SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumada Somaliland Oo Ayaan Darro Ku Tilmaantay Inay Dawlado Shisheeye Soo Dhex Galaan Xal U Helida Khilaafaadka Dalka

    Posted by Sawnews.tk on August 26, 2009

    ducaaleHargeysa (Sawnews)-  Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa ka waramay socdaalkii Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya iyo halka ay marayaan wada hadalladii lagu soo afjarayay  khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka. Wasiirka oo ka hadlayay socdaalkii iyo dedaalkii

    ee  Wasiirul-dawlihii  Itoobiya waxaanu yidhi “Xukuumada ahaan waxaanu  u aragnaa  Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibada  Itoobiya Dr. Tekedu Elemu uu shaqo weyn qabtay cid walbana wuu dhageystay dhinacyadii arrintani khusaysay.
     
    Xukuumad ahaan waxaanu u aragnaa inuu horumar weyn sameeyey, soona noqonayo inta yar ee qabyada ahna uu dhamaystiri doono.”
     
    Mudane Ducaale, oo la weydiiyey in xukuumadu taageersan tahay in natiijadii diiwaangelinta iyo mishiinkii server-kii dib loo sii habeeyo oo farsamo yaqaano cusub la keeno, waxaanu ku jawaabay “Xukuumad ahaan taanu qabnaa waxa weeye wada hadal baa socda waanu taageersan nahay wada hadaladaasi meel fiican bay maraysaa aad iyo aad baanu u dhiirigelinaynaa.
     
    Ninkani (Wasiirul-dawluhu) wuxuu u egyahay nin tudhaya oo dawladiisana  mas’uuliyad buuxda ka haysta markaa ma jeclin inaanu ka  hadalno wixii farsamo ah, laakiin guud ahaan qaabka arrinku u socdo raali baanu ka nahay.”
     
    “Waxay arrintu ku haboon tahay mar haddii wada hadalo socdaan oo rag ku dhex jiro oo dawlada Itoobiya ay arrinkii khilaafkii soo dhexgashay oo isku xilsaartay, waxay ahayd inaynu inagu hore iskaga dhamayno. Mar haddii arrintii lagu dhex dhacay ma jeclin inaanu ka hadalno wixii laga wada hadlayay iyo sida wax u socdaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada, oo maanta u waramayay  idaacada BBC-da  laanteeda Afka Soomaaliga mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd maxay xukuumadiisu ka yeelaysaa dalabka mucaaridka ee la xidhiidha in dawlad dhexdhexaad ah oo dalka doorasho gaadhsiisa la dhiso, oo aan mar kale xukuumada mudada loo kordhin.
     
    Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka dhursugayaan in wada hadalada u socda xisbiyada la sii ambo qaado marka Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya uu ku soo noqdo muddo toban cisho gudahood ah.
     
    “Guurtidu SNM way shaqeyn jirtay iyo meelo badan oo aanu ku ciirno ayaanu lahayn SNM oo wax lagu dhamayn jiray marka khilaaf imaado, taasina waa ta dhaqanka inoo noqotay. Nasiib darro maanta khilaafkani wuu dhacay ma jecli inaan cidna farta ku fiiqno, maadaama suluxna uu socdo lana doonayo in niyad samina lagu wada shaqeeyo xal  runtii waa arrin  dibad la inooga yimaado waa lagu baaqay in meelo kalena la inooga yimaado.
     
    Itoobiyana waa dawlad sokeeye ah oo aynu jaar nahay, waa dawlad arrimahani ay saamayn weyn ku leedahay iyaga iyo kuwo kale oo jaarka ahba, haddiise ay dhacday waa walaalaheen waanu soo dhaweynaynaa. Waxaanan ku rajo weynahay xukuumad ahaan inay iska dhamaad tahay,”ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabay su’aal ahayd dareenkiisa ku wajahan in khilaafka Somaliland ay soo dhexgaleen dawlado shisheeye ahi.
     
    Mudane C/laahi Maxamed Ducaale wuxuu soo dhaweeyey dedaal kasta oo xal loogu doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed.
     
    “Cid kasta oo xilqaantaa  aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin, Madaxweynuhuna waa kii gogosha wada hadalada fidiyey ilaa haddana gogoshaasi way taalaa  saaxiibadii inay is arkaana way fiicnaan lahayd taasina wakhtiga ay diyaarka yihiin waa halkeedii.
     
    Mar haddii  arrinkii meel mar noqday waxa weeye oo fiican in laga dursugo wada hadaladan la wado oo aan la doco-doceyn,” ayuu yidhi Mudane Ducaale.
     
    Wasiirka Arrimaha Dibada oo la weydiiyey socdaalka Ergayga Midowga Afrika ee Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka ka dhoofay waxaanu yidhi “Ergaygani horena wuu inoogu yimid ma aha nin dalka ku cusub tiraba afar jeer ayuu yimi ilaa 1993-kii, wuxuu u socday inuu dabogal ku sameeyey socdaalkiisii hore, Arrimaha Midowga Afrika iyo xidhiidhka inoo dhexeeyana aanu xukuumad ahaan ka wada hadalno, waxa kale oo uu damcay inuu kale hadlo arrintan (khilaafka) oo uu la kulmo axsaabta iyo Komishanka doorashooyinka, taasna wuxuu u arkay maadaama oo Itoobiya ay gashay wuxuu u arkay inay ku haboon tahay in loo daayo cidii arrinka gashay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Itoobiyana way is arkeen waanu uga waramay halka ay wax marayeen.
     
    Waxa kale oo aanu sii farnay arrimo badan oo la xidhiidha cilaaqaadka Somaliland iyo Midowga Afrika, iyo arrimaha Somaliland daneynayso oo arrimaha qaarna aanu ka walaacsan nahay oo ay ka mid tahay dawlado kalena aanu u sheegnay dhawaan socdaal aan ku tegay Maraykanka  aan la kulmiyo Kaaliyaha Arrimaha Dibada oo ah arrin dad dhawaan lagu ururiyey Maraykanka oo ak socday ragii ciidamadii Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo uu ka mid ahaa Cali Samatar iyo mowqifka aanu ka taagan nahay, arrintaasi oo aanu u aragno  inay keeni doonto cawaaqib xumo wuu qortay  waxaanu Kaaliyuhu noo sheegay inuu u gudbinayo dawladiisa.
     
    Arrintaasi waxa kale oo aanu kale hadalnay urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, waana arrin aanu dublamaasiyad ahaan doonayno in hoos aanu ugala hadalno caalamka.”
     
    “Waxaanu u aragnaa ragaasi madaxda ciidamadii Siyaad Barre ee la ururiyay dagaal la caddaystay,” ayuu yidhi Wasiirku.
    //

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: