SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • XADHIG-JIIDKA FOGAADEY XAL MIYAA KU JIRA III? Talo, Tusaaleyn iyo Allah- Tuug by Dr. Elmi M. Nur

    Posted by Sawnews.tk on September 10, 2009

    People%20pulling%20a%20ropeXummadda siyaasadeed ee soomaaliland oo indhaweydba kor u kaceysey ayaad mooddaa iney xuuddudda halbeegga qiyaasaha caadiga ah jiidhey. Moronkii ka dhashey diiwaangelintu wuxuu isu rogey mid xaalad cusub ka abuurey golayaashii qaranka, wakiilladii ummdda ayaa waranka isu tumanaya, badh u xusulduubaya oo ay ka go’antahey in xukuummada xilka laga xayuubiyo iyadoo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin ay doorashadu ku dheeraatey xilli danbena aan diyaar u aheyn iney u samraan, iyo xildhibaano qaar xoog iyo xeeladba gaashaanka u haya, haddey u martana ku mitidaaya in shirguddonkuba booska banneeyo mar haddey dhinac la safteen.  

    Waxey xaaladdu kasii dartey markii xildhibaannadii ummadu xulatey xabbadda isula baxeen, haddii aan xooggagga amnigu xilkooda gudanna maanta warkale laheyn lahaa. Axsaabtu waxaad mooddaa mucaarad iyo muxaafadba iney loolankoodii usoo wareejiyeen dhinaca golayaasha…iyagoo malaha ka doorbidey iney bannaanada booliiska is raacdeystaan, mar haddii ay aqlabiyad ku hoggaaminyaan golaha wakiillada awood aan la dhayalsan karinna waayadan danbe ku yeesheen golihii dhaqanka ee guurtida oo muddo dheer lagu tirinayey inuu garab iyo gaashaanba u ahaa xukuumadihii talada iskaga danbeeyey. Shirguddoonka golaha guurtidu sidii looga bartey kuma dhiirran isu soo jiidka dhinacyada kala maaggan iyo inuu u guntado danta qaranka xilliyadan qallafsan. Malaha sida soo ifbaxeysa  dano siyaasdeed ayuu ka dhex akhriyayaa is afgaranwaaga axsaabta oo sii jiitama, markey fursaddu bislaatona uu ku talo jiraa inuu mansabkiisa distooriga ah ka soo jeesto. 

    Haddaba iyadoo dadaal badani socdo sidii loo dabbaali lahaa, qaddiyadahan ugubka ku ah siyaasadda Soomaaliland, haddana hirdanka iyo kurbada siyaasadeed ee daba dheeraatey markii la eego waxey u muuqataa in si ku talogal ah ammaba indhasaab ah, looga leexleexanayo in la abbaaro boogta dhabta ah ee mashaqadu kasoo burqaneyso. Marka hadafku dhaafsan yahey xal doon oo ay danaha siyaasdeedna ka durugsanyihiin dawo raadin, iyo in la soo celiyo caafimaad guud, waxay arrimahani horseedi karaan halis baaxad leh, shaki, kalsooni darro iyo burbur aan qiyaas lahayn. Sikastaba ha ahaatee waxaa layaab leh sida ay isu seeggan yihiin xadhigjiidka awoodeed ee ka dhex aloosan golayaasha qaranka iyo dabiicadda caqabaddan naafeysey geeddi socodkii siyaasadda Soomaaliland. Markaad u fiirsatona waxaa kuu soo baxaya inaan diyaar loo aheyn in si dhab ah loo abbaaro xal u helidda mashaqadan siyaasadeysan. 

    Sida la wada ogsoon yahey, in badanna la sheegey  dhibaatada waxaa sal u ah fashilka isdaba joogga ah ee astaanta u noqdey kooxda ku magacaaban guddiga doorashooyinka. Iyagaa guddigani mas’uul uga ahaa diwaangelinta, iyaga iyo ciddey farsamo ahaan u wakiisheen ayaa majaro habaabisey mashruucii maalka iyo tamarta badan loo hurey ee diiwaangelinta. Taas waxaa kasii weyn iney qaddarin kari waayeen qiimaha aan la kabi karin ee ay dalka ugu fadhido doorashada oo ka baaqsata waqtigeedii loo xaddiddey. Sidaas oo ay tahey wali uma muuqdaan niman dhinacooga dhalliisha loo soo jeedinayo iyo dhibka ay horseedeen garawsan. Go’aannadoodu waa kuwo ka madhan xikmaddii iyo miisaankii looga baahnaa mansabka iyo magaca ay huwan yihiin. Saddex jeerbey muddeeyeen iney doorashada ku qaban karaan, markaley dibu dhig aan wakhti laheyn dalbanayaan. Dhawaan ayey si aan laga fiirsan u laaleen diiwaan gelintii, maantey sheegayaan in wixii hore laga noqdo, diiwaan gelinna lagu galo doorasho aan wakhti laheyn. Waxey madaxa isu geliyeen golaashii qaranka, waxeyna ku ciyaareen caadifada shacabka iyo taageerayaash axsaabta. Lama odhan karo  komishan doorasho, balse waxey taariikhdda ku xusi doontaa ‘komishankii kadeedka Soomaaliland’. Waxaase nasiib darro ah in mushkilad la xallinkaro loo rogo, awood muquunin ka aloosanta goloyaasha dhexdooda oo horseedi sida maanta taagan  natiijooyin aan la mahadin iyo masiibo qaran.

    Xalku kuma jiro in xukuummadda ammaba shirguddoon gole xilka laga qaado, waayo haddiiba shiddaadeeda laga badbaado waa in doorasho loo soo noqdaa, halkaas oo ay kugu sugayaan guddigii kadeedka oo aaney waxba u kordhin, sheekaduna sidii caadada aheyd ay giraangir tii ku wareegto, sheekadu waxey u egtahey ‘cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo’. 

    Waxaa iyana xasuus mudan oo dhibka jira qayb ka ah, qaabka la isugu toley doorasho iyo diiwaan gelinta codbixiyayaasha, dal aan la aqoonsaneyn dadkiisuna wali laheyn jinsiyad dhalasho, ammaba aqoonsi waddaninimo, dal aan xuduuddiisu wali sugneyn ammaba la ilaalin karin, dal xeerarkiisa doorasho ammaba distoor wali qabyo yihiin. Mashruucan diiwaan gelinta waxaa lafuliyey iyadoon la abuurin nidaamkii, agabkii iyo farsamadii lagama maarmaanka u aheyd in la dhiso kayd iyo hanti ma guurta ah oo qaranku leeyahey, sidaa darteedna xogtii ummaddu waxey baylah u noqdeen cidkasta oo ay dani ka gasho adeegsigeeda. 

    Sidaa darteed waxaan talo ahaan u usoo jeedinayaa aniga oo Rabbi weyno ka baryaya inuu maanka iyo miyirka innoo dhowro, xalka  mushkiladdanna inna waafajiyo. 

    • In golayaashu qaranku xikmadda iyo caqliga usoo noqdaan oo ay horta soo celiyaan kalsoonidii iyo wadajirkii golayaasha oo haddii aysan gudan karin waajibaadka ka saaran isu soo dhaweynta axsaabta iyo dhinacyada siyaasaddu ka dhaxeyso, ayna ka gudbaan iney iyagu mushkilad hor leh noqdaan ku noqdaan geeddi socodka nabadda.

    • In la casilo guddiga doorashooyinka gaar ahaan xubnaha ka mas’uulka ah fashilkan is daba joogga ah ee dalka u horseedey jahawareerka siyaasadeed. Baddalkoodana degdeg loo soo magacaabo xubno dalkan sabata bixin kara oo fahmaya masuuliyadda ay xambaarsan yihii baaxaddeeda.

    • In diiwaangelinta loo raadsho khubaro madax bannaan oo ka talo bixiya, tayadeeda, haddii la adeegsan karo ammaba, la sixi karo, iyadoo la eegayo baahida loo qabo in doorasho xor ah oo xalaala ahi muddada ugu gaaban ee suuragal ah ku qabsoonto.

    • In la dhiso xafiis qaran oo ilaaliya hufnaanta diiwaangelinta iyo jinsiyadda muwaaddinka iyo agabkii lagama maarmaanka u ahaa keydinta xogta ummadda.

    • In wada jir looga tashado sidii wakhti kama dambeys ah loogu xaddidi lahaa wakhtiga doorashada, taasi oo aan ku qaydneyn diiwaangelin iyo sababkale oo dib u riixi karta. Iyaddoo maanka lagu hayo in doorashooyin kalena dalku galayo, in la iswaafajiyona ay habboontahey.

    • In laga digtoonaado falkasta oo dhaawici kara, nabadgelyada, midnimada iyo danta guud ee ummadnimo. Sidaa darteedna, sida shacabka soomaliland dhaqanka iyo astaanta u aheyd isu tanaasul, wada xaajood iyo heshiis lagu doono dankasta oo siyaasadeed iyo wax kasta oo taabanaya masiirka wadareed.

    • Waajibka ugu weyni wuxuu saaran yahey xukuumadda talada haysa, dibu dhaca doorashooyinku sababkasta ha ku timaaddee waa mid lumineysa misdaaqiyaddii dawladnimo, magac xumana ku ah hoggaanka dalka. Waa in xukuumaddu si hagar la’aan ah ugu hawlgashaa in doorasho xalaal ahi qabsoonto.

    Waxaan ku soo gunanadayaa maanso gaaban oo ka dhalatey damqashada xaaladda walwalka leh ee ay abuureen golaayaashii iyo guddiyadii loo cimaamadey iney dalkan badbaadiyaan kuna hagaan nidaam hannaan dawladnimo. Waxaan Rabbi weyne ka baryayaa inuu dadkeenna iyo dalkeenna sabota bixiyo. 

          

                                                        Damqasho iyo Duco (Maanso gaaban)

    Ayaamahani  doorka ah

    Darajadiyo khayrka leh

    Dadku soomman yahey wali

    Duco iyo baryo Ilaah

    Dareenkeyga kucabbirey

    Danqashiyo xasuusba leh

    Inuu Daa’imku aqbalo

    Aammiinta igu dara! 

    Rabbow waannuu daallee

    Daymadaada naxariis

    Rabbow waan danbaabnee

    Cafis iyo dulqaatkaa

    Rabbow waan dullownee

    Darajo iyo sharafkaa

    Rabbow waan dayownee

    Dariiqaaga nagu beeg 

    Rabbow samaha noo door

    Naxariista nagu deeq

    Dhulkoo doogle oo negi

    Rabbow doobir iyo nabad

    Degaankeenna gabigii

    Inaa diinta lagu hago

    Qabsadaan distoorkiyo

    Sharcigeenna doorka ah

    Rabbow samo ku daadihi

    Oo wanaagga daahiri

    Khayrku uu dillaacaa

    Baadil duugmo ow gudho

    Da’da soo koreysana

    Dawladnimo habboon oo

    Daacad lagu hagaayoo

    Diricyada hanuunkiyo

    Duceysane hogganshaa

    Iney samo ku doortaan 

    Waa duni wareertee

    Kuwa danaha shaydaan

    U dillaala nacabkee

    Hurinaaya dacartiyo

    Kuwa daabka gudumada

    Degta waranka loo sudhey 

    Kuwo diiday noloshee

    Darxumada ku faannee

    Dirirta u hamuun qaba

    Daa imow Allahyow

    Darbi xoogleh naga saar 

    Dabinnada cadaawaha

    Iyo dulin kunoolaha

    Dabaylaha dhacaayee

    Duufaanta soo wada

    Dugsi nabada Eebbow 

    Ta hareerta naga dadab

    Inta samada duushiyo

    Ta dulsaaran naga hay

    Inta hoose ee dadan

    Inta duugan naga kori

    Dib intii ka iman iyo

    Ta danbeeto naga reeb

    Inta dariska joogtee

    Dubaneysa jaarkiyo

    Ta horreysa naga didi

    Inta duuban wali iyo

    Inta daadsan naga dhowr

    Inta badaha dega ee

    Maraakiibta daban iyo

    Inta daadku soo sido

    Balaayada dawaafka

    Ta ordeysa naga dabar

    Inta  docaha jiiftee

    Dugsaneysa nacaskee

    Laga hagayo debedaha

    Inta daranba naga qabo

    Wixii naga dahsoon iyo

    Wixii dunida  la ogyahey

    Rabbow waanu dagannee

    Dayrkaaga nagu xeer 

    Daa’imow Allahayow

    Waxkastoo aad doontaba

    Adaan taadu daahine

    Deeqdaada Eeebbow

    Duceynee naga ajiib.

    (Talo, Tusaaleyn iyo Allah- Tuug)

    Qore: Dr.Elmi M. Nur

    g.nurelmi@gmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: