SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Farxada Ciida oo lagu qabtay maanta Hoolka wayn ee jimciyada Awdal Khayriyah + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on September 21, 2009

    DSC00917Borama(Bnn)-Xaflad aad u heer saraysaa ayaa maanta waxaaa lagu qabtay Hoolka wayn  ee jimciyada Awdal Khayriyah,

    Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhalin yaro tiro badan iyo mas’uuliyiinta sar sare ee jimciyada oo uu ka midka yahay  Sh/ Xasan Deheeye Axmed, Sh/Saleeban Deheeye,Iyo Marti sharaf kale oo qiimo iyo qadarin mudan. 

    Xafladan ayaa waxaaa lagu furay aayada qur’aana , aayadahaa quraanka ka bacdi waxaa halkaa ka soo jeediyay wacdi aad u qaaliya Sh/C/laahi  Xasan , Sheekhu waxa uu ku dheeraaday Fadliga ay leedahay Ciidul fidridu , iyo bishii tagtay ee ramadaan fadliga ay leedahay, sheekhu isaga hadalkiisii sii wata aya waxa uu yidhi waxaa loo baahan yahay in cibaadada la ii daayimiyo oo aan lagu dayn oo qudha bishaa ramadaa.

    In dadaalkii faraha badnaa ee la samaynayay bishaana sidaa loo sii wado waxa uu yidhi biluhu waa isku mid ramadaan iyo ramaan la’aan waa in la cibaadaystaa.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Sh/Xasan Deheeye Axmed Sheekhu waxa uu dhalinyarada kala hadlay Tarbiya Islaamiya isaga oo ku dheeraaday inuu islaamku u baahan yahay dhaliyaro Da’yara Diinta iyo siyaasadana garanaysaa, sheekhu waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dhalinyaradau Siyaasada wax ka bartaan Siyaasadaas oo uu ula jeedo tan islaamka ah ee ayna ahayn tan kale ee Somaliland.

    Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay in Dacwad ka Dhan ah Diinta islaamka taas oo uu ku sheegay waxyaabo ay ka mid yihiin Studiyowyada , iyo Meelaha filimada xunxun ee jinsiga ah lagu daawado.

    Sheekhu waxa kale oo uu yidhi waa in dhaliyarada wacyigalin balaadhan la siiyo meelaha la iskugu yimaadana ugu qabto nadwooyin ku saabsan tarbiya islaamiya.

    Sheekhu waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Diinta islaamka la barto laguna dhaqmo siduu ilaahay yidhaahdo.

    Munaasabadaa ayaa  waxaa lagu soo jeediyay su’aalo guud oo la waydiinayay dhaliyardii meeha iskugu timid, waxa kale oo halkaa lagu qaaday Nasiido Aad umacaan oo af carabiya.

    Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Garabka dhaliyarada ee Jimciyada .

    Munaasabadan ayaa waxaaa la odhan karaa waxa ay ahayd mid loobaahnaa waqtigan ookale in dhalinyarada la baraarujiyo iyada oo ay jiraan arimo kale oo lagu halaynayo Bulshada , waxa kale oo la odhan karaa Dhaliyaradan soo diyaarasay barnaamijkan kuwo la jecel khayrka walaalahooda kale ee dhalinyarada ah.

     

    Dhaliyarada soo abaabulay waxaa ka Mid ah

       1. C/wahaab Bashiir

       2. Xasan C/laahi

       3. Axmed Xasan

    Iyo inkale oo badan oo aan magacyadooda halkan ku xusinDSC00917DSC00916DSC00912DSC00904DSC00900DSC00899DSC00893DSC00891DSC00884DSC00877DSC00870

    Source  Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: