SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wafdigii ka socday Midowga Afrika oo Somaliland ka ambabaxay

    Posted by Sawnews.tk on August 26, 2009

    AUHargeysa (Sawnews)- August 26,2009-Wafdigii  uu Hoggaaminayo Ergayga Midowga Afrika ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr.  Nicolas Bwakare, ayaa galabta  ka ambabaxay dalka ka dib markii uu dhamaystay socdaal laba cisho uu ku joogay Somaliland. Mr. Nicolas oo intii uu ka dhoofin madaarka Hargeysa ugu waramayay  Telefiishanka Qaranka Wuxuu Madaarka tafaasiil kaga bixiyay wada xaajoodka siyaasadeed ee u socda dhinacyada siyaasada Somaliland ee Is-khilafsan waxaanu xusay inuu la kulmay Xukuumada iyo xisbiyadaba.
     
     
    Mr. Nicolas waxa uu baaq u diray masuuliyiinta saddexda xisbi iyo Madaxweynaha Somaliland waxaanu ku booriyay  in wada xaajoodka u socda   lagu xaliyo khilaafka iyo muranka  siyaasadeed ee  xilligan kala guurka ah gorada ay iskula galeen.
     
     
    Ergaygu wuxuu  dawlada Itoobiya ku  Bogaadiyay dhex dhexaadinta ay isku  xilsaartay, waxaanu sheegay in dawlada Itoobiyo ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay Somaliland sida loo soo afjari lahaa khilaafkaasi.
     
    Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland C/laahi Max’ed Ducaale oo wafdigaasi sii sagootiyey ayaa uga mahad celiyey danaynta Midowga Afrika danaynayaan Somaliland, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey dawlada Itoobiya iyaga iyo Midowga Afrika kaalintii ay ka qaateen xalintii khilaafkii siyaasadeed ee axsaabta qaranka ka dhex aloosnaa. Waxa uu daboolka ka qaaday in xukuumadu xili kasta ay iyadu diyaar u tahay wax alle wixii ku saabsan muruga khilaafka siyaasadeed.

     

    source Ramaas

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: