SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal miyay la jiraan Somaliland misse way ka jiraan.

    Posted by Sawnews.tk on September 20, 2009

    (Eid greetings for the Satans who  live on expenses of the poor Somalilanders.)

    hand writingSiilaanyo wuxuu ka mid yahay dadka isku tilmaama kuwii u soo halgamay Somaliland, haddana wuxuu ku dadaalaa oo xoogiisa saaray in aanay Somaliland horey u marin oo dadku mid mid isku qaabsado.

    Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal waxay ku heshiiyeen in ay kala qaybiyaan ummada reer Somaliland oo ay u kala qoqobaan xayn xayn. Waxay xataa khatar ku yihiin in ay Isaaq iska horkeenaan oo talo ka murugto oo wixii ay u  soo dhinteeni ay xumbo daad qaaday noqoto. Arinta doorashada iyo diiwaangelinta ay ka dhigeen danbi waa arin aad u fudud haddii ay yihiin dad caafimaad qaba oo maskaxdu u dhantahay.

    Dadka daneeya Somaliland jiritaankeedu waxay u arkaan qaska iyo kala qaybinta ummada reer Somaliland ay ka dhex wadaani ay tahay mid dana gaara ah ay ka wataan oo marnaba aanay daacad ka ahayn jiritaankeena. Dadka xiskoodu u dhan yahay waxay u arkaan arimaha ku saabsan doorashada mid fudud oo laga wada hadli karo deganaan iyo is xaq dhowr ku lafan danta guud ee Somaliland.

    Siddii aan horey u sheegay shaydaanku wuxuu rabo mooyi wax kale ma dhegeysto kamana quusto in u qofka muslim ka ah la dego oo u aakhiro seejiyo. Siilaanyo iyo kooxda shaydaanada ah ee la sacdaayi arinkasta oo u dan ah Somaliland way diideen iyaga oo og in ay dhibyartahay xalka arimaha la isku hayi. Iga oo og halka xaal maraayo in ay sii karaar qaataan waa ujeedo iyo Somaliland bi-is. Waxay dad badani oo aniguna aan ku jiraa ay ka markhaati kacayaan in Isaaq dhibaato badan u soo arkeen oo maanta 90% iyga ka mid ihi aanay marnaba yeelayn in halka maanta aan ka haysno xornimu taam ah iyo horowmar aynaan waligeenba arag in tahay mustaxiil in ay daawadaan burburka Somaliland ee Siilaanyo iyo rakaabkiisu ku soo wadaan.

    Madaxweyne Riyaale waa shakhsi soo dadaalay intii kartidiisa ahayd, soona gaadhisiiyey Somaliland horowmar iyo ictiraaf ku dhow. Ninkii raba inuu daacad uku hogaamiyo wadanka iyo ummada Somaliland wixii dan inoo ah waa in u oglaadaa oo arimaha dajiyaa. Waxay iila eeg tahay shacbiga Somaliland u aqali celiyaan nimanka raba in ay xoog iyo qas ku lafan dhimasho iyo kala qaybin ku qabsadaan xunkunka dalka ooy diidaan kani adayga foosha xun iyo isla waynida Silaanyo iyo kooxda ka qaawan danaha ummada.

    Ma haddhin hadal la is yidhaadaa ee ummada reer Somaliland illahay ha waafajiyo wixii u dan ah oo ha iska qabtaan nimanka xumaan ka taliska. Madaxweynaha Somaliland waa in u baabiyaa golaha Guurtida  calooshhoda u shaqaysta. Guurtidu waxay ka soo bixiwaayeen arimihii distooku u xil saaray oo waxay noqdeen kuwa ilaashada Shilinka soo galaaya oo kaliya. Haddi ay dawo bukootu dabiib ma leh in la aaso mooyi. Mar haddii aano shacbigo soo dooran oo Madaxweynuhu magaabay, shaqadoodiina ka soo bixiwaayeen waa in Distoorka lala tiigsadaa oo la xidhaa guriga Guurtida. Waxay noqdeen tuug dhabarku muuqdo.

    Hadalka ku dheeraan maayo oo waan ku soo noqon doonaa oo arimaha xassiga ah dibbaan u dhiganayaa. Waxaan ku soo goobayaa: Isaaqow ama noqda kuwii Somaliland dumiyay ama dareen u yeesha wixii aad horey ugu tashateen ee ahaa XORNIMO

    Waxan halkan uga soo gudbinayaa shacbiga Somaliland: CIID MUBARAK WA KULU SANA WA ANTUM BILKHAIR. CIIDAA CIIDEEDA ILAAHAY HA INAGU GAADHSIIYO CAAFIMAAD IYO INAGA OO KU CIIDNA ICTIRAAF TAAM AH. INSHAALAH.

     

    Mohamed Mousa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: