SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siyaasiyiin reer Awdal oo Sheegay in M/weyne Rayaale Sharci kaga Degi karo Kursiga balse Aan sharci daro lagaga Qaadi karin

    Posted by Sawnews.tk on September 16, 2009

    Picture 001Borama(Sawnews)– Xubno Siyaasiyiin ah oo kala ah Axmed Xadi Sidci, Maxamed Jaamac Abgaal iyo Duqii hore ee Boorama Maxamed Deheeye, oo dhamaantood ah siyaasiyiin reer Awdal ah ayaa maanta shirjaraaid ku qabtay Hutelka RAYS ee magaalada Boorama, xubnahaasi waxa ka hadleen muranka siyaasada ee dalka ka jira, sida ay u arkaan in xalku yahay iyo in dalka la badbaadiyo si nabadiisa iyo qarannimadiisa loo ilaaliyo. waxayna dhamaantood tacsi u direen dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay Rabashadihii ka dhacay Hargaysa dhawaan.
     
    Ugu horayn waxaa hadlay Axmed Xadi oo sheegay in loo baahan yahay in la ogaado in Somaliland aanay qabiil ahayn ee ay Qaran tahay, wuxuu ka waramay marxaladihii la soo maray iyo wakhtiyadii laga soo gudbay, inataas wuxu raacshay in dalkan Somaliland wakhtigan aanuqaadi kain dhib iyo fawdo ku dhacda dadkiisa wuxuuna yidhi ” wakhtigan lagu jiro waxa haboon si nabada looga gudbo, in la ilaaliyo sharciga la dhawro dastuurka yaal, dadku waxay ku kala socdaa kaas waxaan onahay in m/weyne Rayaale ku yimid doorasho,sida dastuurku dhiganayana lagu bedeli karo doorasho, wax aan taas ahayn waxay ina gelinaysaa dib u noqosho iyo xaalado aynaan garanayn oo aan galo. ninkii kursiga doonayaa ha la galo doorasho xisbiga UDUB, waan ognahay in sida imika loo socda ay tahay in aan la rain doorasho ee ay tahay wado leexsan iyo qabqab, Axsaabta mucaaradka waxaan u soo jeedinaynaa wixii xumaaday e tirakoo ayuu ahaa hadii dayaxa la waayo xidigaha ayaa lagu socdaa, doorasho hadii lagaga helo M/weynaha oo uu dido kolkaas aan aragno, inta ka horaysa waar aan ilaashano nabadeena oo yaynaan iska burburin ayuu yidhi Axme Xadi
     
    Maxamed Jaamac Abgaal ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay ” Aniu waxaan qabaa in aan loobaahnayn wakhtigan in dalka la geliyo jahawareer siyaaseed, waaan oayn in 19 sano ka hor loo laayay reer Awal oo ay SNM u laysay waar dal gaara nala dhista, imikana waxaa loo laayay oo dadkii jidka loo dilay waar nala dumiya Somaliland, idinka yeelimayno in aan dalka idinla dumino, welia waxaan leehay dadka jaarka aannahay ee gabilay waar dusha uunaa la idiin fuulaye dilkaas waxa ka dambeeyay Saleebaan Gaal Gudoomiyaha Guurtida, isagaan u haysanaa oo aan leenahay wuu ka dambeeyay ayuu yidhi Maxame Abgaal, Hadalkiisa wuxuu sii raacshay oo uu yidhi Abgaal hadana “hadaan u soo noqdo reer aan deriska anahay ee aan is dhalay S/Muuse waar xage la idiin wadaa reerbaa yidh aan duulo gadhkana aan xiiro, ninbaa ku yidhi gadhkiinana daysta duulana, waar dalkiinana ha iska duminana codkana cidaad doonaysaan siiya oo kaad diidaysaana u diida ayaan idin leenahay, dalkana waxa u sharaxan sadex nin yaan la badin musharixiinta oo aanlagu soo darin saleebaan Gaal, C/raxmaan Ciro iyo rag kale oo badan, inoo daaya sadexda xisbi Qaran wixii dhaafsani waa Alshabaab iyo magacyo aynaan garan karin.
    M/weyaha waxan leehay waad arkaysaa marxalada dalku halka ay marayso maanta Adaa lagaa sugayaa siyaasadii iyo Arinkii dalkani ku badbaadi lahaa, ee isaga oo dhisan aad kaga tegi lahayd ama ku wareejin lahayd,
    Abgaal wuxuu intaas raacshay in Somaliland dastuurkeedalagu kalo socdo, wixii intaas dhaafsan cida rabtaa ha cadayso.
     
    Duqii hore Maxamed Daheeye ayaa isna wuxu yidhi ” Hadaan nahay siyaasiyintii Awdal ee Borama joogtay ma jeclin in aan ka aamusno marxalada la galay, ka warami maayo wixii hore u dhacay hadii xasuuq hore laga hadlayo odayga sadexaad ee ii awawga ah ayaa wakhigii dagaaladii sokeeye hal maalin SNM ka dishay 5 qof oo rayid ah, imikana waxa loolaynayaa dad aan waxba galabsan, Hadaba Anagaa wax saamaxnay oo ta fiican ka dooranay mida xumaanta ah sida quraanku timaamay, dalka halaga daayo qabyaalada, reer Awdal wax loo qabtay ma jiro boqolkiiba 50% hadii ay Rayaale jeclaayeen ha jeclaysiinina 100% siyaasiyiinta laabta isa saaraysa ee Faysal iyo Siilaanyo ayaa taas leehay, sababta oo ah Axsaab ayaa la ahaa goormay xisbiyadu isku dan noqdeen mee tartankii, mee mid walba afkaartiisii, waxaan ku soo gabagabaynayaa aynu ilaashano wixii aan hore ugu dagaalanay dhexdeena u dhisanay u soo rafaadnay, hadii kale noo sheega in ay waxaasi beenbeen ahayd iyo in kale.
     
    Xubnahaas shirka jaraaid qabtay waxay aad ula hadleen siyaasiyiinta Mucaaradka ah, waxaanay talo iyo tusaalaba u soo jeediyeen sida ay hadalkooda u dhigeen inta jecel in Somaliland sii waarto iyo naadeeda,himalada dalku jirto in tubtii u jeexnayd lagu sii socdo, dhanka kalana waxaa jira siyaasiyiin ka duwan xaga fikirka oo raacsan iyagu fikrada ay wadaan Axsaabta mucaaradku qaarkood

    awdalpress

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: