SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dagaalo dhimasho geystey oo dib ugu soo cusboonaaday maanta aaga Ceelbardaale

    Posted by Sawnews.tk on August 27, 2009

    news-iconBoorama (Sawnews) –  Wararka ka imanaya degaanka Baysaare ee gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan in saakay markale dagaal gaadmo ah ay kusoo qadeen Dadqalatadii dhawaan xasuuqa geystey.Weerarkan ayaa waxa uu dhacay ka dib markii maleeshiyo beleedka uu hogaamiyo qabqablaha dagaal ee magaciisa la yidhaa Ina Raage markii ay dhawaanahanba isasoo dhoobeen aaga maanta dagaalku ka dhacay.

    Dadqalatada ayaa bilaha Ramadaan cabsi iyo weeraro iskugu jira dhac maal iyo dilba u geysta dadyowga xoolo dhaqatada ah ee degaankaa degan. Hadaba weerarkan u danbeeyey ayaa dhacay saaka waabarigii ka dib markii ay dadqalatada Ina Raage ay kusoo sinqeen meel aad ugu dhaw fadhiisimo ay Maleeshiyo Beleedka Reer Maxamuud Nuur ay dufaac ugu jireen ka dibna ay rasaas la beegsadeen lix nin oo sahan ahaan meel fadhisiimaha maleeshiyada Reer Maxamuud Nuur ku sugani ay u geleen ciidanka dadqalatada ah ee meesha lasoo dhoobay ka dibna halkaa rasaas la isku hadheeyey.

    Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in isla goobtii uu ay qudhu kaga baxday nin ka tirsanaa sahanka Maleeshiyo Beleedka Reer Maxamuud Nuur oo ka tirsanaa lixdii nin ee sahanka ahaa ee ciidanka meesha lagoo dhooba afka uga galay shantii nin ee kale ayaa la shageeyay iyagana inay dadqalatada in Raage ay nolol ku qaateen.

    Arinta kale ee yaabka leh ayaa waxay tahay inay isna maydkii ay dileen dadqalatadu ku qaateen gaadhi nuuca milateriga ah oo ay wateen. Dagaalada ayaa sii fiday waxana wararku intaa ku dareen inay rasaastu mudo ku dhaw dhawr saacadood aanay joogsan ilaa hadana sida warar xog ogaal ahi sheegayaan dagalku uu socdo walina ciidamada somaliland ee aagaa ku sugani ayna wax faragalin ah ka geysen dagaalka.

    Saylac.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: