SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warbixin Ku Sahabsan Masaajidka Ugu Weyn London Oo Lagu Magacaabo The East London Mosque + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on September 21, 2009

    DSC02645Masaajidka ku magac dheer The East London Mosque oo ku yaala degmada Tower Hamlet ayaa loo aqoonsan yahay in uu yahay masaajidka ugu weyn dalkan Britian, masaajidkan oo cimrigiisu ka weyn yahay labaatan sano ayaa ah mid ay dhismihiisa gacan weyn ka geysteen dhamaan Muslimiinta ku nool dalkan Ingiriiska gaar ahaan jaaliyada dhalashoodu ka soo jeedo wadanka Bangalodesh.
     
    The East London Mosque waxa uu harmuud u yahay goobaha lagu cibaadeysto ee ku yaala Britian isla mar ahaan taana lagu barto Diinta Islmaka, bisha barakeysan ee Ramadan waxaa dhexdiisa lagu gutaa Cibaado saa,id ah iyo Camal suuban oo Adoomada ilaahey ee wanaagsan ugu mahad naqayaan nimcooyinka uu siiyey.
     
    Tukashada Salaadaha Taraawiixda iyo Taajidka gudashadooda ayaa waxaa habeen kaste masaajidkan

     dhexdiisa u taagan in ka badan 5000 oo qof kuwaasi oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur isla mar ahaan taana  Huga ay sitaan iyo Hagaag u socodkoodaba ay ka muuqato haybada Diinta Islamka, dacwada masaajidka bartankiisa ka socotaa waxey bar tilmaamsatey kulanka Muslimiin badan oo Midabkooda iyo Magacoodu kala duwan yahay kuwaasi oo ay isu keentey kalimatu Tawxiid oo ah LAA ILAAHA ILA LAAHU MUXAMAD RASUULU LAAH.
     
    Salaadaha Tawaariixda iyo Taajidka waxaa dadka tujinayey labo Sheekh oo dhalashadoodu ka soo kala jeedo dalalka Bangalodesh iyo masar, Inkasta oo ay ka sinaayeen kaaleysiga rakcadaha salaadahan sunaha ah iyo ducada Qunuutul Witrida ah, hadana waxey ku kala gadisanaayeen marka ay u duceynayaan dalalka Islamka ee dhimaatadu haysato, Sheekhan weyn ee Masriga ah marka uu u duceynayo dalalka Islamka waxa uu harmuud ka dhigayey dalka Somalia wuxuuna carabka ku dhuftaa in Ilaahey Xaqa iyo Baadilka ay ku muransan u kala cadeeyo balse taas lama qabo Sheekhan kale ee u dhashey dalka Bangalodesh oo isagu ah Mu,adinka Masaajidka weyn ee The East London Masque, waxana uu dalalka Islamka ee uu u duceynayo ka reebaa Dalka Somalia taas fasiraada macneheeda lama odhan karo Sheekhu wuu u kasey laakiin tan oo kale waxaa la qaba isaga Sheekh Xuseen oo ka mid Culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Ingriiska oo isagu ah Xaafidul Quraanka kaliya ee Saddexeeya labadan Imaam kaas oo Qudhiisu Tujiya masaajidka Salaadaha Taraawiixda iyo Taajudka, Sheekh Xuseen waxa uu ahaa Imaamkii soo gababayeeyey salaadihii  Taajudka ee masaajikan ku yaala Xaafada White Chapel, Sheekha oo aan wax ka weydiiyey arrintan ku sahabsan ducada dalalka Islamka oo dad badan oo somali ah kana mid ah kumaanka qof ee ku tukada masaajidka isweydiinayaan ayaa ii sheegey in ay arrinta somaliya tahay mid faraha ka baxdey isaga oo ku tilmaamey in ay is hirdinayaan kuwii cimaada sitey, Dalalka sida weyn loogu duceeyey waxaa ka mid ahaa dalka Iraq oo dawlada Mareykanka iyo xulafadiisu ku duuleen sanadkii 2003-dii, Afhanistan oo lagu duuley bishii October sacadkii 2001-dii, Kashmiir, Pakistan iyo Dalka Falastiin oo ah xudunta dalalka Islamka ee dhibaatada joogtada ah lagu hayo, Inkasta oo albaabka masaajidku yahay mid u furan qof kasta oo muslim ah in uu soo galo gudaha masaajidkana kuna cibaadeysto hadana sagaalkii maalmood ee u dambeeyey bishan barakeysan ee Ramadaan waxaa masaajidka dhexdiisa Ictikaaf ahaan ugu hoydey 57 Qof kuwaasi oo ay ka dhex muuqdeen saddex dhalinyaro ah oo midabkoodu madow yahay waxaa dhalinyaradaa saddexda ah ku jirey wiil u dhashey dalka Jamaica oo gadaal ka soo Islamey kaas oo lagu magacaabo BILAAL, mar aan arrimo la xidhiidha Ictikaafka weydiiyey mid ka mid ah dadkaasi waxa uu ii sheegey in dadka Ictikaafka rabey in ay galaan ay tiradoodu aad u sareysey sidaas darteed-na maamulka masaajidku gartey in loo sameeyo bakhtiyaanasiib ay ugu yeedheen HALAL LOTTERY, 57Qof ee ku guuleystey bakhtiyaanasiibka ayaa qof kasta oo ka mid ah laga qaadey lacag dhan £100 oo u dhiganta $150 oo ah lacagta maraykanka, yabooha lagacahan tabarucaadka ah waxey qeyb ka yihiin qorsho cusub oo masaajidka lagu sii balaadhinayo sida uu Imaamka weyn ee masaajidku cadeeyey-na yahay qorshaha ay ku talo galsan yihiin in ay sanadkan fooda inagu soo haya ee 2010 dhamaadkiisa qaabilaan in ka badan 15,000 oo Qof, walow uu qaadka imika ee masaajidku yahay ilaa 10,000 oo Qof, maaha markii ugu horeysey ee dhismaha masaajidka la balaadhiyo balse sanadkii 2004 waxaa lagu darey dhismaha masaajidka qeyb cusub oo uu bishii september sanadkii 2004 xadhiga ka jarey Sheekha weyn ee tujiya Masaajidka Xaramka Sheekh Abdirahman Sudeysi.
     
     
    Dhinaca tabarucaadka lacagahaa sadaqada ah ee la bixiyo ayey aad ugu amaanan yihiin dadka masaajidka ku tukada gaar ahaan wakhtiga lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, Habeenkii ay bishan ramadan aheyd 27 waxa la ururiyey lacag aad u badan oo ururinteedu socotey ilaa bacda Salaatul Taajud balse muslimiin badan oo masaajidka ku sugnaa waxey u hanqal taagayeen cadadka iyo tirada lacagtaasi, wax yar ka hor salaaddii subax ayaa Imaamka weyn ee Masaajidka maamulkiisa gacanta Midig ku hayaa ku dhawaaqeyn Totalka Guud ee lacagtaasi sadaqada ah ee habeenkaa la ururiyey uu ku sheegey in ay dhan tahay £770, 000 taas oo u dhiganta lacag ku dhow $1,300, 000 Markii ay dhagta muslimiinta ku dhex sugnaa masaajidka gudihiisa maqashey tirada guud ee lagacta ayey mar kaliya isla oogsadeen tiraabta ah ALLAA WEYN (ALLAAHU AKBAR) taas oo farxad iyo reyn reyn galisey dhamaan-ba niyada muslimiintii halkaa ku sugnaa, habaankaas oo kaliya kuma koobna sadaqadu laakiin waa mid si joogto gudaha masaajidka uuga socota hadh iyo habeen, waxaanan odhan karnaa marka la isu daro lacagta la ururiyey bisha barakeysan ee Ramadan waa mid gaadheysa ilaa dhowr milyan oo Dollar.
     
    Masaajidkan oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada London ayaa marka aad fiiriso Map-ka magaalada waxa aad arki kartaa in uu masaajidku u dhow yahay bartamaha magaalada London (Central London) isaga oo in ka yar 1KM korka sare ka kulaalaya wabiga caanka ah ee The Times River oo ah calaamada kala badha magaalada.
     
    Si kastaba ha ahaatee Dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkan Britain ayaa tiradooda lagu qiyaasaa ilaa ku dhawaad 3million oo Qof, kuwaasi oo xor u ah caabudaada Rabi iyo Raacida sunaha rasuulkooda suuban S.C.W waxa kale oo ay xor u yihiin muujinta shacaa,irta Diinta Islamka, Muslimiinta dalkan Britain ku nool waxey ku amaanan yihiin kor u qaadida Diinta Islamka gaar ahaan kuwa Degan bariga London, Inkasta oo uu jiro cadaadis qarsoon oo kaga imanaya xoogaga ku kacsan muslimiinta taas oo ay saldhig u tahay waxa ay Reer Galbeedku ugu yeedhaan la dagaalanka argagixisada hadana waxaad arkeysaa muslimiin badan oo aan u aabo yeeleyn dhib kasta oo ka soo gaadha fidinta Dacwada Diinta Islamka. 

    Wariye
    Abdirasaaq Hammaal.
     

    DSC02628DSC02656DSC02647DSC02645DSC02634DSC02660

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: