SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudidda Guurtida ee Xalinta Khilaafka Dalka ka Aloosan oo Xalay Kulankoodii u Horeeyey Yeeshay

    Posted by Sawnews.tk on August 28, 2009

    Hargeysa (Sawnews) Guddida Golaha Guurtida ee uu Goluhu u saaray Xal u helida Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka ka taagan  ayaa Xalay Kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Guriga Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

    Kulanka Xalay Gudida Xildhibaanada ah ee Golaha Guurtida uga bilaabmay Guriga Gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu ahaa Kulan hor dhac ah oo ay Mudanayaashu ku lafa gurayeen sidii ay u waajihi lahaayeen Arrinta Dalka ka taagan iyo sidii ay isula fahmi lahaayeen halka ay wax ka bilaabayaan, kulankaasi oo mudo badan ka socday halkaasi ayaanay waxba ka soo bixin, balse waxa la filayaa maanta Kulan kale oo ay ku sii anba qaadayaan Fadhigoodii Xalay in ay ku yeeshaan Xarunta Golahooda, Gudidan oo ah Guddi Goluhu u xulay inay ka soo talo bixiyaan Xaalada Dalku marayo  iyo Muranka ka taagan Doorashada ayaa  la filayaa in ay ka soo bixiyaan Talooyin ku saabsan sidii loo furdaamin lahaa arrimaha Siyaasadeed ee Dalka ka aloosan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

    Fadhiga Gudidani waxa uu ku soo beegmay xili uu sii adkaanayo xiisada ka aloosan dalka ee ka dhalatay Doorashada, islamarkaana ay guul ka gaadhi waayeen dhexdhexaadintii ay galeen waftigii Itoobiya iyo dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin Salaadiinta dalka oo ku guulaysn waayey inay arkaan dhamaan dhinacyada Ishaya. Waxa kale oo dalka ka dhoofay weftigii ka socday Midawga Afrika oo aanay la kulmin dhinacyada ishayaa.

    Sida la sheegayna xukuumaddu waxyay ku adkaysanaysaa inaanay ku kalsoonayn cid kale oo an ahayn waftigii ka socday Itoobiya.

    Guddidaasi Guurtida waxa lagaga dhawaaqay fadhigii Golaha Guurtida  ee Axadii oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu ka waramay sida loogu baahan yahay in xal kama dambays ah loogu furdaamiyo khilaafaadka siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka ka aloosan.
    Gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay dedaalkii  Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Itoobiya uu ku doonayay in xal loogu helo khilaafaadka dalka, waxase uu tilmaamay inuu hawshii oo aan dhamaanin tagay, waxaanu yidhi “Waa kii yimid Weftigii Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada ee Itoobiya, una yimid khilaafaadkaas siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka oo uu doonayay inuu isku soo dhaweeyo,madax badanna wuu arkay,intii ay khusaynaysayna madaxda wuu ka arkay dadyow badan oo kalena wuu la kulmay.
    Weftigu ninkaasi oo qudha ayuun buu ahaa iyo nin xog-hayn u ah.Hawshii gudo gal iyadoo aanay waxba dhammaana wuu noqday sababahana idinkuba (Mudaneyaasha) waad maqlayseen waxba idiin fur furi maayo iyadoo aanay hawshii dhammaan ayuu dhoofay wuu soo noqonayaa sida uu yidhi.”
    “Arrinta muhiimka ahi waxa weeye raqba waa ku rageede’e way inoo taalaa, awoodana inaga ayaa leh,xalkeedana haddii aynu inagu isla wey-weyno la heli maayo, waa in xal la helaa waana lagama maarmaan,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
    Md. Salebaan Maxamuud Aadan,wuxuu sheegay inay shir-gudoonka Goluhu isla qaatay in Guddidii dhawaan Aqalkaasi u saaray xal u helida khilaafaadka dalka, maantana loo xil saaro xal u helida khilaafaadka dalka, waxaanu tilmaamay in Guddidaasi lagu xoojiyeen dhawr Mudane oo kale, waxaanu yidhi “Horta waxa imika inoo yaala ee aynu u fasax geli waynay waa khilaafaadkaasi dalka ka taagan, waxaan isla qaadanay shirgudoonkii haddii aanu nahay arrintaas inaynu gudo galo, oo aynu Guddi balaadhan u saarno xal u helida xaalada dalka, si Guddidaasi ay Golaha uga soo tallo bixiso sida ugu haboon ee xal loogu helayo khilaafaadka jira.”
    Guddoomiyuhu wuxuu fadhigaasi ka xaadiriyay magacyada Guddida ay u saareen xal u helida khilaafaadka dalka, kuwaasi oo kala ah.

    1-     X. Cabdi-kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)
    2-     Md. Maxamed Jaamac Abokor
    3-     Md. Muxumed Aw-Axmed
    4-     Md. C/Salaan Maxamed Siciid
    5-     Md. C/Qaadir Maxamed Xasan
    6-     Md. Aadan Shire Faarax
    7-     Md. Axmed Muuse Obsiiye
    8-     Md. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi
    9-     Md. Sahal Iidle Dirir
    10- Md. C/Qaadir Aw-Xuseen Mire
    11- Md. Jaamac Faarax Axmed
    12- Md. Nuur Rayaale Khayre
    13- Md. Sh. Maxamuud Xirsi
    14- Md. C/Raxmaan Axmed Aareeye
    15- Md. Xirsi Ciise Jaamac
    16- Md. Yuusuf Cabdilaahi
    17- Sh. C/Raxmaan Sh. Yuusuf
    18- Md. Axmed Daahir Jirde
    19- Md. C/Rashiid Sh. C/Laahi Aadan
    20- Prof. Axmed Dirir Cali
    21- Md. Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)
    22- Md. Saleebaan Garas Seed

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: