SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cakuye Maa Diinta Laga Daayo Siyaasada iyo Qabiilka! (Qaybtii Labaad)by: Maxamed Warfaa

    Posted by Sawnews.tk on August 26, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenWaxa haboon in akhristuhu akhriyo maqaaladaydii hore si u ula socdo dulucda faalladani. Waxaa iyana haboon in akhristuhu dhageysto warsaxaafadeedkii Mudane Samaale qabtay taariikhdu markii ay aheyd 18/08/2009>. http://www.saylac.com/blog/2009/08/dhegayso-gudoomiye-kuxigeenka-1aad-ee-golaha-wakiilsada-oo-shirjaraaid-qabtey .Waxaa kale oo iyana fiican in akhristow inaad daawatid fiidiyaha sheikh Aadan Siiro kaga hadlaayo arrinta Ceelbardaale ee muujineysa xukun qarbooshka u taageeraayo. Halkan hoose guji: http://www.youtube.com/watch?v=u2cnigL5OZE&feature=related.

    Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxu ka sheekeeyey dawladihii iskaga dambeeyey talada dalka Soomaaliya. Wuxu amaan u jeediyey  sidii dimiqoraadiyada aheyd ee Marxuum Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan  uu xilka iskaga wareejiyey. Wuxuna ka codsaday Madaxweyne Rayaale in talada dalka iskaga daadago. Marnaba Mudane Samaale hadalkiisa ma raacinin “haddii doorashada laga helo”. Waxaan anigu aaminsanahay in Madaxwene Rayaale xilka madaxnimada iska wareejiyo haddii laga helo doorashada soo socota. Mase haboona, wax caqliga aadamaha galena maaha in Madaxweyne aan doorasho laga helin iskaga dhaqaaqo talada dalka.

    Mudane Samaale isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi, “Madaxwenuhu isaga ayaa dawlada madax ka ah xaqna u leh in uu eryo wasiirka uu isagu doono. Wuxuna maalin dhaweyd eryey wasiir ay isku khilaafeen arrinta Ceelbardaale”. Hadalkiibuu sii wato intuu hadalkiisii hore buriyey ayuu yidhi “Ma habooneyn waqtigani xasaasiga ah in u eryo wasiir ka soo jeeda dhinaca Gabiley maadaama ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee isku haya dhulka Ceelbardaale”. Waa la yeebe, miyeyna Soomaaliland aheyn dawlada ku dhisan sharci aan beeleysneyn. Mudane Samaale marna wuxu leeyahay Madaxweynuhu sharciga ha ku dhaqmo, marka ay dantiisa tahayna wuxu leeyahay ha habrado. Waar Mudanuhu markuu sax yahay?  Hadalkani wuxu ka marag kacayaa fikirka beeleysan ee ku jara maskaxda Mudane Samaale. Fikirkaasi oo ah kan dhaliyey kala qeybsanaanta golaha Wakiilada ee keenay sawaxanka iyo qayladii ka aloosantay Golaha maalinta dheyd. Eeg sawirkani:

     CIMG1269

    Bal dadyahow eega hadalkani aan ka soo xigtay Ramaasnews Desk:

    Xildhibaan Maxamed Baaruud Qamac, oo ka mid ah Mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Hargeysa hase ahaatee ka soo baxay Xisbiga UCID, oo ka mid ahaa Xildhibaanadii maanta fawdada Golaha dhaliyay, ayaa Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, si adag ugu hanjabay, waxaanu yidhi “Dalkan adeer waanu u soo dhimanay, oo lafahayagii ayaa yaala, Adiguna shalay ayaad Xabad nala dhacaysay, maantana waxaad doonaysa inaad shirgudoon noo noqotid.” (Shirgudoonka baarlamanku waa kuwaa!)

    Horta waa su’aale Mudane Samaale marna ma tagey Gobolka Awdal/Salel oo ma arkay dariiqa u dhexeeya Dila iyo Boorama? Xaalada dariiqaasi yaa ka marag kaceysa in Madaxweyne Rayaale uu dayacay Gobolkii uu ka soo jeedo. Waxaa kale oo ka marag kacaaya baaba’a ku habsaday tuulada Qulujeed aheyd ee u ka yimid Madaxweyne Rayaale ee wax-ma-hubsade Faysal Cali Waraabe maalintii dhaweyd lahaa Madaxwynuhu ha ku noqdo. Ma Madaxwenaha ficilkiisu kaa yahay ayaa u hiilnaaya Gobolkiisii amase beeshiisii. Haddiise Madaxwenuhu u xuquuqda beeshiisu ku leedahay siinaayo muxuu u soo qaban waayey budhcad berriyeedkii 7/11 ku xasuuqday beeshiisa wadada Kalabeyd iyo Dila u dhaxeysa iyaka oo weliba ficilkaasi u abaabulay si ay isaga ugu xumeeyaan. Ma ogtahay Mudane Samaale haddii uu soo qaban lahaa budhcadani in uu u hiiliyey xaqa iyo cadaalada. Maxaa ka horjoogase in uu xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku aadan arrintani budhcad berriga ka fushado? Ka jawaab Samaale? Haddii aan anigu kaaga jawaabo, Waxaa ka soo horjeedaayi waa adiga iyo inta aad isku fikirka tihiin ee maskaxda ay ka gashay xaqdarrada iyo xiqdiga beeleysani.

    Taariikhdu waa been ma sheegto, cidna ma cafiso ee dadweynow ha la ogaado. Sidaa awgeed, waxaan Mudane Samaale iyo inta kale ee xil dalka u haysa ku boorinayaa in ay isdabaqabateeyaan oo dalka iyo dadkaba u naxaan oo hawshii loo igmaday u fuliyaan si Eebe raali galineysa.

    Waa Qalinkii

    Maxamed Warfaa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: