SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “27-ka bishan markay gaadho xilkii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku bil ka bacdi waa inay wareejiyaan ama…” Saleebaan M. Aadan

    Posted by Sawnews.tk on September 16, 2009

    saleebaan-150x150Hargeysa (Sawnews)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay isku raacay inay darsaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogan, isla markaana ay xal ka gaadhaan dib-u-dhaca ku yimi doorashada Madaxtooyada oo lagu waday inay dalka ka qabsoonto 27 September 2009.

    Fadhigii shalay ee golahaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka xaadiray 59 Mudane oo ka mid ah 82 xubnood ee uu ka kooban yahay. “Doorashadii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku waa tii ahayd inay qabsoonto 27-ka bishan September, Guddiga Doorashooyinkuna waxay yidhaahdeen ma qabsoomayso, isla markaana waxa jira khilaafaad badan. Goorma ayay doorashadii qabsoomaysaa? mudada ka hadhay doorashada ee dhamaadka muddda xil-haynta Madaxweynaha maxaa la yeelayaa? arrimahaasi waa kuwo gole ahaan inaga inoo yaala,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo hadal kooban ka jeediyay fadhigaas. “Maxaa la yeelayaa haddii ay jiraan khilaafaad goleyaal iyo bulsho? Waxay noogu muuqatay (Shirgudoon ahaan) in Goluhu xal isla raadiyo, 27-ka bishan markay gaadho xilkii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku bil ka bacdi waa inay wareejiyaan ama iyagu ay ku soo noqdaan. Waa arrimo inoo yaala – khilaafaadka dad badan baa ku jira, Mudaneyaal waana xilkeenii. Salaadiin, baayac-mushtari iyo Culimo-awdiin isku lamaan, rag aqoonyahano ah ayaa ku jira iyo ajanabi baa ku jira, iyana inay ka hadheena waabay dhici kartaaye, waxaan jecelahay inaynaan is-haaraan iyo is-canaanasho gelin ee aynu is waydiino sidee ayaynu arrintan u gudo galaa, khilaafaadka dhacayna isugu soo dhawaynaa ama u daminaa,” ayuu raaciyay Saleebaan Maxamuud Aadan.

    Mudaneyaasha goluhu waxay dood kulul ka yeesheen sida xal loogu heli karo khilaafaadka siyaasadeed iyo Sharciyeed ee haatan jira iyo maaraynta dib-u-dhaca mar kale ku yimi doorashada Madaxtooyada oo xilligii loo muddeeyay 11 maalmood oo keliyi ka hadhsan yihiin.

    Dooddaas oo ay isu diiwaangeliyeen 41 Mudane, waxa shalay dooddooda dhiibtay ilaa tobaneeyo xubnood, waxayna talo soo jeedinta Mudaneyaashu ku soo ururtay laba qodob oo kala ah; in Goluhu u yeedho sadexda xisbi qaran, si wax looga waydiiyo inay ka heshiin karaan dib-u-dhaca doorasashada iyo inkale iyo qodobka labaad oo ah in Shirguddoonku kulan la yeesho xisbiyada siyaasada, ka dibna Golaha dib ugu soo celiyo warbixin dhamaystiran.

    Hase yeeshe, markii cod loo qaaday labadaas qodob, waxay Mudaneyaashu isku raaceen in Shirguddoonkoodu ay la kulmaan axsaabta siyaasadda, isla markaana ay iyagu warbixin laga duulo hor keenaan Golaha, taasoo ay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen 48 Xildhibaan, halka soo-jeedinta labaadna ay u codeeyeen 10 Mudane.

    Mudaneyaasha dooddaa shalay ka qaybgalay, waxay qaarkood soo jeediyeen inaan mar dambe loo kordhin Xukuumada Somaliland, taas bedelkeedana lala xisaabtamo, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in waqti cusub oo dheeraad ah loo kordhiyo Xukuumadda Rayaale, maadaama ay Komishanka Doorashooyinku caddeeyeen in aanay doorashadu qabsoomayn khilaafna dalka ka taagan yahay, iyadoo lixdii bilood ee hore Guurtidu ugu kordhisay Xukuumadda ay kaga egtahay 29 bisha October 2009.

    Marka la eego doodda Mudaneyaasha, waxa muuqata in Golaha Guurtidu si wayn ugu kala qaybsan yahay muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Madaxtooyada.

    Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: