SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudoomiya Golaha Barlaamka oo sheegay in dhibta ay keentay Madaxayne rayaale oo Balankii ka baxay Saaka lana Diiday in uu Golahu Furmo…

    Posted by Sawnews.tk on September 13, 2009

    cabdiraxman-cirro-newoneHargeysa(Sawnews)-Gudoomiyaha golaha wakiilada cabdiraxmaan cabdilaahi ciro ayaa shir jaraa’d oo uu galabta qabtay ugu mahadnaqay dadkii muharaadka sameeyay saaka . hadalkiisiina wuxu bilaabay

    sidan ‘ Marka hore waxan jecelnahay inan u mahadnaqno shacbiga reer somaliland meel kasta oo ay joogaan taageeradii buuxday iyo hiilkii aysiiyeen golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland oo ah golihii iyaga matalayay ee ay soo doorteen ee sida sharci darada ah madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland ku xidhay . waxaad ka war qabtaan shalay in golaha guurtida somaliland ay iclaamiyeen kuna dhawaaqeen anagana noo sheegeeen in madaxweynuhu ogolaaday in shuruud la’aan ah oo nabad galiyo ah uu ku furmo golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland

    Isagoo ka hadlaya Kulankii Salaadiinta iyo waxay isku ogaayeena wuxu yidhi”Waxa nooga dambeeyay xalay in salaadiinta qaarkood ay noo keeneen fure kaaso ahaa furihii golaha iyagoo leh golihiina si nabad galiyo ah buu ku furmi doonaa, Saaka 7 dii waxa ila soo xidhiidhay shaqaalihii golaha oo yidhi waa naloo diiday golihii ‘ xog haymihii golaha oo loo diiday golihii ‘ xildhibaano iyaguna markaasi tagay waa loo diiday, Ka dib waxanu la xidhiidhnay Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo Salaadiintiiba . Gudoomiyaha Guurtidu wuxu noo sheegay warka dambeeyay warka madaxweynuhu ku fasaxay golaha inuuna haynin hasa yeeshee salaadiintu waxay noosheegeen in saqdii dhexe warkii lagu fasaxay golaha in la furo la joojiyay, Xukuumaduna joojisay kaas anagu maanan ogeyn dadkuna waxay kusoo talagaleen nabad galiyo, Dadkana waxa la hadlay Golaha Guurtida iyo Salaadiinta oo u sheegay inay hawshii dhamaatay si nabad galiyo ahna lagu furi doono golihii hasayeeshii warkii in la diiday golaha uu soo baxay markiiba dabadeetana xildhimaanadii ilaa sagaalkii subaxnimo waxay taagnaayeen oo ay nagala soo hadlayeen hareeraha golaha wakiilada dhinaca maaliyada dhinaca dhakhtar ka hareero badan ayay joogeen oo askartu ku horjoogtay.

    Shir gudoon ahaan anagu sagaalki iyo waxoo gaha banu u nimi ilaa labaataneeyo xildhibaan ku dhawaad . dabadeedna waxanu is nidhi si nabad galiyo ah kusoo gala golaha wakiilada  askartu rasaas bay nagu riday waxoogaha dhibaatooyina way u gaysatay askartu waa askartayadii qoryaha ay sitaan waa qoryahayagii anagaa siinay wax dhibaato ah weyn oo askartu geysatayna ma jirin laakiin markii dambe waa ay nasii daysay askartu gudahaanu galnay xildhibaanadii dambe ee naga dambeeyayna waa loodiiday inay golaha soo galaan gaadiid kayagii waaloodiiday inuu soo galo gudaha . Markaa waxan u sheegayna shacbiga reer somaliland Madaxweynuhu wuxu ka baxay ogolaanshihii uu yidhi waan siiyay in golaha la furo . salaadiinta iyo gudoomiyaha guurtidana waanu aragnay saaka waxay noosheegeen inay ka xunyihiin arintaa Madaxweynuhu ku joojiya marlabaad .

    Waxan u mahadnaqaynaa guurtida iyo salaadiinta dadaalka ay muujiyeeen waxanan u sheegayna shacbiga reer somaliland inay u cadahay Cida nabad galyada Xumeenaysa Balantii marku madaxweynuhu ka baxay shacbigii way yimaadeen iyagoon wax rasaasa sidan wax huba sidan ciidanka rasaasta ku furay saxaafadaa joogtay sawiraana laga qaaday caawaydin ka daawan doontan TV ga Halkay rasaasta kor u ridi lahaayeen Dadkay toos u shiishayeen askartu.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: