SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Guurtida oo Maanta Fadhi ka yeelanaya Dib u dhaca Doorashada

    Posted by Sawnews.tk on September 15, 2009

    guurtida-somaliland-150x150Hargeysa (Sawnews) Golaha Guurtida ayaa la filayaa maanta in ay fadhi ka yeeshaan Xaalada ka tagaan Dalka iyaga oo Bishan ba ku jiray fadhi aan caadi ahayn oo Xildhibaanada heegan lagu galiyay si ay hawl dheeraad ah u qabtaan.

    Fadhiyada Golaha ayaa malmahanba jiitan iska ahaa maadaama oo ay rabshado dalka ka dheceen, balse waxa la filayaa maanta fadhigooda in ay ku eegaan waxna iskaga waydiiyaan waxyaabaha dhacay iyo sidii loo xalin lahaa, madaama ay yihiin Golaha kaliyaata ee awooda u leh furdaaminta Xaalada Dalku ku jiro.

    Ilaa Shalay waxa Golaha ka dhex socday diyaar garaw ay Xildhibaanadu ku raadinayeen sidii loo furdaamin lahaa Xaalada Dalka ka taagan oo ay kow ka tahay dib u dhaca ku yimid Doorashada oo ay isku hayaan sidii xal looga gaadhi lahaa Golayaasha Sharci dejinta, Axsaabta, Xukuumada iyo Koomishanka Dorashooyinka, taas oo la filayo dib u dhaca ku yimid Doorashooyinku in ay keenaan halis dhinaca amaanka ah.

    Wararka ka soo baxaya Golahaasi ayaa iftiiminaya in uu jiro Loolan Xildhibaanadu ay diirada ku saarayaan sidii Gole ahaan ay u furdaamin lahaayeen Muranka taagan, iyada oo ay xildhibaanadu isku gaygaynayaan Gole ahaan sidii ay u bislayn lahaayeen una soo dhigi lahaayeen Go’aan lagu wada qanci karo, laguna suurto galin karo in Doorashooyin lagu qabto.

    Aragtiyaha ka dhex socda Golaha ayaa kala ah laba qaybood oo ay kooxiba si u aragto, wararku waxa ay sheegayaan qaar Xildhibaanada ka  mid ahi in ay u arkaan qaabka kaliyaata ee Goluhu ay wax u xalin karaan in uu  yahay Gole ahaan in ay curiyaan in ay xal keenaan ka madax banaan dhinacyada isku haya Siyaasada oo ay iska awdaan in ay qaataan Ajandayaasha ay wataan Xisbiyadu, halka la sheegay  qaar ka mid ah Xildhibaanadu in la sugo in ay uga timaado dhinaca Xukuumadu codsiga mudo kordhinta oo sababaysan, taasi oo ay u arkaan in ay tahay wadada kaliya ee Gole ahaan u banaan in ay ku gudo galaan muranka ka taagan dib u dhaca Doorashada.

    Hargeysa (Waaheen) Golaha Guurtida ayaa la filayaa maanta in ay fadhi ka yeeshaan Xaalada ka tagaan Dalka iyaga oo Bishan ba ku jiray fadhi aan caadi ahayn oo Xildhibaanada heegan lagu galiyay si ay hawl dheeraad ah u qabtaan.

    Fadhiyada Golaha ayaa malmahanba jiitan iska ahaa maadaama oo ay rabshado dalka ka dheceen, balse waxa la filayaa maanta fadhigooda in ay ku eegaan waxna iskaga waydiiyaan waxyaabaha dhacay iyo sidii loo xalin lahaa, madaama ay yihiin Golaha kaliyaata ee awooda u leh furdaaminta Xaalada Dalku ku jiro.

    Ilaa Shalay waxa Golaha ka dhex socday diyaar garaw ay Xildhibaanadu ku raadinayeen sidii loo furdaamin lahaa Xaalada Dalka ka taagan oo ay kow ka tahay dib u dhaca ku yimid Doorashada oo ay isku hayaan sidii xal looga gaadhi lahaa Golayaasha Sharci dejinta, Axsaabta, Xukuumada iyo Koomishanka Dorashooyinka, taas oo la filayo dib u dhaca ku yimid Doorashooyinku in ay keenaan halis dhinaca amaanka ah.

    Wararka ka soo baxaya Golahaasi ayaa iftiiminaya in uu jiro Loolan Xildhibaanadu ay diirada ku saarayaan sidii Gole ahaan ay u furdaamin lahaayeen Muranka taagan, iyada oo ay xildhibaanadu isku gaygaynayaan Gole ahaan sidii ay u bislayn lahaayeen una soo dhigi lahaayeen Go’aan lagu wada qanci karo, laguna suurto galin karo in Doorashooyin lagu qabto.

    Aragtiyaha ka dhex socda Golaha ayaa kala ah laba qaybood oo ay kooxiba si u aragto, wararku waxa ay sheegayaan qaar Xildhibaanada ka  mid ahi in ay u arkaan qaabka kaliyaata ee Goluhu ay wax u xalin karaan in uu  yahay Gole ahaan in ay curiyaan in ay xal keenaan ka madax banaan dhinacyada isku haya Siyaasada oo ay iska awdaan in ay qaataan Ajandayaasha ay wataan Xisbiyadu, halka la sheegay  qaar ka mid ah Xildhibaanadu in la sugo in ay uga timaado dhinaca Xukuumadu codsiga mudo kordhinta oo sababaysan, taasi oo ay u arkaan in ay tahay wadada kaliya ee Gole ahaan u banaan in ay ku gudo galaan muranka ka taagan dib u dhaca Doorashada.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: