SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaarada Khaarajiga Oo Soo Bandhigtay Warbixin Si Qoto dheer Uga Hadlaysa Safaradii xukuumada JSL

    Posted by Sawnews.tk on August 25, 2009

    Somaliland_COAHargaysa,(Sawnews)- Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa soo bandhigaty qoraal dheer oo ay kaga waramayso waxqabadkii wasaaradaas ee sanadkiihore ee 2008, taas oo lagu mid mid loogu soo qaaday safaradkii madaxweynaha, Wasiirka arrimaha dibedda iyo xubo ka tirsan golaha wasiiradu ku tageen dalal caalamka ah iyo weliba safaro ay kala ku yimaadeen wufuud kala yimid dalal shisheeye ah.

    Qoraalkan oo uu saxaafada u qaybiyay Wasiiral dawlaha WasaaraddaArrimaha dibada Somalilanmd Md. Siciid Maxamed Nuur. Waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-

    “Waxa ka mid ahguulaha wasaaradda arrimaha dibedda gaadhay sannadkan 2008. Furitaanxafiisyo wakiil-dibadeed laga kala furay dalalka Faransiiska, Swedeniyo Norway, tababaro xagga xirfadda ah oo la siiyey shaqaalah xarunta.Dib u habayn iyo isku shaandhayn lagu sameeyay xafiisyada wakiilladaJSL ee dibedda qaarkood iyo qalabayn lagu sameeyay xafiisyada xarunta.Hawlaha Ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka caalamiga ah oo wax badanlaga qabtay oo laga gaadhay guulo wax ku ool ah.Waxa heer fiican la gaadhsiiyey barnaamijka siyaasadadeed ee wasaradduay halganka ugu jirto gudiyada aqoonsiga Somaliland.Waxa dib u habayn lagu sameeyay qaab-dhismeedka wasaradda arrimahadibedda iyadoo lagu kordhiyay waaxda (Ducumentation, Reseach andplanning Dept.).

    Waxa dib loo daabacay laba buug iyo laba Pamphlet oo loogu talo galayictifaaf raadinta Somaliland.Waxa la sameeyay xarun yar oo loogu talo galay in lagu kaydiyo xogahaiyo macluumaadyada muhiimka ah.Wufuuda dibedaha u baxday sanadkan 2008Waxa wufuud loogu baxay dalal badan oo calamka ah sidii qaadiyadaaqoonsiga Somaliland looga dhaadhicin lahaa dalalkaas iyo hay’adahacaalamiga ah iyo si xidhiidh loola yeesho caalamka.Wufuudaas oo la kulmay madax heerar kala duwan leh iyadoo ay kalahadleen arrimaha siyaasadda, horumarinta, dhaqaalaha, dibudhiska iyoaqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.January 2008:

    Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland H.E. Daahir Raayaale Kaahin, oo ay wehliyaanwasiiradda, arrimaha dibadda, caafimaadk,a caddaaladda iyo wasiir kuxigeenka qorshaynta qaranka, ayaa booqasho hawleed ku tegay dalalkaEthiopia, US iyo Ingiriiska.Dalka Ingiriiska waxay kula kulmeen masuuliyiin ka kala tirsanxukuumadda Ingiriiska iyo baarlamaanka, sida, wasiirka horumarintaAfrika.

    Weftigu intii uu joogay dalka Maraykanka waxay la kulmeen kaaliyahaxoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Afrika Janday Frazer iyowasaaraddaha Gaashaandhigga, sirdoonka, amniga iyo haya’adda USAID.

    January 24, 2008: Wasiirka Arrimaha Dibedda Mud. Cabdillaahi MaxamedDucaale, ayaa wefti ku tegay dalka Ethiopia iyo xarunta AU-da oo uu kafurmay shir madaxeedka wadamada Afrika.Feb. 2, 2008: Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha JSLH.E: Daahir Rayaale Kaahin oo ay ku weheliyaan wasiiradda, arrimahadibedda, madaxtooyada, hawlaha guud ayaa booqasho ugu baxay dalkaImaaraadka Carabta.

    March, 13, 2008: Wasiirka Arrimaha dibedda ayaa socdaalka shaqohawleed ku tegey dalka Ethiopia, Addis Ababa.

    June, 22, 2008: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland HE. DaahirRayaale Kaahin iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa booqashosaddex cisho ah ku tegey dalka Djibouti.July 2, 2008: Wasiirka arrimaha dibedda Mud. Cabdilaahi MaxamedDucaale ayaa boqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya.

    Sept. 8, 2008: Wasiirka Arrimaha dibedda Mud Cabdilaahi MaxamedDucaale ayaa wefti ugu baxay dalalka Ingiriiska iyo Ireland, isagoo kaqaybgalay shir ay leeyihiin wadamada ku hadla Afka Ingiriisiga(English Speaking countries) oo lagu qabanayey Scotland.

    Sept. 13, 2008: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland H.E. DaahirRayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho ugu baxay dalkaFaransiiska, Ingiriiska iyo Germany.

    Oct. 10, 2008: Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Md.Cabdilaahi Maxamed Duaal eoo ay ku weheliyaan wakiilka JSL u fadhiyadalka Ingiriiska Md. Aadan Muuse Jibriil, wakiilka JSL u fadhiya dalkaEthiopia Ambassador Maxamed Sh. Xasan iyo xoghayaha fulinta eewasiirka arrimaha dibedda ayaa booqasho 7 cisho ah ku tegay dalkaEthiopia, halkaas oo ay kaga qaybgaleen shir khaas u ahaa dawladdaSomaliland iyo dawladda Ingiriiska oo ku saabsanaa arrimaha,siyaasadda, Horumarinta, dhaqaalaha iyo dib udhiska JamhuuriyadaSomaliland.

    Waxa kale oo weftigu la kulmeen wasiiru dawlaha arrimaha dibedda eedalka Ethiopia Dr Tekede, xoghaynta midawga Afrika iyo madaxda kaladuwan.

    Dec. 22, 2008: Wefti uu hoggaaminiyo madaxweynaha JamhuuriyaddaSomaliland HE. Daahir Rayaale Kaahin oo uu ku jiro wasiirka arrimahadibeddu, ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Djibuuti, halkaasi ooay wada hadalo kala soo yeesheen madaxda dalkaas sidii loo horumarinlahaa arrimaha bulshada,dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda.Isla socodkaas madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisuwaxay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Ethiopia, halkaas oo kulakulmeen raysal wasaara Ethiopia Md. Meles Zenawi iyo wasiirka arrimahadibeeda ee dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labadadal iyo arrimaha mandaqaddaba.

    Wufuudda dalka timid sanadkan 2008Waxa dalka booqasho ku yimid wufuud badan oo ka kala socda dalalkacaalamka iyo hay’adaha caalamiga ah oo heerar kala duwan leh si ay ugukuurgalaan horumarka Somaliland ku talaabsatay dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha, dimuraadiyada iwm.

    Waxana yimid:Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda u qaabilsan dalka Maraykankaarrimaha Afrika, Ms Janday Fraser, Wefti 3 xubnood oo uu hoggaaminayoxoghayaha 1aad ee safaaradda Faransiiska ee dalka Djijouti ayaabooqasho ku yimid Somaliland, La-taliyaha Safiirka Safaaradda Masariyo Djibuuti, Mr Ahmedou-Ould Abdellah Special Representative of theSecretary General of the United Nations for Somaliland and Somalia,Wefti ka socda Shiradaha waaweyn oo Ingiriiska degan, John Marshal 1secretary and policital officer of British Embassy in Addis Ababa, MrThiery Choinier 1st secretary of France Embassy in Djibuuti,.

    Wefti uuhoggaaminayo Ambassador Norman Ling (Safiirka Ingiriiska u fadhiyaAddisababa, Mr Andrzej Kielecki (1st Secretary of Belgium Embassy inNairobi, Wefti uu hoggaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha dibedda iyoCommonwealth, wefti uu hoggaaminayo wasiiru dawlaha dibedda iyocomonwealth ee dalka Ingiriiska, Mr Nicols oo ah wakiilka MidawgaAFrika u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Wefti uu hoggaaminayowasiirka Maaliyadda ee dalka Djibuuti Md. Faarax Cali Casoowe.

    Ku-talo-galka hawlaha wasaaradda ee 2009:In la badiyo ololaynta qaddiyada Somaliland iyo horumarinta siyaasada dibedda.

    In la xoojiyo xidhiidhka siyaasadda dibedda ee Somaliland.In la furo xafiisyo wakiilo kale haddii imkaanyaadku inoo saamaxo.

    In la dhamaystiro dibu habaynta wasaaradda.In tababaro kala duwan la siiyo shaqaalaha.In dad aqoon iyo waayo aragnimo u leh loo raadiyo wasaaradda iyo xafiisyadadibedda.

    In la balaadhiyo dhismaha wasaaraddu ku jirto oo ah mid cidhiidhi kuah shaqaalaha hadda ku sugan, iska daa kuwo cusub oo mustaqbalka laqaato ah.

    In xarunta laga dhex furo hoy lagu kaydiyo macluumaadka laguna sameeyocilmi-baadhista ‘Documentation and Research Centre’. Macluumaadka kaleka sokow, xaruntani waxay lahaan doontaa qayb gaar ah oo ah laabareeri‘Library’.

    In wasaaradda loo helo gaadiid shaqaale iyo gaadiid martiyeed oo aadloogu baahan yahay.

    Dhibaatooyinka haysta wasaaradda:

    Waxa xusid mudan in miisaaniyadda wasaaradda loo qoondeeyey ku yartahay sanad walba, taasoo aan daboolaynin baahideeda shaqo, kirada iyokoboceeda mustaqbalka gudaha iyo dibeddaba.

    Haddaba, anagoo tixgelinayna duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira iyoimkaaniyaadkeenna, haddana waxa lagama maarmaan ah in si gaar ah looeego horumrinta siyaasadda dibedda ee dalka, taasoo lagu gaadhi karohimilooyinka aan hiigsanayno.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: