SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Fadhigii Golaha Wakiilada oo Furmay, Saladiinta Dhexdhexaadinta Wada oo Codsaday in la Xidho maanta.

    Posted by Sawnews.tk on September 14, 2009

    golaha-150x150Hargeysa(Bnn)- Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ka furmay subixii hore Xaruntooda Golaha Wakiilada ee Hargeysa.

    Fadhiga oo Jawi caadi ah ku bilaabmay ayay yimaadayn Salaadiinta Somaliland ee Dhexdhexaadinta kaga jiray Muranka Siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha Wakiilada iyo Xukuumada Somalilan.

     Siduu noo Xaqiijiyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada waxay Salaadiintu ka codsadeen Golaha inay Xidhaan Fadhigooda oo ay bari uun furaan iyagoo ku dhex jira Dhexdhexaadintii wali. Sidaa Darteed ay Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkuba isku raacayn in la xidho Golaha oo Bari la isku soo noqdo.

    Salaadiinta Somaliland ee Dhexdhexaadinta wada ayaa isku dayaya inay isku soo dhaweeyaan labada dhinac oo Wada hadal iskugu keenaan ka hor intaan la gudo gali Fadhiga Caadiga ah ee Golaha Wakiilada.

    Fadhiga ayaa ahaa mid Jawi wanaagsan oo aan rabsho wadan dadka ayaa si degan uga dhursugayey mana jirin wax dhibaato ah oo dhacay, Ciidamadii Badana ma joogin Goobta Xarunta Golaha Wakiilada.

    Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa u Balamay Fadhiga Bari.

     

    Borama News

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: