SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Saleebaan Gaal oo u Faadhumaysanaya in uu Talada Dalka la Wareego iyo Jawaabta laga Filayo Xukuumadda

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    saleebaan-150x150Hargeysa (Sawnews) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa u Faadhumaysanaya ama isu diyaarinaya in uu Talada Dalka la wareego hadii Xisbiyada Siyaasadu ay heshiis mida gaadhi waayaan inta ka horaysa xiliga loo qoondeeyay in la qabto Doorashada Madaxtinimada ee 27 ka Bishan September.

    Sidaa waxa laga dareemay Go’aano muhiim ah oo uu soo saaray Goluhu shalay iyo Waraysi uu Gudoomiyaha Guurtidu siiyay Laanta Afsoomaliga ee BBC da, kaas oo uu si cad ugu sheegay in hadii ay heshiis gaadhi wayaan Xisbiyadu aanu Goluhu ka waabanayn in uu qaato awoodiisa Dastuuriga ah, isla markaana waxa uu sheegay in Madaxwaynahu marka arrimahan laga hadlayo uu yahay Musharax Xisbi , Awoodihii Dawladnimana uu iska dhigayo.

    Sidoo kale waxa uu Waraysigiisa ku cadeeyay in aanu aqbali doonin Go’aamo lagaga keeno Dibada oo ay wadaan Dawladaha ay ka mid tahay Itoobiya iyo Qaadhaan Bixiyayaasha oo uu sheegay in ay iyagu go’aanka iska leeyahin.

    Tuhumadani waxay soo baxeen markii shalay wakhti isku mid ah Labada Gole ee Barlamaanka Miiska la soo wada saaray Mooshin iyo Go’aan ujeedadiisu tahay sidii talda looga tuuri lahaa Madaxwaynaha loona bad baadin lahaa muranka Siyaasadeed ee Dalka ka oogan, taas oo u muuqata in ay meel marayso Dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Mucaaridku ay ku adkaysanayeen mudooyinkii dhawaa ee uu socday Muranka Siyaasadeed.

    Mar ay  BBC du arrimahan wax ka waydiisay waxa uu ku jawaabay sedan:-

     “Dadaal waynu lawada imanaynaa maaha uun Golaha Guurtida oo qudha xukuumadii ayaa joogta awooda Dastuuriga ee ugu wayni waa xukuumada, xukuumadu waa inay u aragtaa  danta qaranka danteedana halkaa iska dhigto, kuraastana waa la helaa waana lawaayaa waxaa jirayaa waa  qaranka xukuumaduna waa inay u aragtaa danta qaranka inay meesha u fadhido taa inay nagu hogaamiso weeye anaguna aanu wax kula qabano anugana ku  shaqayno hadii aanu guurtidii nahay iyo golahan kale ee aad ka dayrinaysaanba anagu waxa weeye dantii qaranka inaanu adeegnaayoo kursibaa hebel doonayey ama Xisbi hebel doonayaa amba madaxweyne doonayaa maaha Madaxweynuhuna… maanta waa musharax Xisbi oo Madaxweynanimo doonaya, awoodihii Dawlada halkaasi ayaa lagaga imanayaa, marka arrimahan oo kale go’aan laga gaadhayo madaxweynaha iyo xukuumadiisuna sidaa ha  u aragto”

    Jawaabtan ayaa ilaa Xalay Dadku si wayn wax iskaga waydiinayeen iyada oo ka dhex dhalisay Doodo kala duwan oo ku saabsan waxa ay damacsan yahiin Golaha Guurtidu, gaar ahaana Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

    Doodaha ugu culus ee ay kaga jawaabayeen Su’aasha Saleebaan gaal la waydiiyay ayaa Dadka qaarkii waxay isku xidhayeen in uu Xidhiidh ka dhexeeyo Mooshinka Maamuus ka Xayuubinta Madaxwaynaha ee Golaha Wakiilada iyo Qodobka 94aad ee Dastuurka oo uu Saldhig u yahay Go’aanka Saddexaad ee ay Golaha Guurtidu Shalay Ansixiyeen, taas oo keeni karta in uu Saleebaan si fudud ugu boodo Madaxtinimada Dalka oo uu u qabto si ku meel gaadh ah inta la qabanayo doorashooyinka,taas oo meesha ka saaraysa Dooda kale  ee ah in ay noqon doonto awooda saddexaad ee Dastuuriga ah ee Golugu leeyahay in ay noqoto Qodobka 83aad oo si cad u qeexaya Golaha Guurtidu in ay Korodhsiimo u samayn karaan Xukuumada talada haysa oo ay ku lamaan yahiin Duruufo uu Dastuurku cayimay. 

    Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa u diyaar garowday sidii ay uga hortagi lahayd halistan soo waajahday, waxaana la filayaa inay jawaab degdeg ah ka bixiso, iyadoo ay wararku sheegayaan in maanta la filayo inuu shir-jaraa’id qabto wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Xuseen Cali Ducaale

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: