SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Guurtida Ayaa Maanta Dood Adag Ka Yeeshay Xaaladda Dalka

    Posted by Sawnews.tk on September 15, 2009

    guurtida-somaliland-150x150Hargaysa(Sawnews)Fadhiga Golaha ee maanta oo ay fadhiyeen 59 xildhibaan ayaa laga dooday waxa laga yeelayo muranka siyaasadeed ee ka dhashay dibu dhaca Doorashada Madaxtooyada oo khalkhal dhinaca nabadgelyada ah maalmihii u danbeeyay dalka ka abuurtay

    Mudanayaasha ayaa maanta loo furay dood ay arrintaasi ku naaqishayaan waxaan aragtiyo kala duwan oo ku waajahan madasha ka jeediyay dhar iyo toban xildhibaan kuwaasoo nuxurka doodoodu ay u badnayd in lala tashado Madaxda axsaabta ka hor intaanu Goluhu Go’aan ka soo saarin muddada Doorashada

    Waxaana cod loo qaaday laba soo jeedimood oo kala ahaa in shirguddoonku si gaar ah ula soo kulmaan madaxda axsaabta iyo in Golaha loogu yeedho si wax loo weydiiyo,waxaana loo qaaday labadaa aragtiyood cod waxaan la isku raacay in fursad bari loo siiyo shirguddoonku inuu axsaabta la soo kulmo khamiistana Golaha ay ku soo celiyaan taladooda

    Soo jeedintaasi waxa ogolaaday 48 xildhibaan oo ka mida 59 xildhibaan ee Golaha fadhiyay, 10 xildhibaana waxay soo jeediyeen in Golaha hortiisa la keeno,Guddoomiyuhuna muu codayn

    Dooda Golaha ee maanta ayaa u muuqda Golaha aqlabiyadiisu inay isku raacsan tahay in muddada Doorashada la kordhiyo balse waxa aan la garanayn waxa ka soo bixi doona kulanka shirguddoonka iyo axsaabta balse waxa loo badinayaa inay awoodda Dastuurku Golaha ahaan gaarka u siiyay ku meel marin doonaan si looga baxo xaalada jirta

    Hore ayay mudanayaasha Golaha Guurtidu u soo saareen sadex Go’aan oo ay ka mid ahayd inay dhex u noqdaan dhinacyada siyaasada taasoo aan la qiimayn Karin ku dhaqankeeda

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: