SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Axsaabta Mucaaradka oo hadallo is-burinaya ka yidhi Qoraal muran ka dhex abuuray

    Posted by Sawnews.tk on August 27, 2009

    kulmiye ucidHargeysa (Sawnews)- Axsaabta Mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo UCID ayaa hadallo is-burinaya ka yidhi Qoraal toddobaadkan lagu sheegay inay wada-jir u soo saareen labada Xisbi Mucaarad. Kaas oo ay Wararku sheegeen in uu khilaaf ka dhex abuuray labada Xisbi ka dib markii uu Xisbiga Ucid ku gacan-saydhay qoraalkaas in loo gudbiyo Warbaahinta.
    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay mawqifyada labada xisbi-mucaarad ee khilaafaadka siyaasadeed ee taagan ay isku mid ka yihiin, balse ay dhankooda xisbi ahaan aad uga xumaadeen waraaq dhawaan warbaahintu faafisay oo xambaarsanayd afkaaro loo gudbinayay Wasiiru-dawlaha Khaarajiga Itoobiya, taasoo uu xusay inay baxday isaga oo aan saxeexin.

    Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa Qoraal 23-kii bishan laga soo saaray Xafiiska Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, kuna saabsanaa mawqifka kulan dhex maray Mucaaradka iyo Wasiiru-dawalaha Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo la sheegay inay wada-jir u soo wada saaren labada Xisbi, ku tilmaamay mid ay ka xumaadeen, isla markaana aanu isagu saxeexin.

    “Markay dooddu jirto ileen waa la doodayaaye, laakiin, mawqifka waanu isla haysanaa.” Waxaanu intaa ku daray, “Inkasta oo aananu isku raacsanayn Warqaddii aanu ku gorgortamaynay ee Warbaahinta la geliyay aniga oo aan weli saxeexin. Taas aad iyo aad ayaanu uga xunnahay, maanta (shalay) ayaananu ka wada hadlaynaa Insha Allaahu tacaalaa inaanay waxaas oo kale dhicin. Balse, sida kale mawqifyadayadu 100% waa isku mid.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.
    Dhinaca kale, mar uu xalay Wargeyska Ogaal khadka talefoonka kula xidhiidhay masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxna ka waydiiyay in arrintaas iyo siday iyagu dhinacooda u arkaan. “Maya, Maya.

    Qoraalkaa saxaafadu faafisay, labada guddoomiyeba way saxeexeen, ka hor intii la baahinba.” Sidaa waxa yidhi xubin sare oo ka tirsan guddiga hagida istaraatiijiyada iskaashiga labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID. Waxaanu intaa raaciyay, “Dabcana waa loo dhiibay Wasiiru-dawlaha (Khaarajiga Itoobiya).”

    Masuulkan oo arrintaa ka sii hadlayay mar la waydiiyay bal inay labada xisbi ka wadahadleen arrinta waraaqddaas uu Guddoomiyaha UCID Inj. Faysal Cali Waraabe sheegay inay baxday isaga oo aan saxeexin, wuxuu hadalkiisa intaa raaciyay, “Waa arrin laga soo gudbay oo ma jirto sabab aanu isu-waydiinaa.”

    Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: