SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hawlgalka Ciidamada Dowlada ee Aaga Ceelbardaale Maleeshiyaadna Qabqabtay

    Posted by Sawnews.tk on August 30, 2009

    ciidankaCeelbardaale(Sawnews)- Ciidamada Dowlada ee ku sugan aaga Ceelbardaale ayaa Hawlgal balaadhan ka sameeyay deegaankaas si ay uga nadiifiyaan maleeshiyo Beleedka halkaas ku sugan.

    Hawlgalkan ayey Ciidamada Dowladu ku qabsadayn inta Badan deegaanada ay ku dhuumaalaystaan Maleeshiyaadka Beesha Gabiley iyadoo la burburiyey dhamaan gabaadyadoodi, waxayna Ciidamadan oo u Badan kuwa bariga Baki ay ku guulaystayn inay halkaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka oo noqday wax la qabtay iyo wax cararay.

    Wararku waxay intaa ku daryaaan in Ciidanka Dowlada ay Hadda fadhiyaan Barahii ay hore u fadhiyeen Maleeshiyaadka Gabiley, waxana warar aan la xaqiijin Sheegayaan in Ina Raage oo ahaa Abaanduulaha Maleeshiyaadka Gabiley ciidamadu Gacanta ku dhigayn halka warar kalena ay sheegayaan inan isaga la qaban.

    Ina Raage oo ah Udub-dhaxaadka Maleeshiyaadka iyo ninka inta badan abaabula Ciidankaas ee maalgalinta dhinaca Hubka iyo Mooralkaba isagu siiya ayaa haddii ay dhaboodo in gacanta lagu dhigay ay noqonaysa Guul ay gaadhayn ciidanku iyadoo dad badan filayaan in haddi ninkaas la qabto ay xaaladu caadi kusoo noqon doonto.

    Hawlgalka Ciidanka Dowlada ayaa kusoo beegmay iyado Shalay uu Dagaal yari dhexmaray Labada Ciidan Beleed aaga Ceelbardaale kaas oo markii dambe ciidanku ku guulaystayn inay joojiyaan oo kala dhexgalaan.

    Borama News Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: