SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wafti midowga Afrika ka socda oo dalka soo gaadhay

    Posted by Sawnews.tk on August 24, 2009

    AUHargaysa,(Sawnews)-Wafti ka socda midoga Afrika ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargaysa, ee caasimada Somaliland waftigani oo uu hogaaminaayo ergayga midowga Afrika u qaabilsan Somaliland oo horkacaayay waftigani ayaa sheegay in socdaalkoodu uu qaadan doono mudo laba cisho ah isla markaasina uu socdaalkoodu uu khuseeyo arimaha doorashooyinka ee Somaliland.

    Ergaygu waxa uu sheegay in uu la kulmi doono xukumada Somaliland siibamadaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxda xisbiyada qaranka, golayaasha qaranka iyo gudiga kamooshinka qaranka.

    Waftigani waxa ay Somaliland ku hanbalyeeyeen waxii ay qabsatay taniyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland, oo ay sheegeen in ay xagaasi ku soo gaadhay wada hadal iyo isu tanaasul, waxa aana ay si gaar h u amaaneeneen golaha guurtida oo ay sheegen in ay kaalin mihiim ah ka soo qaateen dib u soo celintii amniga xiligii loo baahnaa, waxa sidoo kale ay xukumada Somaliland iyo shicibkeedaba ku hambalyeeyeen wax qabadka muuqda ee ay qabsadeen tan iyo intii ay ku dhawaaqeen gooni isu taaga.

    Waftigani waxa garoonka diyaardaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane C/laahi Maxamed Ducaale.

    Waftigani ayaa dalka yimid xili ay waftigii ka socday dalka Itoobiya ee waday waan waanta ay sheegeen in ay haboontahay in xukumada hada mudada loo kordhiyo si loo helo doorasho xor ahi.

    Murankan heerkani gaadhay ee doorashada ayaa waxa uu ka dhshay kadib markii ay hay’adii waday hawsha diwaan galinta ee Interpeace ay soo saartay tiro koob ay ku sheegtay in aanu sax ahayn isla markaasna aanu si fiican u kala shaandhaysnayn, ay sheegtayna in uu mad madow badani uu ku jiro, taasi oo dhalisay murankani hada taagan

    Source Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: