SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Ould Cabdalla, Daawo Sawirada

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    Sample ImageHargeysa (Sanews)-Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda Qaramada Midoobay, laanta u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.

    Waftigaasi Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Axmed Ould Cabdala oo socdaal gaaban ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaxweynuhu uu kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Somaliland ay u qalanto Qaramada Midoobay inay siiyaan tix-galin gaar ah ulana macaamilaan si gooni ah, gaar ahaan mashaariicda horumarka ah ee dalka ay ka hirgaliso maadaama Somaliland ay ku caanno maashay nabadgelyo iyo xasilooni aan ka jirin gobolo badan oo inagu xeeran.

     Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Ould Cabdalla, Daawo Sawirada

     

    Sample Image   Sample Image

     

     

     

    Sample Image

     

     

    Madaxweynuhu waxa uu waftiga Qaramadda Midoobay si ballaadhan ugu sheegay tixgalinta Somaliland ay ka mudan tahay caalamka intiisa kale isla markaana waxa uu carrabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland ku caanno maashay.

    Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu soo qaaday arrimaha siyaasadda ee dalka ka taagan waxa uu sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay in khilaafka siyaasadeed mar walba ay Somaliland ku dhamaysato is-afgarad iyo wadda tashi sidii caadada u ahayd.

    Mudane Ould Cabdala oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu uga mahad naqay madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbigaba, sida diirran ee loogu soo dhaweeyey Somaliland isaga iyo weftigiisa, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu Somaliland yimaado.

    Mudane Ould Cabdala waxa uu sheegay ” inuu aad ugu faraxsan yahay nabad gelyada, xasiloonida iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland, taas oo uu gaadhsiin doono Qaramada Midoobay golaheeda amaanka iyo hay’adaha kaalmada iyo maalgashigaba ku sameeya waddamada dunida “, Ould Cabdala isaga oo hadalkii sii wata waxa kale oo uu yidhi “waxaanu ka furi doonaa magaalada Hargeysa xafiis cusub oo u qaabilsan qaramadda midoobay dhinaca siyaasada”, iyada oo la kordhin doono shaqaalaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Somaliland, waxa kale oo uu intaa raaciyey “in xafiiskaasi uu noqon doono mid sii ambaqaada taageerada xaga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay ku caawin doonto Somaliland gaar ahaan sugitaanka nabad gelyada xeebaha iyo la dagaalanka argagixisada”.

    Waftigaasi Qaramada Midoobay kulankaa ay saaka la yeesheen madaxweynaha waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale.     

     

     

    Allaa Mahad Leh 

      

    Siciid Cadaani Mooge 

    Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: