SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Mucaaradka oo ku kala jabay Kulanka Maanta la Filayo iyo Jahawareerka ka taagan Ergooyinka Dhexdhexaadinta

    Posted by Sawnews.tk on September 17, 2009

    somaliland_flagHargeysa (Sawnew) Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa la filayaa in ay ka baaqsadaan in ay maanta la yeesheen Madaxwayne Rayaale kulan loogu balan sanaa Qasriga Madaxtooyada in ay Hogaamiyayaasha Axsaabtu ku yeeshaan Kulan ay  Xal kaga gaadhayaan furdaaminta Marxalada Siyaasadeed ee uu Dalku ku sugan yahay.

    Baaqashadan ayaa ka danbaysay markii ay Xisbiyada Mucaaridku dhexdooda ku kala aragti duwanaadeen waxa ay ka yeelayaan Gogasha uu u fidayay Madaxwayne Rayaale ee uu ugu baaqay in ay kula kulmaan Xarunta Madaxtooyada taasi oo ay hore ba uga biyo diideen Mucaaridku gaar ahaan Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiyahiisu sheegay in aanay Madaxwayne Rayaale uga baahnayn martiqaad ee ay uga baahan yahiin in uu sharciga ku soo noqdo.

    Warar saacadihii danbe ee xalay aanu ka helaynay kulamo ay lahaayeen Xisbiyada Mucaaridku ayaa sheegayay in labada Xisbi ku kala aragti duwan yihiin kulan ay la yeeshaan Madaxwayne Rayaale, iyada oo la sheegay in Xisbiga Ucid Hogaankiisa sare uu ku kala qaybsan yahay in ay la kulmaan Madaxwaynaha, taas oo la sheegay in Gudoomiyahu ogolyahay Ku Xigeenadiisuna ka soo hor jeedaan, taas oo Xisbiga ka dhex dhalisay dood adag oo ilaa xalay saacadihii danbe ay u fadhiyeen, taasoo aanay cadayn in kulanka maanta ay ka qayb gali doonaan iyo in ay ka  baaqan doonaan.

    Balse Xisbiga kulmiye Wararka aanu ka helaynay xalay Saacadihii danbe ayaa sheegaya in dhamaan Hogaanka iyo Xubnaha xisbiguba mawqif adag oo diidmo ah ka taagan yihiin la kulanka Rayaale, iyaga oo ku adkaysanaya in Madaxwaynuhu marka hore uu fuliyo Shuruudahii ay ku xidheen oo kala ah:-

    1. In la soo qabto Askartii gaysatay dhimashada iyo dhaawaca isla markaana sharciga la hor keeno,

    2. In dadka xidhan ee hadda hoganaya saldhigyada booliska iyo xarumaha dambi-baadhida la soo daayo, loona soo celiyo xorriyadooda shuruud la’aan iyo

    3. In la joojiyo baadi-goobka iyo cagajugleynta lagu hayo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kana waantoobaan ciidammada xukuumaddu weerarka lagu hayo qoysaska iyo guryaha taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE..

    Mawqifyadan kala duwan ee Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa la filayaa inay Carqabad galiyaan wadahadaladii la filayay in lagu soo afjaro Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka, laakiin Dhinaca Xukuumada oo aanu la xidhiidhnay xalay ayaa Sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin wadahadalada isla markaana ay taalo Gogoshii uu Madaxwaynahu fidiyay.

    Dhinaca kale waxa uu jahawareer ka taagan yahay Ergooyinka dhexdhexaadinta oo aad u faro batay isla markaana aanu jirin qorshe mid ah oo u dhexeeya halka hadafkooduna uu yahay mid kaliya oo ah in ay  dhex dhexaadiyaan Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah soona afjaraan Muranka Siyaasadeed.

    Tusaale ahaan waxa shalay khilaaf soo kala dhex galay Xildhibaanda Mucaaridka ah ee Golaha Wakiilada iyo Salaadiintii ku hawlanayd dhex dhexaadinta Golaha Wakiilada, kuwaas oo isku mari wayay waxa laga yeelayo Mooshinka Maamus ka xayuubinta, oo ay salaadiintu u soo jeediyeen  in ay ka Tanaasulaan, balse ay ku adkaysanayaan Xildhibaanada Mucaaridku, taasina waxay sii murginaysaa Xiisada ka dhex Aloosan Golaha Wakiilada.

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: