SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo la Kulmay Safiir-ku Xigeen Ingiriiska u Fadhiya Addis-Abba

    Posted by Sawnews.tk on August 30, 2009

    rayaale1-150x150Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu xafiiskiisa
    ku qaabilay ku xigeenka denjiraha safiirka Dawladda Britain u fadhiya
    Itoobiya Mr John Marshall.

    Madaxweynaha JSL iyo safiir ku xigeenka Ingiriiska Mr Marshall, waxa ay
    ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadda ee
    JSL, nabad gelyada iyo geedi socodka dimoqraadiyadda ee Somaliland ay ku
    caano maashay.

    Mr Marshall waxa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho haya’ddo
    kale oo ay ka mid yihiin Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta
    Siyaasadda ee Qaranka.

    Madaxweynaha JSL Mudane Daaahir Rayaale Kaahin iyo safiirka safaaradda
    Ingiriiska ee Addis Ababa Mr Marshall waxa ay ku heshiiyeen in kulan dambe
    ay yeelan doonaan berrito si ay u sii ambaqaadaan wada hadaladii maanta
    dhex maray.

    Alla Mahad leh

    Siciid Cadaani Mooge
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: