SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxwayne Rayaale oo Ganacsatada ka Aqbalay in laga Wadahadalo Xaaladda Dalka

    Posted by Sawnews.tk on September 15, 2009

    riyaale2Hargeysa (Sawnews) Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Ganacsatada Somaliland oo baryahanba ku hawlanaa sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dajinta muranka siyaasadeed ee u dhaxeexay Xukuumada iyo Mucaaridka.

    Kulanka shalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ayaa la sheegay Madaxwaynahu in uu ka aqbalay Ganacsatada in Xaalada Dalka ka taagan wadahadal lagu dhameeyo, ka dib markii ay u soo jeediyeen in aanay dan u ahayn Dalka iyo Dadkaba in lagu sii jiro is faham la’aanta u dhaxaysa isaga iyo Axsaabta Mucaaridka ah.

    Ganacsatada ayaa la sheegay kulankaasi in ay Madaxwaynaha ugu bandhigeen in ay xukuumadu furto wadahadal rasmi ah oo suurto galin kara in uu daganaansho dalku ku jiro, isla mar ahaantaana ay ku qabsoomi karto Doorasho, iyaga oo uga digay Xukuumadu in aanay  u adeegsan Mucaaridka awood ka baxsan inta uu sharcigu siiyay.

    Madaxwayne Rayaale ayaa la sheegay in uu ka garaabay codsiga Ganacsatada isaga oo balan qaaday sidii horeba uu u sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo Tala kasta oo laysugu soo jiidayo isaga iyo Mucaaridka isla markaana uu ogol yahay in uu qabto Doorashooyin wakhtiga ay ku heshiiyaan.

    Ganacsatada  ayaa Madaxwayne Rayaale ka hor waxay  la kulmeen Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyo Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ah, waxaanay u soo jeediyeen Talo la mid ah ta Madaxwaynaha iyaga oo ka codsaday Mucaaridka in ay aqbalaan in la wada hadlo lana joojiyo wixii burburinaya Nabadgalyada Dalka.

    Sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen kulankan dhex maray kooxdan ganacsatada ergada ah iyo hogaamiyeyaasha Axsaabta mucaaridka iyo shirguddoonka oo ka qabsoomay xalay hotel-ka Maansoor waxay labada dhinac isla qaateen in la joojiyo isku soo baxyada Dadweynaha ee ay soo abaabulaan Axsaabta Mucaaridku.

    Ilo wareedyadaasi waxay intaa ku dareen in kooxda ganacsatada ahi ay guddoomiye-yaasha labada xisbi UCID Faysal Cali Waraabe, kulmiye Axmed maxamed Siillaanyo iyo guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ay usoo jeediyeen in la hakiyo mudaharaadyada oo haddii ay sii socdaan ay tilmaameen in nabadgelyada iyo xasiloonida ay wax u dhimi karaan sidii ka dhacday mudaharaadkii maalintii sabtidii ka dhacay caasimada oo keenay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca-ba leh.

    Kooxdan ganacsatada ah ayaa waxa ay sheegeen inay ka ergayn doonaan dhexdhexaadinta xal u helida khilaafyada siyaasiga ah ee taagan, loona baahan yahay in lagu simo inta ay natiijo ka keenayaan hawshaa dhexdhexaadinta ee ay isku xilqaameen.

    Sida ilo xogogaal ahi noo sheegeen kulanka xalay ka qabsoomay Hotel-ka Maansoor ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday shirkadaha ugu waaweyn dalka, sida Dahabshiil, Telesom, Oomaar, Daalo iyo culimo ay ka mid ahaayeen Sheekh Dirir, Sheekh Aadan Siiro.

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: