SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • August 28, 2009 Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ah Golaha Wakiiladda Professor Miigane Oo Shir Guddoonka Ku Eedeeyay Sharci Daro

    Posted by Sawnews.tk on August 29, 2009

    golaha-150x150Hargaysa(Sawnews)Guddoomiyaha Guddida joogtada ah Golaha Wakiiladda professor Miigane oo shir Guddoonka ku eedeeyay sharci daro inay tahayAnshax marinta ay sameeyeen
    Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Professor Max’d Barkhad Miigane oo shir jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegay Anshax marinta shir guddoonka Golaha Wakiiladdu ay ku qaadeen lix xildhibaan oo lagu eedeeyay inay golaha qas ka sameeyeen inaanay xaq u lahayn talaabadaa inay qaadaan ee ay tahay shaqad guddidooda meel ay ku go’aamiyeen arrintaasna aanay jirin
    guddoomiye miigane waxa uu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ka hor imanaysa xeer hoosaadka golaha wakiiladda isla mar ahaantaana muujinaysa inay shir guddoonku awoodoodii awood ka baxsan u isticmaalayaan waajibaadkii goluhu kala lahaa sidaas daraadeed waxa uu shirguddoonka u soo jeediyay inay ka noqdaan go’aankooda
    dhinaca kalena toddoba Xildhibaan oo lix kamid ahi ay yihiin xildhibaanada shirgudoonku ku qaadeen anshax marinta ayaa iyana maanta falkaas ku tilmaamay mid aanay aqbalayn, waxaanay sheegeen inay golaha imanayaan isla markaana aanay aqbalayn in ninkii qaybta ka ahaa rabshada ee ka soo horjeeday ee xildhibaanka ahaa isagii awood ugu sheegto inuu anshax marinayoo isagoon isagiiba shirguddoonku talaabo ka qaadin
    sidoo kale waxa ay sheegeen inay talaabada shirguddooonku qaaday ay ka horjeedo xeer hoosaadka golaha, aanay wadayaan hadafkooda ilaa bay yidhaahdeen shirguddonku ku soo noqonayo wada shaqaynta xildhibaanad
    xildhibaanadani waxa ay walaac ka muujiyeen wadada uu ku socdo golahoodu, oo ay sheegeen inuu dalka u horseedi karo fawdo sidaas darteed waxa ay ugu baaqeen Hay’adaha kala duwan ee qarnku inay soo faragaliyaan sidii xal loogu heli lahaa xaalada murusan ee golahooda ka dhex aloosan

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: