SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dugsiga Alaqsa oo sanadkan noqday kan ugu sareeya imtixaanka dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan.(Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on September 15, 2009

    afta igu saraysayBOORAMA(Sawnews)Waxaa maanta aan waraysi kookooban aanu la yeelanay ardayda ka baxday sanadkan dugsiga sare ee Alaqsa oo sanadkan noqday kan ugu sareeya dugsiyada S/land oo dhan, waxaan sanadkan kaalinta tobanka arday ee ugu sareeya galay afar arday oo ka baxay dugsiga sare ee Alaqsa waxaa kale oo jirta sagaal iyo toban arday oo iskuulkaas dhigtaa waxa ay keeneen darjada (A), waxaa kale oo sanadkan la yaab lahayd in gabadha gashay kaalinta sagaalaada ay ahayd Raxma ISmaaciil Yaasiin oo ah ardayadii ugu horyaysay ee guud ahaan S/land gasha kaalintaas oo kale.Hadaba waxaanu waraysi koob kooban ya leeyanay ardaydaas kaalimaha hore galay waxaanay kala ahaayeen1- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud oo kaalinta koowaad galay guud ahaan S/land oo dhan.

    2- Zubeer Faarax Mux’ed oo kaly kaalinta 4aad guud ahaan S/land oo dhan.

    3- Raxma Ismaaciil Yaasiin oo kaalinta 9aad gashay gud ahaan S/land oo dhan.

    4- Cabdishakuur Idiris Barkhad oo keenay kaaninta 10aad guud ahaan S/land

    5- Iyo ugu danbayntii Muxyadiin Xuseen Xasan oo ka mid aha 19 arday ee keentay darajada (A)

    Waxay ay ardaydaasi sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin kaalinta ay keeneen waxaanay sheegeen in ay aad u dadaaleen oo sanadkan imitixaanaad badan oo tijaabo ah ay galeen waxaa kale o ay sheegeen in macalimniintooda iyo waalidkoodba aad ula dadaaleen sanadkan.
    Waxa uu sheegay maxamed oo ah ardayga ugu sareeyey in aanan rumaysan markii ugu horaysay ee aan maqlo laakiin markii an arko warqadahii aayaan aad ugu farxay, waxaa kale oo uu intaas ku daray in ardayda sayniska gashay aad u dadaaleen sanadkan, waxa kale oo uu sheegay in ay saaxiibadii iyo qaar ka mid ah eheladiisa iyo macalimiintisa ay aad u dhiiri galiyeen.

    Raxma ayaa iyaduna iyada oo cabairaysa dareenkeeda sheegtay in ayaad farxad iyo naxdin isku jirta ay ku dhacay, waxa ayna aad ugu mahad celisay waalikeed macalimiinta iyo cidi ka qayb qaataday dadaalkoodba, waxaa kale oo ay kula talisay ardayda ka dabnaysa oo ay sheegtay in ay dadaalaan.
    Maxamed cabdiraxman

    MAXAMED CABDIRAXMAAN
    Maxamed iyo Zubayr

    MAXAMED & ZUBEYR
    Raxma

    Raxma Ismaaciil Yaasiin

    afta igu saraysay

     


    Source  Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: