SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo Tanaasul Sameeyey ogoladayna in Golaha Wakiilada la Furo

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    riyaale2Hargeysa(Sawnews)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa aqbalay in la furo Golaha Wakiilada oo Ciidamada Boolisku xidhayn todobaadkan kadib markii ay is faro saarayn Xildhibaanada Goluhu.

    Siday Xaqiijiyeen Ilo ku dhawdhaw Madaxtooyada Madaxweyne Rayaale wuxu aqbalay in xayiraada laga qaado Golaha Wakiilada kadib markii uu kulan fool ka fool ah la yeeshay shirgudoonka Golaha Guurtida, Kulankaas oo labada dhinac kaga wada hadleen sidii xal loogu heli lhaaa khilaafka xoogan ee ka dhashay talaabadii xukuumadu albaabada ugu xidhay xarunta Golaha Wakiilada Somaliland.

    Shirkaas ay Madaxtooyada ku qaatayn Madaxweyne Rayale iyo Shirgudoonka oo uu hogaaminayo Saleeban Maxamud Adan in la dajiyo xaalada dalka lana ilaaliyo xasiloonada dalka sidaa darteedna la furo Xarunta Golaha Wakiilada, taa badalkeedana wuxu Madaxweyne Rayaale ka codsaday Shirgudoonka Golaha Guurtida inay ka hawl galaan joojinta isu soo baxyada dadweynaha ee ay sida wadajirka ah ugu baaqayn xisbiyada mucaaradka iyo Shirgudoonka Golaha Wakiiladu.

    Siday Ilahasi Xaqiijinayaan Shirgudoon Golaha Guuritida ayaa maanta oo Jimce ah u balansan inuu la shiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah si la iskugu dayo in la dajiyo Xaalada Dalka isla markana la baajiyo Banaan baxyada baritoole oo Sabti ah loo balansan yahay.

    Shirarkan ayaa ah kuwii ugu horeyey ee todobaadkii dambe dhaca si la iskugu dayo in xal loo helo Khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Xukuumada iyo Golaha Wakiilada oo ay la jiraan Xisbiyada Mucaaradka ahi, waxayna tani kusoo beegmaysa iyadoo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midodobay u Qaabilsan Arrimaha Somaliya/Somaliland uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa kaas oo la filayo inuu la kulmo Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

    Go’aanka Madaxweyne Rayaale uu Xayiraada kaga qaadayo ayaa u muuqda Tanaasulkii kowaad ee Xukuumadu samayso iyadoo tani noqon karto wada xal looga gaadho Khilaafka Siyaasadeed ee Ragaadiyay Golahayaasha Qaranka.

    Borama news

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: