SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • ”Saleebaan Iyo Acwaantiisa Ayaa Wada Dacaayadahaa Suuqa”Axmed Cabdi Xaabsade

    Posted by Sawnews.tk on September 22, 2009

    Hargeysa(Sawnews)-Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo horena u ahaan jiray Guddoomiyaha Baarlamaanka  Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inaanu u socon jagada Guddoomiyaha Golaha Guurtida,

    isaga guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedeeyey xaalada siyaasadeed ee la xidhiidha arimahaas.
    Waxaanu siddoo kale ka dhawaajiyey inuu gebi ahaanba ka fadhiistay hawlihii dhinaca siyaasada la xidhiidhay, kaas oo sheegay inuu yahay wakhtigan oday hawlgab ah (Retired).

    Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sidaas ku sheegay mar u xalay khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaa beryahan danbe Internet-yada la geliyay in gudoomiyaha guurtida la ii wado oo xildhibaan beeshayada ahina iiga baxayo xubinimada guurtida, waxba kama jiraan waana been aan sal iyo raad toona lahayn, oo ilaa intii aan caasimada imidba suuqa lala wareegayay, waxaan leeyahay walaalkay Saleebaan Maxmuud Aadan walaalow uma socdo umana socon doono markaa waxaad raali ku ahaataa, anigana dacaayadaha iga daa maalinkasta suuqa la ii dhigayo aniguna uma socdo meeshee”  sidaas ayaan idinkula soo xidhiidhay inaan ummada u bayaamiyo ayuu yidhi Xaabsade.

    S. Waxaad ka codasdatay Gudoomiye Saleebaan dacaayadaha suuqa uu kaa daayo markaa ma waxaad ku eedaynayasaa in Saleebaan uu ka danbeeyo oo aad ka cabanayso?

    J. Saleebaan iyo cawaantiisa ayuun baa dacaayadaha iyo borobagaan dadka ka dhex wada.

    S. Waxaad ahayd gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada dhawr iyo sagaashanaadkii golaha guurtidana sida sharcigu dhigayo waxa xubin sharafyo ka ah gudoomiye yaashii hore ee wakiilada Axmed Aadan Qaybe, madaxweyne ku xigeenadii hore sida xasan ciise jaamac iyo cabdiraxman Aw Cali, oo ka tirsan golaha guurtida, adiga miyaanu sharcigu kuu banayneyn inaad xubin ka noqoto?

    J. Anigu guurtida ma ihi xubin sharafna kama ahi meeshaa waxba kama rabo.

    S. Maadaama aad sheegtay inaad tahay oday ritaayar garoobay arrimihii dhinaca siyaasada miyaad ka fadhiisanaysa?

    J. Anigu siyaasadii waan ka fadhiistay oo oday qaran baan ahay

    S. waxa la sheegay in Xildhibaan Cawil C/laahi Caydiid oo ka mid ah mudanayaasha guurtida ugu jira Sool ee isku jifada tihiin in beeshinu ay u soo jeedisay in kursiga uu kaaga tanaasulo si aad u noqoto gudoomiyaha guurtida, isaguna uu kaa ogolaaday markii aad ka wada hadasheen arrimahaasi miyaanay jirin?

    J. arrinkaas waxba kama jiraan, aniguna lamaan soo qaadin xildhibaankuna ilama soo qaadin, cid kalena umay soo jeedin

    S. Waxa lagugu xantaa xaabsade inaanad xil dawladeed la’aanteed aanad meela sal dhigi karin, oo aanu damac siyaasadeedna kaa madhnayn ma kugu jirtaa mustaqbalka inaad xil kale oo qaran isu taagto?

    J Walaahi anigu runtii hadeer tan la joogo iyo wakhtigan xaadirka ah anigu wax xil ah ma rabo

     S. waxaad ku eedaysay gudoomiyaha guurtida inuu ka danbeeyo arrimaha la xidhiidha in hunguri kaa hayo jagada gudoomiyeha maxaad arrintaasi ku cadaynaysaa?

    J. waabu ka hadlay arrinkaasi Saleebaan maanta (shalay) oo xildhibaano ka tirsan guurtida oo beeshayda ayuu kala hadlay uu ku yidhi, Xaabsade kursigayga ayuu doonayaa taasna afkiisa ayaa laga hayaa, aniguna waxaan leeyahay waar walaal Saleebaanow kursigaaga uma socdo’e ee dacaaydaha iga jooji.   

    Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: