SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiiladda Oo U Codeeyay Inay Muddo Danbe Oo Bill Ah Sii Shaqeeyaan

    Posted by Sawnews.tk on September 15, 2009

    wiiladasomaliland-150x150

    Hargaysa(Sawnew) Fadhigii Golaha Wakiiladda ayaa maanta cod u qaaday inay sii shaqeeyaan bill danbe, waxaana ogolaaday 36 xildhibaan,32 mudanena waxay u codeeyeen in fasax la galo, hal xildhibaana wuu ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn

    Fadahiga maanta oo ay fadhiyeen 70 xildhibaan waxa goob jog ka ahaa Salaadiinta dhexdhexaadinta ka dhex wada labada dhinac ee golaha, waxaanu ku dhamaaday jawi fiican

    Guddooomiyaha Golaha mudane C/raxmaan Ciro oo ka hor intaanu codka u qadin muddo kordhinta loo sameeyay fadhiga golaha ka hadlay ayaa u mahadnaqay Salaadiinta ku hawlan inay isku duwaan muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanu tacsi u diray dhamaan dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay rasaastii ay ciidamada booliisku la dhaceen, waxa uu markale ciro ku eedeeyay ciidamada Booliisku inay golaha ka hor istaageen saxaafadda oo uu u soo jeediyay mar danbe inaanay dhicin in laga hor joogsado

    C/raxmaan ciro waxa uu soo jeediyay in fasax gaaban muddada Ciidda ah la qaadan doono si looga nasto shaqada maalinta sabtida ahna la isku soo noqon doono si loo sii balamo

    Codaynta maanta ayaa waxay daboolka ka qaaday tirade dhabta ah ee ay labada kooxood kala haystaan oo ah in lagaga awood badan yahay xubnaha muxaafidka ah golaha inkastoo laga yaabo haddii dooda mooshinada oo imika u eeg in lala tacaalayo inaan golaha la hor keenin ay suurto gasho doodooda in la furo.

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: