SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Axmed Siilaanyo Oo Caawa Si Adag Uga Digay halista Ka iman Karta Muddo Kordhin Dambe Oo Guurtidu U Samayso M/Weyne Rayaale

    Posted by Sawnews.tk on September 18, 2009

    siilaanyo88-150x150Hargeysa(Sawnews) Sept. 18,2009- Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka digey in golaha guurtidu muddo kordhin  sameeyaan, taasoo uu sheegey in aanay aqbali doonin marnaba isla markaana at tahay mid cawaaqib xumo gaadhsiin karta dalka iney xaalada uga sii darto. Isaga oo guddomiyuhu xusey in heshiis hore ka yaaley muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa 

    Sidaana waxa uu ku sheegey guddomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo shir jaraaid oo deg-dega ah oo uu caawa saacada Hargeysa markay ahayd 11:40 habeenimo ku qabtey gurigiisa ku yaala magalaada Hargeysa.

     

    Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ka hadlay xaalada uu maanta dalku ku sugan yahay , isaga oo ku eedeyey xukuumadda Somaliland iney  gabi ahaanba burburisey Dimuqraadiyaddi , Cadaaladdii iyo Sinaantii ka jirtey Somaliland .

    Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa Gudoomiyaha “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo marxaladan uu maanta dalku marayo mawqif aad iyo aad u adag baynu taaganahay , waxaynu ku soo caano maalnay  Dimuqraadiyad , waxaynu nahay dal go’aansadey inay dalkooda ku dhistaan dimuqraadiyad, Cadaalad,Sinaan iyo Wadajir.

    Arrintaasi iyadda ah waanu aragnaa maamulka maanta jira kama ay suurto galin, waxaana jira dhibaato fara badan o dhinac walba leh . Oo ku tumasho sharci  leh , oo dimuqraadiyadii oo la baaba’shey leh ayaa maanta dadkeenii  iyo dalkeenii la soo gudboonaatey . Weynu ogayn mudaaharaadkii ka dhacay dalka weynu ogayn khilaafaadka ka  yimid. Weynu ogayn abaabulka faraha badan ee inaga galay in heshiis  laga gaadho , hore ayay noo soo mareen khilaafyo sidaasi la  wada xidhiidha oo kuligood la wada xidhiidha maamulka maanta jiraa oo  loogu taag waayey xilkii iyo waajibkii , oo ah inu dalka  dimuqraadiyadiisii meel mariyo kana soo baxo xikiisii ka soo baxo.

     Markuu ka soo bixi waayey ayuu damcay inuu qaato dariiqii kalitalinimada taasi hadey dhacdey oo dhawr jeer hore laga gar naqey oo heshiiskii laysku ogaa , oo kii ugu danbeeyeyna la ogaa, ee umadda iyo caalamkuba isla ogaa ee ahaa; Haddii ay doorasho dhici weydo  inaanu madaxweynuhu isa soo taagin oo uu maanta ka gilgilanaayo oo komishankii iyo cid waliba ay cadaysey inaaney doorasho dhacayn manta waxaaa aynu u taaganahay”.

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Axmed Siilaanyo wuxuu ka digay  iney golaha guurtidu ay muddo korodhin u sameeyaan , taasi oo uu sida  uu sheegay aanay marnaba aqbalaynin . Waxaanu tibaaxey gudoomiyuhu in madaxweyne Riyaale uu laaluush kula dhex jiro xildhibaanada ka tirsan golaha guurtida . Waxaanu yidhi “Maanta waxaa warwar badan laga qabaa in guurtida sida uu golihii kale ugu tuntay ee uu laaluusha ula dhex galay, ee xumaan la dhex galay ,ee uu markii uu taagi waayey golihii ka xidhey , uu maantana la yimaado farsamo xumo ah inuu arrintaa maanta ummadda faraha badani ku dhex jirto ee taladeedii iyo arrinkeedii socdo inuu la yimaado inuu guurtida ku khasbo oo uu yidhaahdo ii kordhiya iyada oo uu waqtigiisu uu dhacay.

    Markaa halkaasi waxaa aanu jecelnahay anaga oo ixtiraam fara badan iyo qadarinba guurtida u hayna aanu halkaa ka muujino dareen ah , Hadii ay si deg-dega guurtidu  ugu dhaqaaqdo inay la timaado kordhin uu waqtigeedii uu dhamaadey inaan dareenka shacbiga aanu ahayn mid ay aqbalayaan , waxaanu jecelnahay anaga oo guurtida qadarin u hayna inay arrintaasi digtooni laga qabo oo aanay gaadmo ummada ku  iman , gaadmo lama filaan ah oo aan la odhan mar qudha lix bilood baa loo kordhiyey ama saddex bilood baa loo kordhiyey, dadweynuhuna waa inay hadii ay dhacdo dareenkooda ka muujiyaan oo ka hawl galaan guurtidu meesha ay joogaan una sheegaan, Arrintaasi oo aan doonayno inaanu ka digno Dareenkeedana dadweynuhu nala ogaadaan , hadii ay arrintaasi ay timaadana waxaanu sheegeynaa in shacbiweynuhu mudaharaad isugu soo bixi doono meel kasta goboladda dalka oo dhan oo ay arrintaasi ku muujin doonaan dareenka ay ka qabaan, oo aanu arrintaasi iska taagi doono meel aad iyo aad u adag”.

     

    source Ramaasnews Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: