SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiilada oo Maanta Gacan-ka-Hadlan is waydaarsaday Muxaafid iyo Mucaarid +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on August 24, 2009

    CIMG1273Hargeysa(Sawnews)- Saaka ayaa Golaha Wakiilada Somaliland Fadhigoodii Maanta ay ka dhacday Gacan ka hadal ay is waydaarsadayn qaar ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka ah iyo kuwa Mucaaradka ah.

    Is faro Saarka Xildhibaanada ayaa ka dambeyey kadib markii Hadalo taag tagaan iyo Aflaagado la isku waydaarsaday Gudaha Xarunta Barlamaanka, kadib markii la isku qabtay in Fadhiga Goluhuu sii socdo iyo in la xidho.

    Xildhibaanada kasoo qayb galay Kulanka maanta ayaa ahaa qaar u badan Mucaaradka inkastoo tiro badan oo Muxaafid ahna ay joogeen, waxana Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Cod galiyey in Fadhigu sii socdo oo uu furnaado iyo in la xidho.

    Kadib Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cirro ayaa ku dhawaaqay in  inka badan 50 Xildhibaan isku raacayn in Golaha Wakiilada Fadhigiisu uu furnaanado Madaama Kooramku buuxu loona baahnayn in la xidho Golaha wakiilada.

    Dhawaaqa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Kadib waxa Diidmo xoogan kala hor yimid Xildhibaanada Muxaafidka ah ee UDUB kuwaas oo diidanaa in Goluhu sii furnaado waxayna ku doodayeen in la xidho Golaha Wakiilada.
     Xildhibaanada UDUB ayaa ku eedeyey Shirgudoonka Golaha Wakiilada inuu Dhinac yahay oo u la safan yahay Kuwa Mucaaradka.

    Intaa kadib waxa dhacday in Xildhibaanada Mucaaradka ahina ay dhankooda kaga doodaan in Goluhu Furnaado oo aan la xidhi karin, kadibna Waxa Xildhibaanada labada Dhinac dhexmaray Aflagaado iyo hadalo qayaxan taas oo aakhirkii gaadhay in gacanta la iskula tago oo kuraasta la isla dhaco.

    Markii ay dhacday in la is faro saaro ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Amray in Suxufiyiinta Dibada looga saaro Hoolka Doodu ka socotay ee Golaha wakiilada waxana dibada loo tuuray dhamaan saxaafadii joogtay iyadoo ciidanka Boolisku kala qabqabanayeen Xildhibaanada isleenaya.

    Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Md Cabdicasiis Samaale oo BNN la kulantay oo wax ka waydiisay sababta dhalisay Khilaafka gacan ka hadalka, ayaa sheegay in Waxa ugu weyn ee la isku af garan waayey ay ahayd in Golaha Fadhigiisu sii socdo oo uu Kooramku buuxo iyo inaanu sii socon ee la xidho fadhiga.

    Cabaar markii Muranku socday iyo dagaalku ayaa lagu kala dareeray Golaha Wakiilada iyadoo Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafadku ay qoloba qolada kale eeda saaraysay oo lahayd iyaga ka masuul ah waxa Dhacay.

    BNN oo wax ka waydiisay labada dhinacba hadda waxa la qabanayo ee Xal ah waxay Xildhibaanada Labada Dhinacba soo jeediyeen in wada hadal la galo oo la iska afgarto waxa la dhacay wada hadalna lagu xaliyo.
    CIMG1303CIMG1297CIMG1293CIMG1290CIMG1279CIMG1278CIMG1275CIMG1273
    CIMG1269CIMG1268CIMG1267CIMG1305

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Source Boramanews

    Leave a comment