SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafadeed: Xukuumadda Somaliland Oo ka jawaabtay Eedaymo ka soo yeedhay Dawladda Eriteria.

    Posted by Sawnews.tk on September 17, 2009

    Somaliland_COAWasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Siciid Maxamed Nuur, ayaa ku tilmaamay faragalin qaawan oo aan geedna lagu soo gaben war ku soo baxay shalay boga internetka “Dehia.org” oo ay ledahay dawlada Eritrea, kaas oo u madaxweynaha Eretria Isiyaas Afawarqe ku edeeyay Ethiopia in ay kala gooyneyso wadankii la odhan jiray Somalia iyada oo damacsan in ay aqoonsato jamhuuriyada Somaliland, talabadaasi oo uu ku tilmaamay in ay dhaawacayso jiritaanka iyo midnimada umadda soomaaliyeed

    Wasiiru Dawlaha arrimaha dibedda Mudane Siciid Maxamed Nuur ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ay somaliland mudan tahay xaqna ay u leedahay in la aqoonsado, oo ay tahay dal la midoobay Somalia 1960 ee aanay ahayn gobal ka go’ay .

    Wuxuu Wasiirku xusay in ay somaliland xuriyadeeda kala soo noqotay midnimadii ay la gashay somalia 1991 kii ka dib halgan dheer oo qadhaadh oo naf iyo maalba loo huray, wuxuuna shegay in aqoonsiga Somaliland uu dawo u yahay guud ahaan dhibaatooyinka ka taagan geeska afrika gaar ahaan khilaafka ka aloosan Somalia.

    Waxa uu sheegay in uu warkaasi ka fog yahay xaqiiqada oo u yahay mid ay dawlada Eritrea ku duudsiinayso Somaliland xaqa ay u leedahay in ay beesha caalamka ka mid noqoto waxaanu uga digay dawlada Eritrea faragalinta soo noqnoqonaysaa ee ay kula kacayso arrimaha Somaliland iyo dawladaha jaarkeeda ah wuxuuna ugu baaqay in ay ka waantowdo oo ay jaarkeeda kula nolaato nabadgalyo iyo wax wada qabsi .

     

    Allaa Mahad Leh

     

     

    Siciid Maxamed Nuur

    Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: