SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadalo Dhaleecayn Ah Oo Musharaxa M/ku Xigeenka KULMIYE Dhawaan U Jeediyey Madaxweyne Rayaale

    Posted by Sawnews.tk on September 16, 2009

    10588Hargeysa (Sawnews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Axmed X. Daahir Cilmi, ayaa jawaab kulul oo xad-dhaaf ah ka bixiyey hadalo uu Musharaxa Madaxweyen Ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Saylici dhawaan ku wareeray Madaxweyne Daahir Rayaale oo uu ugu baaqay in uu xilka isataga dego, isla markaana waxa uu wasiirku sheegay inaanu Daahir Rayaale  marnaba ka degayn xilka Madaxweynimada Somaliland tan iyo inta ay dalka dhacayso doorasho lagaga guulaysto amma isaga markale kursiga loogu doorto.

    Waxaana Wasiirku sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa Hargeysa, kaas oo uu si qaawan uga hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cismaan (Saylici) oo ay isku gobol ka soo jeedaan, isaga oo ku eedeeyey Md. Saylici in uu  u dan lahaa sidii uu dadweynaha reer Awdal ugu abuuri lahaa dareen caadifadeed oo ku salaysan qaabkii ay kacdoon u sameyn lahaayeen.

    War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa dhignaa sidan:-

    “Waxaan maanta [shalay] ka jawaabayaa hadallo ka soo yeedhay murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaas, uguna diray baaq la mid ah kii ay hore u jeediyeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo xisbiga KULMIYE, kadib markii uu shacbiga reer Awdal ugu yeedhay inay kacdoon sameeyaan oo dalka ka badbaadiyaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

    Shirkaa jaraa’id oo lagu daabacay wargeysyada dalka iyo shabakadaha wararka qaarkood 14/09/2009, dulucdiisuna aanay ka fogayn kuwii hore ee ku khammaaray dadkii da’da yaraa ee reer Hargeysa, maadaama murrashaxa ku-xigeenka Axmed-Siilaanyo lagu hoggaaminayey inuu ugu baaqo dadka gobolka uu ka soo jeedo inay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka badbaadiyaan dalka. Waa cajiib!

    Sayliciyow xaalkaagu waa sidii dhidar onkod kiciyey; yaa laga badbaadinayaa dalka jiritaankiisa ma kuwa aad la midka tahay ee habeen iyo maalin la soo taagan hala soo baxo oo hala burburiyo qarannimada, haybadda iyo karaamada lagu soo tabcay ee dhiigga iyo maalka badani ku baxay, mise waxa laga badbaadshaa kuwa leh waar ka daaya wallaalayaal dirqi bay nirig ku dhash’e ee gacmaha ku haya ee uu ugu horreeyo madaxweynaha sida xalaasha ah ku yimi kursiga, isla markaana had iyo jeer ku celceliya inuu doorasho diyaar u yahay waqti kasta oo loo cayimo, haddii laga helana uu si sharaf iyo cisi leh u wareejiyo kursiga.

    Maahmaah baa tidhaahd ‘mabuu dhalane dhawrtaysan ogaa!’ Sayliciyow waxaannu ku leenahay casharka laguu soo laqimay waa kay shalay iyo intii ka horreysay bixinayeen macallimiintaadu ee ku noqo oo jiib noom taani!

    Madaxweynuhu maaha madaxweyne reer ee waa madaxweyne qaran oo sifo sharci ah dadweynuhu ku soo doorteen, wixii ay dalka u qabtaan isaga iyo xukuumaddiisuna maaha mid adiga iyo inta kalee sharka u taagan la weydiinayo ee taariikhada iyo shicibka Somaliland ayaa waqtigeeda ka markhaati furi doona, xilkana wuxuu kaga degi karaa oo keliya cod dadweyne, laakiin ka soo baxa iyo hays-casilada ka soo yeedhaysa adiga iyo kooxdaada maaha mid nuglayn karta xilgudashadiisa qaran.

    Midda kale, inta uu Saylici isku qaadayo madaxweynaha waxa ka horreysa in marka hore uu isagu isqiimeeyo halka uu ka joogo bulshadiisa iyo xisbigiisa, waayo weli lama arag meel aad kaga jirto xisbigaa xagga talada.

    Waxa jirta maahmaah kale oo tidhaahda ‘Baqali ma dhasho, wax dhalana ma doonto,’ oo aan ula jeedo axsaabta mucaaradka oo aan arrin-keen iyo aqbal-keen midna ahayn, balse u muuqda in ay u taagan yihiin oo keliya inay horjoogsadaan talo kasta oo ka timaad xisbul-xaakimka oo xataa haddii wanaag loogu baaqo xumaha ka dooranayaan sida haatanba laga arkay kooxaha mucaaradka shar mooyee aan xagga khayrkaba u jeedin.

    Malaha Saylici waa warmooge, dalkan cidda siyaadada ku ah waa la yaqaannaa, waxaanay caan ku yihiin inay marna iyagu isku marmaan, marna hoggaamiye kasta sida maraboobta isuga duubaan, marna goleyaasha kale qoorta iskaga duubaan, intaa hadday waxba ugu suurtogeli waayaana waxay curiyaan dagaal sokeeye, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay mar uun meel cidla’ ah ka helaan kursiga.

    Haddaba, maanta murrashax Saylici haddii dhegta wax loo saaray amma si kaleba looga dhawaajiyey inuu reer Awdal ku tirtirsiyo inay kacdoon sameeyaan, waxa aan u sheegaynaa in dadku ka bislaadeen siyaasadaha wax burburinta ku salaysan, sidoo kalena madaxweynuhu marnaba qarannimada iyo jiritaanka ummadda Somaliland u igmatay aannu meel bannaan kaga dhaqaaqayn ilaa inta laga gaadhayo sifihii sharci ee uu xilka ku wareejin lahaa amma ku sii hayn lahaa, taasna dhegahiina u fura adiga iyo saaxiibaddaa.

    Dadka ku talinaya in madaxweynuhu iska dhaqaaqo maalinta la gaadho waqtigii doorashada loo cayimay waa kuwo doonaya in lagu kala yaaco oo la isku dilo hoggaaminta dalka, kadibna dalku galo meel fawdo ah iyo burbur la mid ta Muqdisho.”

    Oodweynenews.com

    Hargeysa (Oodwnenews.com)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Axmed X. Daahir Cilmi, ayaa jawaab kulul oo xad-dhaaf ah ka bixiyey hadalo uu Musharaxa Madaxweyen Ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Saylici dhawaan ku wareeray Madaxweyne Daahir Rayaale oo uu ugu baaqay in uu xilka isataga dego, isla markaana waxa uu wasiirku sheegay inaanu Daahir Rayaale  marnaba ka degayn xilka Madaxweynimada Somaliland tan iyo inta ay dalka dhacayso doorasho lagaga guulaysto amma isaga markale kursiga loogu doorto.

    Waxaana Wasiirku sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa Hargeysa, kaas oo uu si qaawan uga hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cismaan (Saylici) oo ay isku gobol ka soo jeedaan, isaga oo ku eedeeyey Md. Saylici in uu  u dan lahaa sidii uu dadweynaha reer Awdal ugu abuuri lahaa dareen caadifadeed oo ku salaysan qaabkii ay kacdoon u sameyn lahaayeen.

    War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa dhignaa sidan:-

    “Waxaan maanta [shalay] ka jawaabayaa hadallo ka soo yeedhay murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaas, uguna diray baaq la mid ah kii ay hore u jeediyeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo xisbiga KULMIYE, kadib markii uu shacbiga reer Awdal ugu yeedhay inay kacdoon sameeyaan oo dalka ka badbaadiyaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

    Shirkaa jaraa’id oo lagu daabacay wargeysyada dalka iyo shabakadaha wararka qaarkood 14/09/2009, dulucdiisuna aanay ka fogayn kuwii hore ee ku khammaaray dadkii da’da yaraa ee reer Hargeysa, maadaama murrashaxa ku-xigeenka Axmed-Siilaanyo lagu hoggaaminayey inuu ugu baaqo dadka gobolka uu ka soo jeedo inay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka badbaadiyaan dalka. Waa cajiib!

    Sayliciyow xaalkaagu waa sidii dhidar onkod kiciyey; yaa laga badbaadinayaa dalka jiritaankiisa ma kuwa aad la midka tahay ee habeen iyo maalin la soo taagan hala soo baxo oo hala burburiyo qarannimada, haybadda iyo karaamada lagu soo tabcay ee dhiigga iyo maalka badani ku baxay, mise waxa laga badbaadshaa kuwa leh waar ka daaya wallaalayaal dirqi bay nirig ku dhash’e ee gacmaha ku haya ee uu ugu horreeyo madaxweynaha sida xalaasha ah ku yimi kursiga, isla markaana had iyo jeer ku celceliya inuu doorasho diyaar u yahay waqti kasta oo loo cayimo, haddii laga helana uu si sharaf iyo cisi leh u wareejiyo kursiga.

    Maahmaah baa tidhaahd ‘mabuu dhalane dhawrtaysan ogaa!’ Sayliciyow waxaannu ku leenahay casharka laguu soo laqimay waa kay shalay iyo intii ka horreysay bixinayeen macallimiintaadu ee ku noqo oo jiib noom taani!

    Madaxweynuhu maaha madaxweyne reer ee waa madaxweyne qaran oo sifo sharci ah dadweynuhu ku soo doorteen, wixii ay dalka u qabtaan isaga iyo xukuumaddiisuna maaha mid adiga iyo inta kalee sharka u taagan la weydiinayo ee taariikhada iyo shicibka Somaliland ayaa waqtigeeda ka markhaati furi doona, xilkana wuxuu kaga degi karaa oo keliya cod dadweyne, laakiin ka soo baxa iyo hays-casilada ka soo yeedhaysa adiga iyo kooxdaada maaha mid nuglayn karta xilgudashadiisa qaran.

    Midda kale, inta uu Saylici isku qaadayo madaxweynaha waxa ka horreysa in marka hore uu isagu isqiimeeyo halka uu ka joogo bulshadiisa iyo xisbigiisa, waayo weli lama arag meel aad kaga jirto xisbigaa xagga talada.

    Waxa jirta maahmaah kale oo tidhaahda ‘Baqali ma dhasho, wax dhalana ma doonto,’ oo aan ula jeedo axsaabta mucaaradka oo aan arrin-keen iyo aqbal-keen midna ahayn, balse u muuqda in ay u taagan yihiin oo keliya inay horjoogsadaan talo kasta oo ka timaad xisbul-xaakimka oo xataa haddii wanaag loogu baaqo xumaha ka dooranayaan sida haatanba laga arkay kooxaha mucaaradka shar mooyee aan xagga khayrkaba u jeedin.

    Malaha Saylici waa warmooge, dalkan cidda siyaadada ku ah waa la yaqaannaa, waxaanay caan ku yihiin inay marna iyagu isku marmaan, marna hoggaamiye kasta sida maraboobta isuga duubaan, marna goleyaasha kale qoorta iskaga duubaan, intaa hadday waxba ugu suurtogeli waayaana waxay curiyaan dagaal sokeeye, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay mar uun meel cidla’ ah ka helaan kursiga.

    Haddaba, maanta murrashax Saylici haddii dhegta wax loo saaray amma si kaleba looga dhawaajiyey inuu reer Awdal ku tirtirsiyo inay kacdoon sameeyaan, waxa aan u sheegaynaa in dadku ka bislaadeen siyaasadaha wax burburinta ku salaysan, sidoo kalena madaxweynuhu marnaba qarannimada iyo jiritaanka ummadda Somaliland u igmatay aannu meel bannaan kaga dhaqaaqayn ilaa inta laga gaadhayo sifihii sharci ee uu xilka ku wareejin lahaa amma ku sii hayn lahaa, taasna dhegahiina u fura adiga iyo saaxiibaddaa.

    Dadka ku talinaya in madaxweynuhu iska dhaqaaqo maalinta la gaadho waqtigii doorashada loo cayimay waa kuwo doonaya in lagu kala yaaco oo la isku dilo hoggaaminta dalka, kadibna dalku galo meel fawdo ah iyo burbur la mid ta Muqdisho.”

    Oodweynenews.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: