SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxda Axsaabta Siyaasada ee G/Awdal Fikirka ay ka qabaan Mafaatiixda lagala Wareegay Baarlamaanka

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    Borama(Sawnews)- Dhawaan markii mudanaaysha golaha Baarlamaanka Somaliland isku faro saaray golaha dhexdiisa, iyaga oo ku muransan laba mooshin oo la soo hordhigay golaha, ayaa wuxuu xaalkoodu gaadhay in ay hub iskula soo baxaan, taas oo ay xukuumadu kaha jawaabtay in ay ka xidho ama mafaatiixda ka qaado xoghaymaha Baarlamaanka, hada fikirka in albaabada loo xidho ayaan wax ka weydiinay gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran ee G/Awdal Ibraahim Aadam Qaalib(Kulmiye) Abuubakar Xuseen Shiine(UCID) C/casiis Xuseen Raage(UDUB). 
     
    Ugu horayn waxaan wax ka weydiinay aragtidiisa gudoomiyaha UCID Abuubakar Shiine wuxuuna yidhi,Arintaas waxaan u arkaa qayra sharci, sharcigii la dhigtay dastuurka ayuu ahaa, golaha baarlamaanku wuu u madax banaanaa shaqadiisa, waxaan qaadanayna waxay ahayd habka asxaabta ee dimuqraadiyada ee ma ahayn cabadhunin, waaa qayra sharci mafaatiixda la qaatay ee la xidhay Baarlamaanka, waa sadexdii gole ee u sareeyay dalka oo mid la xidho. markaa sax maaha waana qalad.
     
    Gudoomiyaha Kulmiye Ibraahim Aadam isna wuxuu ka yidhi Arintaas’,Waxaan u arkaa hayaadkii sharciga ahaa oo Askar loo adeegsaday, waana iyada oo sharciyadii laga baxay lagu kala socday, golihii sharci dajeinta weeyi ee la rabay in xukuumadu kobciso si looga baxo qabiilka, halkan dadkii qabiilka la iska horkeenay ee qaybi oo xukunta ay taladii noqotay xukuumadu, waxay ahayd in ay dhinac kale uga wareegto,.
     
    Gudoomiyaha UDUB C/casiis Xuseen Raage wuxuu isna yidhi ” Mar hadii nabadgelyadii xumaatay oo meeshii hub la iskula soo baxay waa dastuuriyan in la xidhaa, talaabo fiicana way qaadeen maadaama meeshii dhiig dhici gaadhay, dimuqraadiyadana waxba uma dhimayso, waana hayad talaabadeedii qaaday talaabada Boolisku qaaday, si fiican ayaanan u arkaa in la xidho.
     
    Dhinaca ka warqabka murankan siyaasadeed ee ka jira Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaanay jirin cid kale oo ka hadashay dhanka G/Awdal, waxaanad moodaa in ay reer boorama kaga jawaabeen aamus ama ay weli ka dhursugayaan sida ay ku dambayso, waxaanay u muuqdaan in ay iska ilaalinayaan degdeg iyo hubsiimo la’aan in ay ka jawaab bixiyaan, waxaanay kala socdaan Jaraaidka, TVyada iyo Idaacadaha.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: