SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiyada Siyaasadda oo ku Guuldaraysta Go’aan midaysan oo ay Golaha Guurtida la Hortagaan

    Posted by Sawnews.tk on September 17, 2009

    guddoonka%20guurtidaHargaysa (Sawnews) Shir-Gudoonka Golaha Guurtida ayaa Shalay Kulan ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Hogaamiyaayaasha Saddexda Xisbi Qaran oo ay kala hadlayeen Mawqifyadooda ku waajahan Xaalada Dalka iyo Dib u dhaca ku yimid Doorashada.

    Kulankan oo ay Shir-Gudoonku la yeesheen Xisbiyadaas waxa ka qayb galay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Talada haya ee Udub oo ay wehelinayeen Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiyadaasi, waxa uu Shir-gudoonku waydiiyay waxa ay ka qabaan waxa laga yeelayo dib u dhaca Doorashada, waxaana la sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen Xisbiyadu waxa laga yeelayo arrintaasi.

    Sida ay sheegeen ilo ku dhadhaw kulankaasi Xisbiga Udub isagu waxa uu soo jeediyay in Golaha Guurtidu ay talada la wareegaan, madaama lix Bilood uu muran tagnaa Xisbiyaduna ay heshiis gaadhi kari wayeen.

    Xisbiga Ucid ayaa la sheegay isagu in uu ogolaa in laga wada hadlo dib u dhaca Doorashada iyo Korodhsiimada loo sameeyo Xukuumada, madaama aanay muuqan Doorosho la qabanayaa.

    Lakiin Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay in uu isagu gabi ahaanba Mawqif adag iska taagay in wax korodhsiimo ah loo sameeyo xukuumada imika jirta, taasi oo ay sabab uga dhigeen in Korodhsiimadii hore ee Golaha Guurtidu sameeyeen lagu heshiiyay in aan wax danbe oo kordhin ah la samayn.

    Kala duwanaanshaha ka soo baxay kulankaasi ee la xidhidha Doorashadu waxa uu keenayaa in ay Taladu ku wareegto Golaha Guurtida oo isla maanta u fadhiisanaya waxay ka yeelayaan marka ay dhagaystaan warbixinta ay Shir-gudoonku ka siiyaan kulanka ay shalay la yeesheen Xisbiyada Siyaasada

    Leave a comment