SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Guurtida Oo Maanta Isku Farasaaray Muddo Kordhinta Hartaala

    Posted by Sawnews.tk on September 19, 2009

    DSC00576Hargaysa(Sawnews)Gacanka hadal iyo cay ayaa lagu soo gabagabeeyay fadhigii Golaha Guurtida ee maanta kadib markii muran ka dhashay soo jeedin uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku dalbaday in arrinta muranka muddo kordhinta loo talo badsado oo fadhiyo danbe la isugu yimaado,taasoo markaliya circa ku shareertay xaaladii golaha

    Golaha ayaa u kala jabay laba kooxood oo ay midi diidan tahay soo jeedinta Guddoomiyaha qolana taageertay.

    Qolada ka hor timid soo jeedinta Guddoomiyaha ayaa waxay ku eedeeyeen inuu inqilaab wado oo aanay ahayn in dib loo dhigo Go’aanka Golaha maadaama ay keeni kari waayeen Xisbiyadu talo lagaga bixi karo xaalada taagan oo ay u arkaan in muddada loo kordhiyo xukuumadda talada haysa, halka kooxda kale ee taageertay soo jeedinta Guddoomiyuhu sheegeen in loo baahan yahay inaan lagu degdegin arrinta ee loo talo badsado

    Si kasta ha ahaatee soo jeedinta Guddoomiyuhu waxay markiiba abuurtay tuhun isa soo tarayay oo lagu eedaynayay Saleebaan inuu maleegayo laba fursadood mid uun oo ta kowaad tahay inuu isku wado kursiga halka aragtida taa la mid ka ahi Saleebaan u argot inuu Xisbiyada Mucaaradka ah lugta u qabanayo xukuumadda oo uu la sugayo Go’aanka Golaha inay ka horeyso Maamuus ka xayuubinta ay wadaan Golaha Wakiiladda taasoo ay ku doonayaan in talada lagaga tuuri karo Madaxweynaha

    Arrintan waxa isla markiiba qaylo dheer maanta ku weeraray odayga ugu da’da weyn Golaha Xaaji Cabdi Waraabe waxaanu ku tiraabay soo jeedinta Guddoomiyuhu inay tahay inqilaab oo aanay yeelayn in dib loo dhigo talada Goluhu leeyahay isl;a markaana aan cid danbe lagala tashanayn awooda Dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

    Xildhibaan Dheeg ayaa isna isaga oo cadhaysan ayaa cod dheer ku yidhi Guddoomiye maxidhi kartid Golaha, ciyaalkan aad noo soo dirtayna waxba naga qaadi maayaan halkani waa Hargeysa oo waxba nagaga qaadi maysid

    Xildhibaan Cawil oo ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageerayay Guddoomiyaha ayaa Xaaji Cabdi Waraabe si ba’an u weeraray waxaanu sheegay inaan maanta laga yeelayn in muddo kordhin la sameeyo, waxaanu intaa u raaciyay inaanay soconaynin mardanbe masiirka ummadda in la iibsado

    Markaliya ayaa waxa ka aloosmay madashii in gacanta la isula tago oo lababa meel isku qabsadaan, balse Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Siciid Timaweyne ayaa la hadlay xildhibaanadii waxaanu ku qanciyay in golaha laga baxo oo la ixtiraamo soo jeedinta, waanay ka aqabaleenDSC00574DSC00572DSC00570DSC00587 DSC00591DSC00590DSC00589DSC00587DSC00586DSC00585DSC00583DSC00577DSC00576

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: