SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayale, Saleban Gaal iyo Faysal Cali Waraabe oo Rabshadihii maanta Ku eedeeyay ………..

    Posted by Sawnews.tk on September 12, 2009

    1-2Hargaysa (Sawnews)Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayale Kahin oo isla maanta ka hadlay rabsho khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay shirgudoonka wakiilada. Madaxweyne Rayale oo u waramayey idaacada BBCda qaybteeda Somaliga ayaa wax laga xumaado kutilmaamey in caruur ay soo abuubuleen shirgudoonka rabshado kasmeeyaan wadooyinka magaalada Hargeysa. “Waxaan aaminsanahay in aan rabshado Somaliland ubaahnayn, waayo wax wada hadal lagu dhamayn karo in rabshad laga abuuro looma baahna, waxaanan rabshadan maanta dhacday kadambeeyay shirgudoonka wakiilada iyo xisbiga Kulmiye, waxaanan kugu baaqayaa in rabshada la joojiyo oo arimaha wada hadal lagu dhameeyo, dadka iyo dalkana magac xumada laga daayo” ayuu yidhi president Rayale.

    Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay fitnadu inay ka dhalatay muran ka dhex dhashay Golaha Wakiiladda oo ay shirguddooonku koox raaceen taasoo sababtay inay dad ay soo abaabuleen beryahanba buuq abuurayeen, xukuumad ahaana ay gudanayeen waajibaadkooda ilaalinta nabadgelyada ee aanay jirin wax faragalin ah oo ay ku sameeyeen.

     

    Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu sheegay inuu u fidiyay mucaaradka gogol wada hadal mar walbana uu diyaar u yahay balse ay mucaaradku diideen

    Waxa uu shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan, isla markaana waxgaradka iyo aqoonyahanka waxa uu ku booriyay inay dadka la hadlaan oo ay kaalintooda qaataan.

     

    Dhinaca kale gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleban Maxamud Aden (Saleban Gaal) iyo Gudomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si cad rabashadii dhacay maanta dusha uga saarey shirgudoonka wakiilada.

     

    Gudoomiyaha golaha guurtidu Md.Saleebaan Maxamuud Aadan isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray oo yidhi “may ahayn in shacabka durbaan been ah loo garaaco,manay ool meesha wax isu soo bax shacab loo abaabulaa mar haddii aanu annagu is xilqaanay(Golaha guurtida) oo dhexdhexaadinaynay labada dhinac,kuna soo guuleysanay in dibloo furo golaha”.

     

    “Dhexdhexaadintaas aanu isu xilqaanay ee weliba guusha noogu dhamaaday waxa dhegaha ka furaystay kuwa xumaanta wada,ee raba in dalkani burburo,shacabkana ugu baaqay inay isu soo baxaan, burburkay inala rabaan wejigiisii koowaad waa inagaa aragna saaka. Balse in sidaas looga hadho maaha ee waa in sharciga la hor keenaa dhamaan ciddii ay ku cadaato inay abaabushay,in kstoo ayaamahanba qaar ka mid ah masuuliyiinta dalku shacabka kicinayeen,baaqyona warbaahinta u marinayeen oo cadaymahaas oo maqal iyo muuqaal ahba la hayo”.
    Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gebogabeeyey in ragga guryaha hoostooda mu’aamaradaha ka soo maleegayaa iyagu banaanka u soo baxaan, khilaafaad kasta oo jirana miiska wada hadalka  laysugu yimaaddo,shacabkani wuu ka daalay dagaalo iyo colaad,mar dambena u dagaalami maayaan shaqsiyaad danahooda gaarka ah wata.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: