SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Distoorka Somaliland iyo Shuruuda Adag ee uu ku Xidhay Maamuus ka Xayuubinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenka

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    big questionDistoorka Somaliland iyo shuruudaa adag uu ku xidhay maamuus ka xayuubinta madaxweynaa iyo kuxigeenkiisa

    Sida aynu la wada socono waxaa lasoo hordhigay golaa barlamaanka mooshin maamuus ka xayuubin Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa kaas oo lagu tuhmayo madaxweynaa iyo kuxigeenkiisa khiyaamo qaran iyo inay khilaafeen distoorka waxaana saxeexay 38 mudane isla shalayna waxaa loo gudbiyey lataliyaa sharciga barlamaanka hadaba su,aashu waxay tahay waa maxay shuruudaa distoorku ku xidhayo si khiyaamo qaran ama khilaafid distoor xukunkiisu ugu dhaco madaxweynaa iyo kuxigeenka.

    Si hadaba aan arintaa isu dultaagno waa in aynu isweydiinaa su,aalahan .

    • maxukunbaa lagu ridayaa mise codbaa loo qaadayaa si jagada madaxweynaa iyo kuxigeenka ay u baneeyaan ?
    • sanadka u danbeeya iyo sanadka u horeeya ee madaxweynaa mabanaantay in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo?
    • Kaalinta uu ku leeyey Golaa guurtidu maxuu yahay?
    • Kaalinta ay kuleeday maxakamada distoorku maxaytahay?
    • Hadii xukunkaasu dhaco oo danbigu ku cadaado labada xubnood ee lagu soo oogay yaa xilka qabanaya ?

    Su,aalahaa ka jaawaabistooda inteynaan u galin waxaan rabaa in aan wax yar kataabto qodobka u baneynaya Golaa Barlamaanka in uu maamuus ka xayuubin ku soo oogo Madaxweynaa iyo kuxigeenkiisa qodobkaas looma dhigin inuu noqdo mid marwalba leyskaga hadaaqo waxaana muuqata in Barlamaankan iyo kiihoreba ay qodobkan ka dhigteen mid lagubedelo hogaanka dalka oo lagadhigo mid siyaasiya waxeynu ognay in distoorka oo ay waxyari kasoo wareegay dajintiisa in lagu soo oogay madaxweynii hore ,Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal maamuuska xayuubin iyadoo arinka siyaasi laga dhigayo qodobkuna waa qodob ciqaabeed ee maha qodob siyaasiya sidaa darteed dhaqdhaqaajintuusu maaha mid sahlan qodobkana waxaa u dhigma qodobaka 56 ee distoorka kaas oo awood u siinaya Madaxweynaa inuu kala diri karo golaa barlamaanka se arinkaa shardi adagbaa lagu xidhay oo ah in kala diridiisaa lagu ogolaado afti shacbi oo ay qaban qaabineyso Maxakamada sare sidaa darteed isna uma banaana inuu isagoo ka duulaya dana siyaasadeed in uu qodobkan adeegsado ee waa,in uu ka dulaa danguud ee anuu ka duulin dangaara haduu ka duule se dangaara waxaa lagu dabray aftida shacbiga oo maxakamada sare gacanta loogaliyey in ay qaban qaabise si,aanuu isagu natiijada siduu doono ugu dhigin taas oo kadhigaysa adeegsiga qodobkaa mid ku dhow mustaxiil marka la eego hantida kubaxaysa.

    Sidaasoo kale ayaa qodobka 96 ee xaqa u siiyey barlamaanka maamuus ka xayuubinta madaxweynaa iyo kuxigeenka uu u adagyey fulintiisu gacma badan oo golaa kabaxsana ay faraa la soo galayaan taas oo loola jeedo in aan qodobkan siyaasad loo adeegsan .

    Hadaan hadaba su,aalaheena mid mid u soo qaadano bal,aan ku horeyno habkee ayey u dhacaysaa maamuus ka xayuubintu sida uu dhigayo qodobka 96 waxaa lagu soo oogi karaa madaxweynaa iyo kuxigeenka maamuuska xayuubin kolka lagu soo eedeeyo Khiyaamo wadan iyo distoorka oo ay khilaafaan waxaana dacwadaas u soo gudbinkara gudoomiyaa Barlamaanka sadexmeeloodow meel xubnaa Barlamaanka Barlamaankuna wuxuu ku ogolaanayaa cod haldheeriya intaa kadib barlamaanku wuxuu u wakiilanayaa xubno kamida barlamaanka oo aan ka badneyn toban in ay dacwada kusoo oogaan madaxeynaa iyo ku xigeenka waxaana u banaan in ay Loyaro madaxbanaan ka caawiyaan dacwada ,intaa kadib fadhi ayaa looqabanayaa golaa Guurtida uu hogaaminaayo Gudoomiyaa maxakamada sare kulankaa ayaa Golaaguurtidu ku ogolaanayaa tuhmadaa in lagu oogo madaxweynaa iyo kuxigeenka wana in ay u codeeyaan golaa sadexmeelood kolka loo qeybiyo laba meelood intuhmada lagu qaado hadii codkaa codkayar ay ogolaadaan tuhmadaas lama qaadayo halkaas ayaaney ku baaba,aysaa lakiin hadii labameelood golaa guurtidu ogolaadaan kolkaa waxaa madaxweynii iyo kuxigeenkii laga qaaday xasaanadii uu lahaa waxaana u banaan in Maxakamada sare dacwada dhageysato xukunka ay ridaana lagu kala baxayaa oo noqonaya in madaxweynaa iyo kuxigeenkuba galeen danbiga lagu soo oogay iyo in mid kood galay iyo in danbiga anaay galinba sidaa darteed hadii danbigu ku cadaado labadoodaba waxaa xilkii Madaxweynaa qabanaya Gudoomiyaa golaa guurtida lakiin hadii midkood ku cadaado labadooda mid koodna aanuu danbigu ku cadaan kaas anuu kucadaan ayaa howsha sii wadaya haduu noqdo madaxweyna kuxigeenkana waabuu sii dalacayaa oo jagadii madaxweynaa ayuu buuxinayaa ku xigeenka buuxintiisan waxa loo raacayaa sida distoorku dhigayo hadii madaxweynuu beri noqdana buuxinta jagada kuxigeenka wuxuu u raacayaa sida uu dhigayo distoorku.

    Su ,aasha labaad ee ah maxukunbaa lagu ridayaa mise cod baa loo qaadayaa waxaa inooga jawaabaya qodobka sheegaya sida jagada madaxweynaa iyo kuxigeenku ku banaanaankarto oo ah qodobka 86 ee distoorka oo sidan u dhigan wuxuu bananaankaraa xilka madaxweyna iyo kuxigeenku kolka xaladahani kuyimaadaan labadoodaba ama midkood :

    Xukun ciqaabeed oo ku dhaca.

    Xilgudasha la,aan caafimaad daro darteed.

    Dhimasho kutimaada.

    Istiqaalad ay soo gudbistaan oo labada gole ka ogolaadaa .

    Faqrada u horeysaa ee ah xukunciqaabeed oo ku dhaca waxaa loola jedaa hadii maamuus ka xayuubin lagu soo oogo waxana Garankaraa cida xukun ciqaabeed ridi kartaa waa maxakamada siduu u dhacayana xaga saraan ku soo sharaxnay.

    Su ,aasha sadexaad ee ah mabanaantay sanadka kowaad iyo ka u danbeeya ee madaxweynaa in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo jawaabta waa haa oo la midnoqonmaayo sida qodobka 56 ee faqradiisa todobaad ay leeday mabanaana in lakala diro Barlamaanka sanadka u horeeya iyo sanadka u danbeeya waxaana qodobkaa loo soo qadan Karin waxaa jirta in qodobka 89 uu leeyey hadii ay dhacdo xaalada kuxusan qodobka 86 waa kaan korkusoo sheegnee sadexda sanee u horeeya oo ay madaxweyna ku dhacdo waxaa xilka qabanaya kuxigeenka isagoo ah madaxweyne ku meel gaadha lixbiloodna waxaa lagu dooranayaa madaxweyne waxaakaluu leyey qodobkaasu hadii xalada kuxusan 86 ay dhacdo labada sanee u danbeeya waxaa madaxweyne dalka ka noqonaya kuxigeenka waxanuu barlamaanka kasoo saarayaa madaxweyne ku xigeen .

    Su,aasha afraad ee ah kaalinta uu kuleeyey golaa guurtidu arinkan waxaa inoo cadeynaya Qodobka 96 faqradiisa sadexaad oo xaq u siineysa in uu leeyey awooda xasaanad ka qaadida madaxweynaa iyo kuxigeenka si xukunloogu rido waxaanuu kaga qaadayaa cod ah sadexmeeloodow laba meelood ,waxaana halkaas ku hoosjira xaqa diidida in madaxweynaa laga qaado xasaanada si dacwad loogu oogo .

    Su,aasha shanaad ee ah kaalinta ay kuleeday maxakamada distoorku maamuuskaxayuubinta waxaa inoo cadeynaya Qodobka 96 faqradiisa sadexaad oo sheegaysa in kulanka ay isugu imanayaan golaa guurtidu si ay u ogoladaan tuhmada ay soo jeediyeen golaa Barlamaanka in uu gudoominaayo Gudoomiyaa maxakamda sare hadii xasaanada laga qaado madaxweynaa iyo kuxigeenka ama midkoodba wuxuu gudagalayaa in uu xukunkii sidii uu u soo saarilaahaa bilaabo oo ah in danbigaasu uu jiro iyo inaanuu jirin taas oo ka dhigan hadaanu jirin in madaxweynuu iyo ku xigeenku xilkii sii wadanayaan .

    Su aasha lixaad ee ah hadii xukunkaasu dhaco yaa xilka qabanaya waxaa inoo sheegaya qodobka 89 faqradiisa afraad oo leh hadii xaaladaa kuxisan qodobka 86 ee ka hadlaya bananaashaa xilka madaxweynaa iyo kuxigeenka marqudha labadooda ay kuwada dhacaan xaaladaa kuxusan Qodobka 86 waxaa xilka qabanaya Gudoomiyaa golaa guurtida waxaana lagu dooranayaa madaxweyne iyo kuxigeen mudo lixdan cishi guda hooda .

    Gebegebedii waxaa halka akhristow kaga muuqda sida loo adkeyey qodobka maamuus ka xayuubinta madaxweynaa iyo kuxigeenka dhinacakalana waxan aragnay inkastoo aad aaneynaan isu dultaagin sida loo adkeeyey kaladirida golaa Barlmaanka oo ah Seefta loogaliyey gacanta awooda fulinta halka Seefta maamuuska xayuubintana gacanta loo galiyey golayaasha sharci dajinta hadaba si,aanay labadaa Seefood damacrag anay u noqon ayaa caqabada badan la hordhigay oo labada qodoba gacanta loogaliyey maxakamada distoorka iyo shacabka sidaa darteed waxaa layaable dadka qodobkan maamuuska xayuubinta afka ka dhigi la miyaaney ogeyn caqabadaa horyaal iyo inaanu aheyn wado loo maro kursi ee uu yahay qodob Ciqaabeed.

    Abdillaahi Nuur Hassan

    daallo@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: