(Awliyo). Maxmed Xasan{Dumaale} Cali Xuseen Cige.(Cali khan) Maxmaed xasan (Buste) , Jamaal Cabdilaahi, Mustafe Xasan(Xuuxaale), Maxmad Ibraahim ( D. adan) Cabdi khadar Cabilaahi , Maxmed Siciid, Muxiyodiin , Guuleed ithoobiya , Axmad Gacan , iyo waliba asxab kale oo an halkani ku soo koobi karin magacyadooda..

    Intii aad ciyaraha ku dhex jirtay safaradii aad ku tagtay dalka dibadiisa adoo naadi ah ama adoo xul Qaran ah wax ma nooga sheegi kartaa ?

    Yariisow: Haa Intii aan ka xasuusto anoo naadi ah ama anoo Qaran ah, waxaan ka xusi karaa Xulka Qaranka Awdal safaradii aan tagnay dibad iyo gudoba inkastoo ay badnaayeen hadana waxaan u maleenayaa maskaxdii xooga hilmaamtay wax badan, Qaran iyo Naadi Meelihii aan tagay waxaa ka mid ahaa…. Kilinka shanaad Jig Jiga, Gbailay , Hargaysa, Barbara,

     

    Guushii ama guul daradii kuugu xumayd ee ku soo marta intii aad ciyaaraha ku jirtay, wax ma ka xasuusataa ?

    Yariisow: haa Hadaan ku hor maro Guuldaradii I soo martay waxaan ka xasuustaa anagoo ahayn { Taani Tegars } ciyaartaas oo na dhex martay kooxda { Cabdisinimo } Waxaana nalooga badiyey 3 – 1 gool, marna ma hilmaamo ciyaartaas..

     

    Kubadda ugu danbeen Yariisow yaad jeceshahay in aad halkan wax ka tiraahdo?

    Yariisow: Ugu horayn waxaan leehay Ciid Wanaagsan Marka labaad Adigana sxb Mizan aad ayaad ugu mahadsan tahay Warysigan aad ila yeelatay waxaan kaloo u mahad celinaya Reer Awdal meel walboy Dunida ka jogaan oo aan runtii is odhan karo waa bah jecel horumarka sportiga, waliba waxaa intaasi u dheer in eey mar waliba isku shuqliyaan in eey ka haqabtiraan guud ahaan dhaq dhaqaaqa sportiga ee ka jira meel walba oo ka tirsan caalamka iyo taariikhdii laacibiintii kala duwanaa ee Gobalka Awdal soo maray,

    Wax kale oon salaan Khaasa u Dirayaa dhamaan asxaabteydii hore ee ku kala nool Aduunka daafihiisa,Wasalaamu Calykum,

    Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay laacibka waynaa ee ahaa Maxamad Muuse Sheekh C/laahi , oo ku magac dheeraa { Yariisow },

    Abdisamad X, Mizan ( Khan )

    Safar65@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: