SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudida Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada oo Maanta Gudo galaya Hawshooda

    Posted by Sawnews.tk on August 25, 2009

    Toban xubnood oo Labada dhinac ka kooban ayaa loo Saaray Xalinta Khilaafka Adag

    CIMG1275Hargeysa (Sawnews) Tobankii Xildhibaan ee Shalay loo saaray in ay isku soo dhaweeyaan xalna u helaan Khilaafka ka dhex Aloosan Golaha Wakiilada ayaa la filayaa in ay hawshooda bilaabaan maanta, ka dib markii uu suurto gali waayay kulan gaaban oo ay shalay yeesheen, kaas oo isla shalayba ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada, markii la xidhay Fadhigii Shalay.

    Xubnahan loo saaray Turxaan bixinta oo ah Xildhibaanadii ugu adadkaa labada Garab ee isku haya Xiisada ka dhex taagan Golaha Wakiilada, ayaa kala ah Dhinaca Mucaaridka

    Xildhibaan Obsiiye, Cali Mareexaan, Duur, Maxamed Xuseen iyo Kijaandhe,

    Halka ay Xubnaha Muxaafidkaana uga qayb galayaan Xildhibaan Cali Gabiley, Dable, C/raxmaan Xoog, Dhakool, iyo Cali Aareeye, waxaanay ujeedada loo saaray tahay in ay isu soo dhaweeyaan labdad dhinaca ee uu u kala jabay Golaha Wakiiladu, ee kala Taageersan Muxaafidka iyo Mucaaridka, kuwaas oo loolanka u dhexeeyaa uu la jaan qaadsan yahay muranka Siyaasadeed ee Dalka ka aloosan ee ka dhashay Doorashooyinka.

    Balse ujeedada loo xilsaaray Gudidan ayaa la filayaa in ay adkaato xal  in ay u helaan madaama aanay Xiisadani ahayn mid Golaha Dhexdiisa ku kooban ee ay tahay mid ku salaysan,Xiisad ka aloosan Guud ahaan Dalka, taas oo Golaha Dibada kaga timid madaama ay mudanayaashu ka soo kala jeedaan Saddexda Xisbi Qaran mar walbana ay fikradahoodu ku salaysan yahiin Xisbiyadoodu waxa ay qabaan.

    Sida aynu ogsoonahay Muranka ay arrintani ka dhalatay ee qabashada Doorashooyinka ayaa ilaa hada maaraynteedii loo taag laayahay, iyada oo xitaa ay soo faro galiyeen Wufuud ka kala timid Itoobiya iyo Dalalka Caalamka, oo danaynayay in ay dajiyaan Xiisada ka aloosan Soomaaliland, taas oo ah markii ugu horaysay ee Xiisad Soomaliland ka dhalata laga soo faro galiyo dibada.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: