SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UDUB oo ka hadlay sababta uu u hakiyay Ololihii Doorashada ee uu ku kaliyaystay

    Posted by Sawnews.tk on August 30, 2009

    ololaha3Hargeysa (Sawnews)- “Qofka la soo doortay waa in uu marka hore Ilaahay daacad u ahaado, marka xigta Shacabka, marka xigtana ciddii soo dooratay. Markaas ayuu qofku u imanayaa oo uu odhanayaa waxa I soo doortay Xisbi hebel oo aan ka soo baxya. Shirguddoonka Golaha ayaa laga doonayaa in uu 82-ka Mudane ee golaha ka dhex abuuro dano midaysan.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka hadlay sababta Xisbigoodu u hakiyay Ololihii Doorashada ee uu hore ugu kaliyaystay iyo khilaafka soo kala dhex galay Mudanayaasha Golaha Wakiilada.

    Hoggaanka sare ee Xisbiga oo xalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa Shirguddoonka Golaha Wakiilada ku eedeeyay khilaafaadka ka dhex aloosan Mudanayaasha Golaha. “Waxay gaadheen in Liiskii Beenta ahaa ee Zamora (Liiska Diiwaangelinta ee Interpeace soo saartay) ay yidhaahdaan waa sax” ayuu yidhi Cali-Gurey. Afhayeenka UDUB waxa kale oo uu xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay maleegayaan wax uu ku tilmaamay shirqoollo dahsoon. “Waxaan Umadda uga digayaa Shirqoollo qoolan oo laga wado Xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Cali.

    Afhayeenka UDUB waxa uu ka hadlay aragtida Mucaaradka ee ah in talada dalka loo dhiibo Dawlad Doorasho gaadhsiisa dalka hadii aanay Doorashadu waqtigeeda ku qabsoomin. “Golaha Deegaanka waa la doortay, suurtogal miyay tahay in la yidhaahdo soo dareera waxa idin bedelaya dadka Suuqa laga keenaye? Waxaanu leenahay, in qof Suuqa laga keeno waxa ka wanaagsan in Codadka lagu guro Sanaaduuqda sidii Daahir Rayaale, Axmed Yuusuf iyo Cabdiraxmaan-Cirro lagu doortay. Kulmiye ayaa diiday oo aan Doorasho doonayn.” Ayuu yidhi Cali-Gurey.

    Mar uu Afhayeenku ka hadlayay Isu-soo-baxyo dalka ka dhaca, waxa uu sheegay in aanay Xukuumaddu awoodin in dalka la keeno Booyado Biyo ah oo lagaga hortego sida dunida ka dhacda, waxaanu yidhi, “Inagu ma haysano Booyado Biyo ah oo lagu kala dareeriyo dadka, balse waxaynu haysanaa Xabbad nool, Ciidankeenuna tababar badan ma lah..Waxaan shacabka leeyahay, yaan nabaddiina laydinka xumayn.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay (Mucaaradka) Sanduuq iyo Warqad baynu dadka xaq ugu leenahay ee ha laga daayo dhibta.”

    Cali-Gurey waxa uu ka hadlay sababta Xisbigoodu u joojiyay Ololihii Doorashada ee uu ku kaliyaystay. “Waxaanu u hakinay oo aanu hoos ugu dhignay, maadaama hadda lagu jiro waqti xasaasi ah.” ayuu yidhi Cali-Gurey.

    Intaa ka dib, Warbaahinta ayaa halkaa su’aalo ku waydiisay Masuuliyiinta Xisbiga UDUB.

    S: Eedaymaha aad u jeedisay xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee ah in ay maleegayaan shirqoollo, maxaad ku caddaynaysaa?

    J: Cali-Guray: Horta, Adigu C.I.D (Dembi-baadhe) ma tihid inaad I tidhaahdo caddee maaha. Sideedabana, dagaalku wuxuu ka dhashaa khilaaf laga heshiin waayay, waxaanu keenaa Dagaal sokeeye. Waddada halkan lagu socdaa ee la gaadhi karaa waxa weeye, belaayo Mijjo la qabtay leedahay ee Madax la qabto ma laha. Waxaan leeyahay, haddaan Baarlamaanku heshiin ama Doorashada laysku af-garan, waxa dhaca Gacan-ka-hadal iyo dagaal.

    Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: